Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • Xukunka maxkamadda: degaanka magangelyodoonka waa in la hormariyaa
Frank Candel oo uu weheliyo la taliyaha Golaha ee Ururka qaxootiga Caawiya (Vluchtelingenwerk Nederland) oo joogay maxkamada

Xukunka maxkamadda: degaanka magangelyodoonka waa in la hormariyaa

La shaaciyey: 12/20/2022, 12:24 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Degaanka qaxootiga waa inuu noqdo mid leh in badan oo bani'aadannimo ah. Maxkamadda ayaa arrintan go'aamisay. Ururka qaxootiga caawiya (VWN) ayaa dacwad ka gudbisay Waaxda dhexe ee dejinta magangelyodoonka (COA) iyo dowladda Nederlaanka. Ururka qaxootiga caawiya waxey sidaa u sameeyeen maadaama ilaa 18,000 oo magangelyodoonka ah oo la dejiyey meelo ay xaaladooda degaan adag tahay.

Maxkamad Tagista

Marka loo eego VluchtelingenWerk (VWN), hoyga magan-galyo doonku aad buu u xumaa sanadkii hore. May sababin dad badan oo codsaday magan-galyo, laakiin sababtoo ahayd hoyga oo si xun oo nidaamiyey sanado badan. Xaaladu may ahayn mid soo hagaagaysa. Sidaasi darteed, VWN waxay aragtay in aanu jirin xal aan ahayn bilaabida dacwad. Tani waxay dhacday agoosto 2022.

Kadib taas, hoyga magan-galyo doonku wuxuu sii xumaaday. VWN waxay aaminsan tahay in tallaabooyin cusub oo dawladu qaado ay keeni karaan (mushikilado) badan oo xaaladaha degdega ee hoyga ah. VWN sidaasi darteed waxay ka codsatay maxkamada inay ku khasabto Dawlada Dutch-ka inay siiso hoy wanaagsan magan-galyo doonka. Marka loo eego VWN, hoygu waa inuu noqdaa mid waafaqsan sharciga Yurub iyo ka Caalamiga ah.

Oktoobar, maxkamadu waxay xukuntay:

  • Magan-galyo doonka in aan loo ogolaan inay ku danbeeyaan wadooyinka Ter Apel.

  • Caruurta aan lalasocon (ka yar 18 sano jir) 5 maalmood gudohood Ter Apel waa in loo gudbiyo hoy caruurta ku haboon.

  • Dadka jilicdasan ee raadinaya magan-galyo waa inaan la gayn hoy xaaladaha degdega. Waxa ku jira caruurta, dumarka xaamilada ah iyo qaxootiga maray argagax.

  • Waa in laga heli karo biyo cabitaan nadiifa iyo cunto caafimaad leh dhammaan hoy kasta.

  • Caruurta ku jira (mushkilad) hoyga xaaladaha degdega waa inay helaan waxbarasho 4 todobaad gudohood. Waa inay sidoo kale helaan waxyaabo lagu ciyaaro 4 todobaad gudohood.

  • Dhammaan dadka raadinaya magan-galyo waa in lagu xareeyo hoy 9 bilood gudohood. Magan-galyo doon kasta waa inuu helaa hoy nadiifa oo leh qubays, saxanka qubayska oo kulayliye leh iyo qaboojiye iyo suuli shaqeynaya. Waa in sidoo kale la siiyaa qol hurdo oo leh sagxad, afar gidaar, albaab aad xidhi kartid iyo daaqad.

Hoy wanaagsan waa muhiim

Frank Candel, madaxweyne VluchtelingenWerk (VWN), yaa ugu yeedhay xukunka "maaha wax farxad keenaya wali". Wuxuu aamisan yahay in ay murugo tahay in xukun maxkamadeed daruuri yahay. Hoyga waxa maamulaya dawlada waayo wuxuu yidhi hoy magan-galyo doon oo fiican waa muhiim.

"Kuma farxi doono ilaa aanu qof magangalyo doon ahayn seexan taandho, jiim ama hool xafladeed, " ayuu yidhi. "Xukun maxkamadeed oo adag ma caawin doono dadka imika seexanaya wadooyinka."

Wax go'aan kama danbeys ah lama gaadhin wali

Dawlada Dutch-ku waxay rafcaan ka qaadatay xukunka maxkamada. Tani macneheedu waa in Dawladu aanay aqbalin xukunka maxkamada. Sidaasi darteed, waxa jiray kiis maxkamadeed oo kale oo isla arinkan ah. Maxkamad kale ayaa go'aamin doonta arinta. 

Wali lama oga waxa maxkamada go'aamin doonto kadib rafcaanka. Waxaad ka akhrin karaa RefugeeHelp marka maxkamadu sameyso go'aanka.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?