Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Verwoestingen in Gaza

Laga soo xigtay: Wikimedia Commons

Tani waa inaad ogaataa haddii aad tahay qaxooti Falastiini oo Nederlaan

La shaaciyey: 10/23/2023 2:56 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma rabtaa inaad ogaato waxa ay keeni karto dagaalka u dhexeeya Israa'iil iyo Hamas ee dacwadaada magangelyodoonka ama mideynta reerka Ama ma rabtaa inaad aado Israa'iil ama qeybaha Falastiin u safarto si aad familka u caawiso? Ka aqri halkan wixii dheeraad ah.

Tani waa waxa ay saameyn ku yeelan karto xaalada Gaza ee dacwadaada magangelyodoonka ee Nederlaan

Ma ka soo qaxday Westbank ama Israa'iil oo ma mar dhow ayaad magangelyo ka weydiisatay Nederlaan? Markaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
adeega imigreeshanka iyo jinsiyada (IND)
wey ka howlgalayaan codsigaaga magangelyada. Waxaa IND ay ka howlgaleysaa Codsigaaga magangelyada IND si ka dhaqso ah ugama howlgaleyso maadaama aad qeybtaasi ka timid.

Ma ka soo qaxday Gaza oo ma weydiisatay magangelyo Nederlaan? Markaa IND ma go'aamineyso diidmo codsiga magangelyadaada. Taasi waxey cnaheeda tahay inaad wadahadal la yeelaneyso IND, laakiin inaadan mudadaasi aan laguu celineynin Gaza iyo inaan IND aysan go'aan ka gaareynin codsigaaga magangelyo.

Marka ay waadix noqoto inaad magangelyo weydiisaneyso oo sababo aan shaqo ku lahayn xaalada dagaalka ee Gaza. Markaa IND go'aan fiican wey ka gaari kartaa dacwdaada magangelyo.

Mideynta qoyska oo deg deg ayaa u weydiin kartaa reerkaaga jooga Gaza

Ma heysataa sharci deganaansho magangelyo oo Nederlaan ah oo ma dalbatay mideyntaa reerkaaga ee jooga Gaza? Markaa waxaad weydiisan kartaa in codsigaaga deg deg looga howl galo. Waxaa Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ayaa codsigaaga xubnaha reerkaaga ee Gaza ayey kuwa ugu horeeya u fiirin doontaa.

Haddana waadix ma aha inta uu dacwada socon doono. Haddii IND ay go'aamiso in reerkaaga jooga GAZA imaadaan Nederlaan, xubnaha reerkaaga waa iney xaduudka ka gudbaan ee Gaza ilaa Masar. Halkaasi ayaa ka dib ka soo qaadanayaan fiisada gelitaanka safaarada Nederlaan markaasoo ay ka soo safrayaan Masar si ay u imaadaan Nederlaan. Waana iney fasax ka helaan dowlada Masar iney masar u soo safraan.

Si aad u weydiisato mideynta qoyska u weydiisataa, waa inaad sharci deganaansho Nederlaan ah heysataa. Ma weydiisatay magangelyo IND oo codsigaaga weli lama ogolaanin? Markaa ma weydiisan kartid mideynta qoyska ee xubnaha reerkaaga.

Dowlada Nederlaan waxey kula talineysaa inaan qaxootiga Falastiin aysan u safrin qeybaha Falastiin

Ma ku leedahay xubno reerkaaga oo jooga israa'iil iyo ama qeybaha Falastiin oo ma rabtaa inaad aado? Taasi waa wax aan macquul ahayn oo kuma talineyso dowlada Nederlaan

Warbixin dheeraad oo xaaladaada halkan hoose ayaa ka heleysaa:

Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu laabto qeybaha Falastiin
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo qeybaha Falastiin

Waxaa Laanqeyrta Cas ka caawisaa familka la la'yahay ee qeybaha Falastiin

Waxaa Laanqeyrta Cas ka caawisaa familka la la'yahay ee qeybaha Falastiin. Dhulkaasi wey adag tahay sida loo gaaro iyo caawinada lagama maarmaanka ah waa xadidan yahay. Sidaa awgeed Laanqeyrta Cas aysan laga yaabo in isla markii ku caawini karin.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?