Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Een gang in een tijdelijke opvanglocatie voor mensen die asiel aanvragen in Nederland.

Laga soo xigtay: RefugeeHelp / Aline Bleeker

Ma degan tahay xerada mudada ah? Soo sheeg sida aad u aragto

La shaaciyey: 9/13/2023 2:12 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Waxaa baaritaanka ka cadaaday in xeryaha ku meel gaarka ah aysan ka soo bixin nidaamka Yurubiyanka. Ma degan tahay xeryaha ku meel gaarka ah? Markaa la wadaag khibradaada baaritaanka dheeraadka ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN).

Xeryaha ku meel gaarka ah kama soo baxayaan sharuudaha

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VWN
waxey sameeyeen baaritaan 22 xeryaha ku meel gaarka ah iyo waxey la hadleen 92 dadka meesha degan. Waxaa booqashooyinkaasi iyo wadahadaladaasi dadka meesha degan ka cadaaday in xeryaha ku meel gaarka ah aysan badiyaa xeryaha ku meel gaarka ah ka soo baxeynin
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
nidaamyada Yurubiyanka
.

Kuwan ayaa ugu muhiimsan sharuudaha ee xerada aan ka soo bixin

  • Xeryaha badankooda ma laha daryeel caafimaad ama daryeel nafsiga. Sidoo kale xeryaha badankooda ma laha ama wey ku yar yihiin qubeys ama muqsulo nadiif ah.

  • Ilaa barka xeryaha aan la soo booqday ma heysanin dadka degan meel u gaar ama meel degan oo ay seexdaan.

  • Xeryaha qaarkood dadka degan cunto yar, ama cunto aan tayadeeda fiicnayn ayaa la siinaayey.

  • Badiyaa xeryaha ku meel gaarka ah ma jiro dhaqdhaqaaqyo ay dadka degan ka qeyb qaadan karaan. Sida casharada luqada ama isboortiga.

Xaaladahan xun waxey dhaliyaan wel wel joogto ah, ayey sheegeen dadka degan badankooda. Sidoo kale waxaa sikuuritiga iyo maamaulka xerada dadka ula dhaqmaan si xun, sida ay sheegeen 35 boqolkii dadka degan.

Waxan ayey VWN ku sameynayaan warbixinta liiska su'aalaha

Buuxunta liiska su'aalaha waxey suura gelinayaan in VWN ay baaritaan sameyn karaan oo xeryaha dejinta mudada ah. Sidaa ayaa VWN ku baarayaan xeryaha dejinta ee sharuudaha ka soo baxaaya iyo kuwa kale.

Natiijooyinka ayaa VWN tusaale ahaan ku suura gelinayaan in dadka mas'uulka ka ah dejinta iney nidaamka dhowraan.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?