Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Home
  • Nederlaan lama oggola in waqtigan xaadirka ay kuu celiyaan Talyaaniga
Dejinta magangelyodoonka ee Talyaaniga
Laga soo xigtay: (Wikimedia Commons)

Nederlaan lama oggola in waqtigan xaadirka ay kuu celiyaan Talyaaniga

La shaaciyey: 5/4/2023, 10:25 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Nederlaan dadka ka soo gala Talyaaniga, ilaa muddo uma celin karto Talyaaniga. Sidoo kale xitaa haddii ay hore Talyaaniga uga diiwaangashan yihiin. Taasi waxaa keenaaya in Talyaaniga aysan heynin meel ay dadka ku qaabilaan.

Khatar aad u weyn ayaa jira in Talyaaniga aan baahiyada asaasiga dabooli karin

Taasi waxaa go'aamiyey

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Golaha Dowlada
, maxkamada maamulka ugu sareeya ee Nederlaan, ayaa abril 2023. Sida uu qabo xaakinka qatar aad u weyn ayaa jira inaan Talyaaniga dabooli karin baahiayada asaasiga ah ee dadka xerada qabaan.

Taasi waxaa ka mid ah baahiyada sida hoy, cunto iyo biyo. Maadaama taasi ay ka soo horjeedo xaqa Yurubiyanka, sidaa awgeed Nederlaan magangelyodoonka uma celin karto Talyaaniga ilaa xaalada Talyaaniga uu noqdo mid fiican ilaa xad kaafi ah.

Talyaaniga waxey wadamada kale weydiisay inaan dadka la soo celin

Yurubta gudaheeda waxaa lagu ballamay in waddanka koowaad aee aad qaxooti ahaan lagaaga diiwaangeliyo, ay mas'uul ka tahay codsigaaga magangelyo. Ballanta waxaa la yiraahdaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xeerka Dublin
.

Haddii aad Nederlaan magangelyo ka weydiisato, waxaa boliiska ay fiirinaayaan inaad hore wadan kale oo Yurub ah ka diiwaangeshan tahay. Taasi sidaa ma tahay? Markaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada(IND)
ay codsi u diraayaan waddanka kale in lagugu wareejiyo.

Tani sidoo kale wey ka dhacday Talyaaniga. Laakiin disambar 2022 waxey Talyaaniga weydiisay wadamada-EU ineysan dadka soo celinin, inkastoo uu jiro heshiiska Dublin. Maadaama Talyaaniga uu ku yar yahay hoyga dadka. Taasi waxaa keenay maadaama Talyaaniga uu yahay wadanka koowaad meesha ay dadka imaadaan marka ay u soo qaxaan Yurub.

IND lama oggola oo kuuma celin karaan Talyaaniga

Xaakinka ayaa go'aamiyey inaan dadka Talyaaniga loo celin karin ka dib markii IND codsiga magangelyada ee 2 nin diideen iney ka shaqeeyaan. IND waxey u aragtay in Talyaaniga ay mas'uul ka yihiin maadaama nimanka hore uga diiwaangashanaayeen Talyaaniga.

Laga yaabo inaan Nederlaan codsigaaga magangelyo aysan ka shaqo geleynin

Ma waxaad Nederlaan ka weydiisatay, laakiin waxaad hore uga diiwaangashan tahay Talyaaniga? Xukunka maxkamada ma aha micnaheeda iney Nederlaan si toos ah codsigaaga magangelyada uga shaqo geleyso. Waxaa IND Talyaaniga weli weydiineysaa iney codsigaaga magangelyo la wareegaan.

Ka dib marka Talyaaniga ogolaato, waxaa Nederlaan heysataa 6 bilood si ay kuugu celyaan Talyaaniga. Haddii dejinta Talyaaniga sii fiicnaado mudadaasi dhexdeeda, waxaa suura gal ah in haddana 6 bilood gudahooda laguugu celiyo Talyaaniga. Haddii mudadaasi dhexdeeda ay dejinta soo fiicnaan weydo? Markaa ka dib ayaa Nederlaan mas'uul ka tahay codsigaaga.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?