Laga soo xigtay: Pixabay.com/music4life
Warar cusub
Hemelvaartsdag iyo Pinksteren dabaadegooda Nederlaan
La shaaciyey: 5/7/2024, 12:00 GH

Hemelvaart-ka iyo Pinksteren-ka waa maalmo feestooyin rasmi ah Nederlaan. Tani waxay ku aadan tahay khamiista 9 maajo ee 19 iyo 20 maajo 2024. Maalmahan dad badan shaqo lagama rabo dadka badankooda ee Nedelaan jooga oo waxey u dabaaldegayaan feestooyinkan.

Asalka Hemelvaart iyo Pinksteren waa feestooyin kirishtaan ah

Wax ka yar kal bar ayaa Nederlaanka isku ssheega diini. Haddana Nederlaanka badankooda wey u dabaaldegaan feestooyinka Hemelvaart iyo Pinksteren. Feestooyinkaan sidoo kale dadka aan diiniga ahayn wey u dabaaldegaan. Halka hoose ayaa ka aqrineysaa qaabka feesto walba Nederlaan looga dabaaldego.

Nederlaanka waxey u dabaaldegaan maalinta Hemelvaart

Maalinta Hemelvaart waxey kirishtaanka xusaan in Ciise cirka aaday. Waxaa dhaqan ahaan loo dabaaldegaa maalinta 40aad ee Paas-ka. Waxaa Bijbel waxey u dhaxeysaa Paas-ka iyo Hemelvaart oo 40 beri diinta kirishtaanka oo dunida lagu fidiyaa. Sannadkan waxaa uu Hemelvaart ku aadan yahay 9 maajo.

Sida uu sheegaayo Baybalka waxaa maalinta koritaanka lagu qabtaa Olijfberg ku yaala Bariga-Jurasalem, halkaasoo Ciise uu ardaydiisa u sheegay iney diinta sii fidiyaan. Iyagoo ardayda arkayaan, ayuu Ciise u kacay oo markaana la waayey. Taasi waxaa loo arkaa dhamaadkii joogista Ciise ee dunida.

Maalinta koritaanka waxaa kaniisado badan abaabulaan qudbado gaar ah. Waana maalin fasax rasmi ah, markaa dadka badankooda waa fasax shaqada iyo iskuulada. Meelaha qaarkood waxaa la abaabulaan wada kulamo xaflado, riwaayado iyo dhaqdhaqaaqyo isboortiga ah. Wada kulanadaasi wey ka qeyb qaadan karaan xitaa dadka aan masiixiga ahayn.

Nederlaanka waxey u dabaaldegaan Pinksteren

Ciida loo yaqaan Pinksteren waxaa la qabtaa 50 beri ka dib ciida Pasen. Nederlaan waxey Pinksteren u dabaaldegaan laba beri. Sannadkan waxey ku beegan tahay axada 19 iyo isniinta 20 maajo. Waxaa Baybalka ku qoran in ardayda Ciise ay waqtigaasi geesinimo heleen oo ay fariintiisa fidiyaan. Sidaa awgeed ayaa masiixi badan ay u arkaan Pinksteren bilowga kaniisada masiixiga.

Badankooda kaniisadaha Nederlaan waxey sameeyaan adeegyo kaniisada ah maalinta axada Pinkster iyo isniinta Pinkster. Inkastoo ay tahay fasax qaran Nederlaan, haddana si ballaaran loogama ciido. Tusaale ahaan wey ka duwan tahay mida Easter-ka.

Sida ciida Koritaanka ayaa Pinksteren-ka aad ugama muuqdo nolosha banaanada. Ma jiraan wax sharaxaad ama cuntooyin gaar ah oo la cuno Pinkster-ka. Inkastoo dadka qaarkood ee Nederlaanka rooti dhaqanka ah sameeyaan oo loo yaqaan rootiga pinkster-ka.

Nederlaan badan maalmaha Hemelvaart iyo Pinksteren waa maalmo fasax ah

Inkastoo maalmaha fasaxa aysan mar walba mid muuqda ahayn., haddana waa maalmo feesto oo rasmi ah Nederlaan. Taasi waxey micnaheeda tahay in dadka badankooda ay maalmahaasi fasax yihiin mudada feestooyinka. Laakiin qof walba shaqada fasax kama qabo. Ma rabtaa inaad hubsato inaad fasax tahay? Weydii shaqo siiyahaaga.

Waqtiyada furitaanka ee dukaamada mudada dabaaldega

Maalmaha ciidaha dukaamo badan yaa xiran ama waqtiyo kale ay furaan. Ka sii war doon saacadaha furitaanka ee dukaamada kuu dhow si aad u hubto inaad soo adeegan karto.

Maxey kula tahay qodobkan?