
Laga soo xigtay: Nicole Michalou
Kirismaska iyo Habeenka Sannadka Cusub: Qaabkan ayaa loo dabaaldegaa
Qodobkaan sii wadaaji
Disambar waa bil fasax ah Nederland. Waxaa markaa loo dabaaldegaa Kirismaska iyo Sannadka Hore iyo kan Cusub. Dadka Nederlaanka badankooda waxey la dabaaldegaan familkooda iyo asxaabtooda. waxaad halkaan ka aqrin kartaa sida fasaxyadan loo dabaaldego. Waxaad kaloo ka aqrin kartaa waxa aad ka dareemi karto.
Diseembar 24: Habeenka Ka Horreeya Kiristimaska
Dabaal-dega Kiristimasku maaha maalin fasax rasmi ah wadanka Netherlands. Haseyeeshee, adeegyada kiniisidaha ee gaarka ah ayaa dhaca Dabaal-dega Kiristimaska. Tani waxa ugu wacan Kiristiyaanka Dutch-ka ah waxay rumaysan yihiin in Ciise calayhi salaan uu dhashay habeenka 24-25-ka Diseembar. Hadaba kuwa raba waxay aadi karaan kiniisada. Haddii aad rabtid inaad tagtid kiniisada, ka eeg wabsaaydka kiniisada kuugu dhow si aad u ogaatid goorta adeegyada la qabanaayo.
Marka Dabaaldega Kiristimaska, dukaamad ugu badan waxay xidhaan kahor xiligii caadadu ahayd. Dukaamada ugu badan waxay xidhaan ugu horeyn 19.00 Diseembar 24. Hadaba ka adeego dukaamaysiga ka hor maalintaasi.
Diseembar 25 iyo 26: Maalinta Kirismiska iyo Maalinta Feedhka
Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Feedhku waxay u dabaal-degaan dhalashada Ciise calayhi salaan. Sidaasi darteed, dad badan ayaa taga kiniisada inta lagu jiro Kirismaska. Laakiin dad badan oo Dutch ah oo aan kiristan ahayn ayaa sidoo kale u dabaal-dega Kirismaska. Gabi ahaanba dhammaan dadka Dutch ka ah waxay ku qurxiyaan geedka Kirismaska guryahooda inta lagu jiro Kirismaska. Sidoo kale, dadka intooda badan waxay la cunteeyaan qoyska iyo asxaabta. Tani waxay noqon kartaa quraacda Kirismaska ama casho balaadhan. Marmarka qaar dadku waxay isa siiyaan hadiyado Kirismaska.
Kirismaska, dadka intooda badan ma shaqeeyaan. Weydiiso shaqaaleysiihayaaga sida loogu diyaar garoobay tani goobtaada shaqada.
Diseembar 31 iyo Jeenawari 1: Dabaal-dega Sanadka Cusub
Waxaa Nederlaan dhaqan ah in loo dabaal dego kala wareega sanadka Diseembar 31. Nederlaan dhexdeeda, waxaanu ugu yeernaa tani kala wareega sanadka ee Dabaal-dega Sanadka Hore iyo kan Cusub. Dadka ugu badan ee Nederlaanka ah waxay kula dabaalgaan asxaabta iyo qoysaska. Tani waxay ka dhici kartaa guriga qof. Ama looga dabaaldegaa magaalada ama xaafada aad ku nooshahay ah. Dadka intooda badan waxay ku ciyaaraan ciyaaro fiidkii. Waxay badanka cunaan cuntooyinka Nederlaanka ee caadada u ah sida "burk saliida" iyo "bur ku dhex jira tufaax".
Wax yar kahor kala wareega sanadka, dadku badanka waxay tiriyaan Sanadka Cusub. Waxaad ka arki kartaa tani telefishanka. Telefishanka waxa jirta saacad weyn oo tirisa ilaa saq-badhka. Isla markay sidaa u gaadho 00:00, dadku waxay isku rajeeyaan Sanad Cusub oo Farxad leh waxayna kor u qaadaan khamri. Waxay badanka tagaan dibada si u shidaan rash. Waa iska dhaqan in loo rajeeyo dadka kale ee ka baxsana Sanad Cusub oo Farxad leh.
Gadiidka dadweynaha
Dhammaadka sanadka, gadiidka dadweynuhu way kooban yihiin. Sidoo kale, basaska, tareenda, gawaadhida wadada iyo tareenka-dhulka hoos maraa wakhtiyo kala duwan ayey socdaan. Hubi inaad ka warhaysid jadwalka saxda ah. Tani waxa lagu muujiyaa wabsaaydka baska, tareenka, gaadhiga wadada ama tareenka dhulka hoos mara.
Saacadaha furnaanshaha dukaamada kale
Inta lagu jiro maalmaha fasaxa, dukaamadu badanaa waxay furan yihiin saacado ka duwan kuwa caadiga ah. Dabaal-dega Kirismaska (Diseembar 24), dukaamada ugu badan waxay u xidhaan hore. Maalinta Kirismaska iyo Maalinta Feedhka (Diseembar 25 iyo 26), dukaamo badan ayaa xidhan. Haseyeeshee, suuqyada yaryar iyo dukaamo ayaa furan.
Dabaal-dega Sanadka Cusub (Diseembar 31) dukaamo badan ayaa xidha kahor saacadaha caadiga ah, iyo Maalinta Sanadka Cusub (Jeenawari 1) dukaamo badan ayaa xidhan. Xasuusnow marka la dukaamaysanaayo. Ka hubi dukaanka goobtaadu inuu furan yahay saacadaha si aad u hubisid inaad adeegan kartid.