
Sidee ula xariireysaa degmadaada cusub? Tawfeeq (40): "Waxaad u baahan tahay qof Nederlaan ah oo kuu fura albaabka bulshada Nederlaanka"
Marka aad ku cusub tahay degmada waxaa suura gal ah ineysan sahlanayn inaad dhaqso ula xariirto dadka agagaarkaaga. gaar ahaan haddii aad luqada si fiican ugu hadlin. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa sheekooyinka iyo talooyinka dadka cusub ee la kulmay wax la mid ah.
"Nolol bulsho aad ayey muhiim iigu tahay, kaligey ma ahaan karo"
Tawfeeq (40) oo ka yimid Suuriya waxaa bilowgii ku adkaa inuu wada xariiro sameeysto Nederlaan. "Dad waan arkay jidka iyo suuqa, laakiin aniga qofna ma aqoonin iyo Nederlaanka si fiican uguma hadeynin. Aniga waxaa ahay bulsho oo ma arbo inaan cidlo dareemo. Su'aasha waxey ahayd: sidee ayaan saaxiibo u yeeshaa iyo sidee ayaan xariiro u helaa?"
Barashada dadka ayaa ku adkayd Towfeeq. "Taasi waxey ahayd caqabad. Waxaad u baahan tahay qof albaabka bulshada Nederlaanka kuu fura. Aniga ahaan taasi waxey ahayd deriskeyga. Hadda waxaan dhisay nolol bulsho ah, taasi ayaa farxad i gelisa."
Waxaa dadka ku baraneysaa dhaqdhaqaaqyo ka jira xarunta beesha
Waxaa xaafad kasta oo Nederlaan ay leedahay xarun beesha. Badiyaa waxaa meeshaasi lagu qabtaa dhaqdhaqaaqyo dadka degaanka, sida casharo luqada, casho ama habeenada ciyaaraha. Tawfeeq:: naagta deriskeyga ayaa ii waday xarunta beesha. Jawiga waa mid saaxibtinimo. Hadda dhamaan dadka waa aqaanaa xaafadeyda. Mar mar waan wada ciyaarnaa ama cunto macaan ayaan karinaa. Waxey jecel yihiin cuntada Suuriya! Waxaad heleysaa caawino haddii aad u baahan tahay inaad wax dabirto aa aadan aqoon sidee wax la yeelaa. Iyo waxaan ka hadalnaa isbedelada xaafada."
Koob kafeyga iyo buskud mar walba wey fiican yihiin
Markaad u guurto meel cusub, inaad barato deriskaaga waa wax iska caadi ah Nederland. Mohammad (35) oo u dhashay Iran ayaa yiri: "Mar waxay ahayd in aan warqado ku rido sanduuqa boostada ee deriskayga, laakiin ma garanayn inay taasi caadi tahay, marka hore waxaan garaacay gambaleelka albaabka ka dibna waxaan bilaabay inaan dhoho 'hallow'. sidaas ayaan ku bilowday inaan xariirno, intaas ka dib, waxaan helay martiqaad qaxwo, buskud, dabcan! Taasi waa wax caado ka ah Nederland, mararka qaarkood wax yar ayaad joogeysaa, mararna waxaad noqonaysaan saaxiibo."
"Waxaan VluchtelingenWerk ka helay talo ah: aad maktabada"
Zakie (33) oo u dhashay Suuriya waxa uu caawimo ka helay VlucntelingenWerk Nederland. bilihiisii ugu horreeyay ee Nederlaan. "Markii ugu horeysay ee aan u soo guuray degmadayda, waxaan ka helay macluumaad badan oo ku saabsan sida loola xiriiro dadka VluchtelingenWerk, si fiican ayay u yaqaanaan degmada, badanaaba waxay yaqaanaan waxa ka socda tuuladaada ama xaafaddaada, taladooda ayaa ah mid aad u fiican"
Mid ka mid ah talooyinka wuxuu ahaa: aad maktabada. Zakie: "waxaan ka noqday xubin si lacag la'aan ah. Waxey abaabulaan kooxo luqada iyo waxaa la ii sameeyey tababare luqada. kaasi wuxuu ahaa xariirka dhab ah oo koowaad. Tababarha luqada waxay iga caawisey luqada iyo inaan barto degmada. Waxaan aadnay xaflado, dukaamada, xitaa timo jaraha. Sidaa ayaan ku bartay sida dabiiciga ah ee dadka loola kulmo. Waxey kaloo ii sheegtay wax badan oo dhaqanka Nederlaanka ah, sida maalmaha fasaxa qaran. Waxaan isla aadnay dabaaldega 5- may. Wuxuu ahaa mid aad u fiican."
Waxaad tababaraha luqada ka baraneysaa sida aad wadahadal u sameyso iyo dad ayaad baraneysaa
Saaxiibka luqadda ayaa kaa caawinaya inaad ku barato Nederlandka adigoo si fudud uga hadlaya nolol maalmeedka. Tawfeeq ayaa si xamaasad leh u sharaxaya: "Saaxiibkayagu luuqadda waxa uu ahaa mid saaxiibtinimo iyo firfircooni leh, xirfaddayda hadalka si weyn ayay u horumartay, isaga ayaan ka bartay dad kale, waxa aanu wada galnay dhaqdhaqaaqyo, sida ciyaaraha isboortiga ama beerta xayawaanka, waxa uu i tusay degaanka oo ii sheegay caadooyinka Nederland."
Waxaa kaloo dad kala xariiri kartaa interneetka
Mararka qaarkood waxaad la xiriiri kartaa onlayn. Tusaale ahaan, haddii aad u baahan tahay in lagaa caawiyo shaqo ama aad rabto inaad qof la hadasho. Omar (33) oo ka yimid Suuriya: "Bilawgii, wax walba iskeyga uma sameyn karin, waxaan u baahday in layga caawiyo waxyaabo ay ka mid yihiin qorista warqadaha ama samaynta beerta. Anigoo isticmaalaya boggaga internetka sida
Siyaalo kala duwan ayaa ula xariiri kartaa dadka deriskaaga adigoo araaya xagga degmada
Waxaa jira siyaalo badan oo aad xariiro u sameysan kartid oo demadaada ah, ayuu yiri Tawfeeq. "Looma baahna inaad wax walba isku mar sameyso. Ku dheh deriskaaga 'hallo' maktabada aad ama isku qor dhaqdhaqaaqa. Waxaad dareemi doontaa: dadka badiyaa waa fiican yihiin oo wey rabaan inay si fiican kuu bartaan."