Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Vrouw leest informatie van haar laptop

Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk

Waad joogi kartaa xerada adigoo aan heysanin jinsiyada Yukraynka

La shaaciyey: 8/31/2023 12:32 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma kaa dhamaaneysaa 4 sebtembar magangelyada mudada ah maadaama adiga aadan heysanin jinsiyada Yukraynka? Markaa magangelyadaada ma aysan joogsanin. Waad joogi kartaa xerada. Halkan ka a qri wixii ay taasi saameyn kugu keeni karto.

Waxaa IND soo dirty warqad rasmi ah oo ku qoran in magangelyadaada ay dhamaatay

IND waxey kuu soo dirtay warqad inaad haddana muddo sii joogi kartid Nederlaan. Ka hor ayaa warqad kale aad ka heshay IND. Warqadaasi waxaa loo yaqaanaa go'aanka. Tani waxey ahayd warqad ay ku qoran tahayin IND go'aamisay in magangelyada mudada ahayd la joojiyey. Hadda waxaa heleysaa warqad in ilaa muddo aad haddan joogi karto. Halkan ayaa ka heleysaa tusaale warqada ah af Nederlaankaiyo Inglishka.

Ma ogid waxa IND kuu soo dirtay?

Ma helin wax warqad ah?

Caawino arrintaan ah ma u baahan tahay? Markaa imoow saacadaha qaabilaada ee xaruntaada ama la xariir VluchtelingenWerk.

Waxyaalahan ayaa ku saameynaaya haddii ay jogsato magangelyadaada 4 sebtembar:

  • Waad sii joogi kartaa dejinta qaxootiga ee Yukrayn ka yimid ee Nederlaan jooga ilaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Maxkamada Sare (RvS)
    go'aanka ku soo dhawaaqeyso.

  • Waa sii shaqeyn kartaa ilaa RvS ay go'aanka ku dhawaaqeyso. Haddii aad codsi magangelyo kuu socdo markaa nidaam kale ayaa jiro.

  • Isla markii ay RvS ay go'aan gaaraan. waxaad heysataa 28 beri aad Nederlaan uga baxdo.

Waxyaalahan ayaa kuu suura gal ah hadduu magangelyadaada la joojiyo

  • Dacwad ayaa ka qaadan kartaa go'aanka IND

Haddii aadan kuraacsanayn joojinta magangelyadaada, racfaan ayaad qaadan kartaa. Keliya markaad racfaan qaadato, ayaa laga yaabaa inaad go'aanka xaakinka Nederlaan ku sug karto. Ma qaadaneysida racfaan? Markaa go'aanka xaakinka kuma quseeyo adiga iyo wuxuu joogsanayaa magangelyadaada ka dib marka uu xaakinka ugu sareeya go'aamiyo, RvS.

La soco: Waxaad adigoo dacwad qaxooti bilaabaaya ayaad racfaan ka qaadan kartaa joointa Magangelyada Mudada ah.

  • Waxaad weydiisan kartaa qaxooti

Nederlaan waxaa mar walba xaq u leedahay inaad magangelyo weydiisato. Ka hor miyaa go'aansatay inaadan magangelyo weydiisanin laakiin oo hadda waxaad rabtaa inaad qaxooti weydiisato? Markaa waxaad wici kartaa telefoonka 088 043 04 30. Shaqaalaha VluchtelingenWerk iyo garyaqaankaaga ayaa kaa caawin kara.

La soco: Waxaad adigoo dacwad qaxooti bilaabaaya ayaad racfaan ka qaadan kartaa joointa Magangelyada Mudada ah

  • Waxaad ku noqon kartaa wadankaaga aad ka soo jeedo ama wadan aad sharci deganaansho joogto ah ka heysato

Waxaad ku noqon kartaa wadankaaga aad ka soo jeedid ama waddan aad ka heysato deganaansho joogto ah. Waxaad arrintaa darteed u heli kartaa dhaqaale dowladda Nederlaanka, taasi waxaa loo yaqaan nidaamka dib u haajirida

  • Sharci deganaansho la'aan oo Nederlaan lagu joogo

Ma qaadaneysid Racfaan marka ay RvS ee Nederlaan go'aanka ka soo baxo ka dib? Markaa sharci deganaansho la'aan ayaa tahay Nederlaan. Markaa wixii ka dambeeya wax fasax ah kuma heysatid aad ku joogto Nederlaan. Boliiska ajaanibta waxey markaa xaq u leeyihiin iney wadanka kaa saaraan. Sharci deganaansho la'aan wax xaq ah uma lihid xero, shaqo ama caawino dhaqaale. Waxaa kaa dhumaaya nambarka-BSN, ceymiska caafimaadka iyo xisaabtaada bangiga. Waxaad xaq u leedahay daryeel caafimaad, laakiin waa inaad adiga iska bixisaa

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?