• Bilowga
  • Waxaa suura gal ah inaad IND u dirto sms-ka ee ballantaada Ter Apel
Xafiiska dhismaha ee IND ku yaala Ter Apel.
Laga soo xigtay: Flickr

Waxaa suura gal ah inaad IND u dirto sms-ka ee ballantaada Ter Apel

La shaaciyey: 11/29/2023, 2:59 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma sugeysaa ballnta wadahadalka ee IND ee Ter Apel? Laga bilaabo 20 nofeember IND waxey kugu casumi doontaa qaabka sms-ka.

Waxaad IND heleysaa ballan IND oo boostada iyo sms kuugu maan doonta

Waxaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
(IND)
waxey kugu casumayaan sms wadahadalka koowaad ee dacwada magangelyodoonka. Marka aad isqorto
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Qeybta boliiska Ajaanibta, Aqoonsiga iyo Ka ganacsiga dadka (AVIM)
, waxey keydinayaan nambarka telefoonkaaga iyo waxey taasi siinayaan IND. Isla markii la ogaado waqtiga uu wareysigaaga koowaad ee IND la qorsheeyo, waxey IND kuu soo direysaa fariin-sms. Waxaad sms ka sokow weli waxaad sii heleysaa casumaada warqada ah.

Waxaad keliya sms heleysaa wada hadalada Ter Apel

Waxaa keliya ay IND soo direysaa sms wadahadalada lagu qabanaayo Ter Apel. Taasi waxey u sameynayaan maadaama mar mar ay ballamada boostada lagu diro dhumaan ama aan xarunta saxda ah loo dirin awgeed maadaama qaxootiga badiyaa meelo badan oo kala duwan loo bedelo. Waxaa sms-ka ku qoran warbixinta IND-ballanta, sida taariikhda, meesha iyo saacada. Ka hor ballanta ka hor ayey IND sidoo kale xasuusin kuugu soo direysaa xagga sms-ka.

Kulama xariiri karti IND xagga sms-ka

Fariinta -sms waa mid aan"suura gal ahayn in laga soo jawaabo". Taasi waxey micnaheeda tahay inaadan ka jawaabi karin si aad shaqaalaha IND ula xariirto. Haddii aad taasi sameysana lagama aqrinaayo xagga IND.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?