Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • Adigoo heysta dokumetiga-W ee 1 sano si xad la'aan ayaad u shaqeyn kartaa sida uu xaakinka qabo
Albaabka Maxkamada Caddaalada ee Arnhem

Adigoo heysta dokumetiga-W ee 1 sano si xad la'aan ayaad u shaqeyn kartaa sida uu xaakinka qabo

La shaaciyey: 4/20/2023, 10:07 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Xaakinka wuxuu go'aamiyey in laga bilaabo hadda aad shaqeyn karto mudada aad sharciga deganaanshaha ee magangelyada sugeyso. Ka hor waxaa keliya la oggolaa 24 wiig sannadkii inaad shaqeyso ka dib markaad 6 bilood aad Nederlaan joogto. Taasi waxaa loo yaqaan sharuuda 24- wiig. Xaakinka ayaa sharuudaasi baabi'iyey.

Ninka iyo shaqo siiyahiisa ayaa dacwad ka qaateen maxkamada

Ninka oo weli sugaaya sharciga deganaanshaha magangelyo wuxuu rabey inuu sii shaqeeyo 24 wiig ka dib. Shaqo siiyaha asagana wuu rabaa. Laakiin

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Waaxda Ceymiska shaqaalaha (UWV)
ma siinin ninka
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
sharciga shaqada ah oo cusub (TWV)
.

Ninka waxey noqotay inuu UWV 28 wiig uu sugo si ay TWV cusub ugu sameeyaan si uu u shaqeyn karo. Ninka iyo shaqo siiyahiisa taasi kuma aysan raacsanayn oo waxey ka dacwoodeen maxkamada Arnhem. Waxaa caawimo ay ka heleen ururka

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Refugee Connect
.

Xaakinka wuxuu ogolaaday inuu qof walba oo sugaaya sharciga inuu shaqeyn karo muddo aan wiigag ku xirnayn

Xaakinka wuxuu garta siiyey ninka iyo shaqo siiyahiisa. Xaakinka wuxuu yiri in UWV ay TWV cusub ay siiyaan ninka si uu u shaqeeyo. Ninka looma baahna inuu marka hore 28 wiig sugo.

Xaakinka wuxuu yiri sharuuda 24- wiig inaan ogolayn sharciga u degsan Yurub. Sharuuda waxey dadka sugaaya sharciga ku adkeyneysaa iney shaqeeyaan. Wuxuu kaloo xaakinka yiri in shaqada mudada sugitaanka ay u fiican tahay la qabsashada Nederlaan.

UWV wey ka soo jawaabeen go'aanka

Qaadiga maxkamada waxuu u arkaa in inaad 24 wiig ka badan aad shaqeyn karto ilaa aad sugeyso sharciga deganaanshaha, laakiin UWV waxey ka qaadanayaan racfaan. Taasi waxaa sheegay UWV 16 maajo 2023. Taasi waxey micnaheeda tahay in sida uu qaadiga yiri weli aad 24 wiig ayaa shaqeyn kartaa, laakiin UWV kuma raacsana oo waxey isku deyayaan iney taasi wax ka bedelaan.

Weydii shaqo siiyahaaga cawimo haddii aad rabto inaad shaqeyso 24 wiig ka badan

Ma waxaad sugeysaa sharci deganaansho oo waxaad rabtaa inaad shaqeyso 24 wiig ka badan sannadkii aad shaqeyso? Waxaa xaakinka iyo Refugee Connect ay u arkaan in dhamaan dadka aan sharciga heysanin si aan xad ku xirnayn u shaqeyn karaan. Si kastoo ahaataba waxaa dhici kara in UWV ay weli shaqo siiyahaaga dhihi karaan inaa la ogolayn. Markaa weydii shaqo siiyahaaga inuu ku caawiyo. Shaqo siiyahaaga waa inuu weli kuu hayaa fasaxa (TWV) oo waa inuu kuu dalbaa. Waxaad kaloo shaqo siiyahaaga weydiin kartaa inuu la xariiro Refugee Connect.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?