Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Home
  • U dabaaldegida xornimada Maalinta Xornimada
Dad jooga xaflada maalinta xonimada ee Haarlem.
Laga soo xigtay: Marcel van Leeuwen

U dabaaldegida xornimada Maalinta Xornimada

La shaaciyey: 4/28/2023, 11:18 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa 5 maajo ay tahay Maalinta Xornimada 'Bevrijdingsdag'. Maalintaasi waxey Nederlaan u dabaaldegeysaa dhamaadka dagaalkii 2aad ee Dunida ee Nederlaan. Waxaa dadka la xasuusiyaa inaan xornimada mid iska jirtey aysan ahayn. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa sida Maalinta Xornimada loogu dabaaldego.

Maxaa loo sameeyaa Maalinta Xornimada?

Nederlaan waxaa Dagaalkii 2aad ee Dunida 5 sano heystay Jarmalka. Taasi waxey ahayd muddo aad u murugo badan oo saameyn xoogan ku yeelatay taariikhda Nederlaan. Wax ka badan 100.000 Yuhuuda ah ayaa la qabsaday oo la dilay. Taasi waxaa kaloo ay ku dhacday dadka laga badan yahay.

Iyadoo mahada ay leeyihiin wadamada la saaxiibka ahaa ay saxiixeen heshiis halkaasoo 5 maajo 1945 Jarmalka oo heystay wadanka laga xoreeyey Nederlaan. Halkaasi waxaa ku dhamaaday la heysashadii Nederlaan. Laga bilaabo waqtigaasi ayaa Nederlaan sannad walba loo dabaaldegaa 5 maajo Maalinta Xornimada.

Dad badan oo Nederlaan ayaa 5 maajo calanka banaanka sura. Calanka Nederlaan wuxuu astaan u yahay xornimada iyo madaxbanaanida Nederlaan. Sidaa awgeed ayaa calanka la suraa waqtiyada muhiimka ah ee qaranka.

Xafladaha Xornimada

Magaalooyinka waaweyn waxey abaabulaan Xaflado Xornimada oo musiik, ciyaaro iyo dhaqdhaqaayo dhaqanka leeyihiin. Xafladaha ugu caanka ah waxey ka jiraan Amsterdam, Rotterdam, Utrecht, Den Haag, Groningen, Haarlem, Zwolle iyo Wageningen.

Gelitaanka xafladaha badiyaa waa lacag la'aan. Cuntada iyo cabitaanka ee xafladahan lagu gado badiyaa keliya kaarka bangiga ayaa ku bixin kartaa. Badiyaa lama ogola inaad cunto iyo cabitaan aad u soo qaadato xarumaha xafladahan.

Si wadajir wax loo cuno Cuntooyinka Xornimada

Waxaa kaloo jira khudbado, bandhigyo iyo dhaqdhaqaaqyo laga faa'iideysto si loo xuso xornimada iyo dimoqraadiga. Maalinta ornimada waxaa la kariyaa Cuntooyinka Xoriyada. Dadka wey isu imaadaan si ay wadajir wax u cunaan iyo oga hadlaan xornimada, dimoqraadiga iyo xaquuqda insaanka.

Cuntooyinka Xornimada 'Vrijheidsmaaltijden'waxaa laga helaa meelo kala duwan, sida xarumaha degmada iyo iskuulada. Qof walba ayaa ka qeyb qaadan kara. Adigana waad abaabuli kartaa Cuntooyinka Xornimada.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?