• Bilowga
  • Xusitaanka dadkii dhintay: dhibanayaashii dagaalka waxaa la xusaa 4 maajo
Boqorka iyo boqorada Nederlaan waxey ubax dhigayaan Dam ee Amsterdam.
Laga soo xigtay: Marco De Swart

Xusitaanka dadkii dhintay: dhibanayaashii dagaalka waxaa la xusaa 4 maajo

La shaaciyey: 4/28/2023, 10:43 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Sannad walba waxaa Nederlaan ay xustaa 4 maajo dhibanayaasha dagaalada, oo ay ka mid tahay dagaalkii 2aad ee Aduunka. Taasi waxaa lagu magacaabaa Xuska Qaranka dadkii dhintay. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa xuska dadka dhintay waxa uu yahay iyo waxa aad ka dareemeyso.

Dagaalkii 2aad ee Aduunka Nederlaan dhexdeeda

Mudadii dagaalkii 2aad Aduunka waxaa Nederlaan haystay intii u dhexeysey 1940 iyo 1945 jarmalka. Mudadaasi wax ka badan 100.000 oo Yuhuuda Nederlaanka ah ayaa la qabsaday oo la dilay taasoo sameeyey Jarmalka meesha heystay iyo Nederlaanka la shaqeynaayey. Yuhuuda ka sakow dad kale oo dadka laga badan yahay ayaa la qabsaday iyo la dilay.

Ka horjeesashada Jarmalka si culus ayaa loo ciqaabi jirey. Haddii Jarmalka dhulka heystay ama Nederlaanka la shaqeynaayey ogaadaan inuu qof ku jirey ka horjeedka, qofkaasi badiyaa waa la xiri jirey, jir dili jirey ama waa la dili jirey.

Waxaa 5 maajo 1945 dhamaaday haysashadii wadanka. Jarmalka ayaa is dhiibay ka dib markii askartii wadamadii la saaxiibka ahaa Nederlaan ay caawiyeen. Sidaa awgeed ayaa sannad walba 5 maajo loogu dabaaldegaa Maalinta Xornimada.

Xusitaanka dadkii dhintay

Habeenka 4 maajo waxaa dhamaan Nederlaan ka jira marka la joogo 20.00 saac in 2 daqiiqo oo la aamusan yahay oo loogu xusaayo dadkii dagaalada ku dhintay. Waxaan 2 daqiiqo la xusayaa Yuhuuda Nederlaanka iyo dadkii kale ee lagu dilay dagaalkaasi.

Waxaa kaloo aamusnaanta tahay ixtiraam loo muujinaayo dadka u halgamay xornimada Nederlaan. Waxaa kaloo ay tahay in laga fekero dadka hadda weli dagaal iyo dhib ku jira.

Xuska qaran ee Amsterdam

Xuska qaranka ee Amsterdam waa munaasabadda xuska ee ugu muhiimsan Nederlaan. Qoyska boqorka ayaa dhiga ubax goobta xuska dagaalka ee fagaaraha Dam. Boqorka ayaa halkaasi ka hadla. Wxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
waxaa NOS
si toos ah uga warbixiyaan telefishanka, taasoo lagala socon karo kanaalka NPO1. Sidaa ayaa qof walba uu guriga ugala socon karaa xuska.

Socodyo la aamusan yahay iyo xaflado xuska ah

Magaalooyin iyo tuulooyin badan waxey qabanqaabiyaan munaasabado xuska ah. Waxaa kaloo ay ubaxyo dhigaan taalooyinka dagaalka. Meelo badan dadka waxey sameeyaan socod la aamusan yahay. waxaa kaloo wadanka oo dhan laga qabanqaabiyaa xaflado xuska ah si loogu maamuuso dhibanayaashii dagaalka.

Waxyaalahan ayaad ka dareemi doontaa Xusitaanka dadkii dhintay:

  • Dadka ayaa calanka Nederlaanka ilaa bar bar suraaya gurigooda. Calanka oo bar bar la suraa waxey muujineysaa in aad murogooneyso. Waxaa 5 maajo calanka loo suraa sidii caadiga, si loogu dabaaldego maalinta Xornimada.

  • Dhamaan xarumaha caamka ah waa xasilooni marka la gaaro 20.00 saac. Waa muhiim inuu qof walba aamusnaado, oo aan baabuur wadin ama baaskiil. Sidoo kale gaadiidka dadweynaha shifeerada basaska jidka ayey gees ku joojiyaan. Maqaayadaha iyo meelaha qaxwada laga cabo ka hor intaan ka gaarin 20.00 saac ayaa shaqaalaha soo sheegaan in la gaaray 2 da daqiiqo ee aamusnaanta.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?