Qaxootiga ayaa safka ku jira si ay isaga diiwaangeliyaan tuulada Nederlaanka ee Ter Apel
Laga soo xigtay: Inge van Mill
Warar cusub

Intaan ayey qaadataa dacwadada magangelyada ee Nederlaan

La shaaciyey: 5/8/2025, 12:00 GH

Waxaa Adeega Socdaalka iyo JInsiyada (IND) heysataa 18 bilood oo ay go'aan ku soo gaaraan codsi magangelyo walba oo 2025. Waa inaad sidaa awgeed haddana muddo dheer inaad sugtaa wareysiga 2aad ee IND. Halkan ka aqri waqtiyada sugitaanka ee dacwada magangelyada.

Mudada sugitaanka ee wadahadalka 2aad wuu dheer yahay

Dacwada magangelyada guud waxaad mareysaa wareysi 1aad iyo wareysi 2aad oo aad la leedahay IND. Wadahadalkan waxey ku saabsan tahay sababaha aad u qaxday oo aad magangelyo Nederlaan uga weydiisaneyso. Sidoo kale waxaa jira wareysiga 2aad muddo dheer oo sugitaan ah. Waa inaad waqtigan xaadirka aad ka dib wareysiga 1aad celcelis ahaan weli43 wiigsugtaa wareysiga 2aad.

Sida uu qabo sharciga Nederlaan waa loo oggol yahay IND iney intaasi dadka sugaan

Waxaa dowlada Nederlaan ay 14 janaayo oo sannadkan ay ku dhawaaqday in IND xitaa 2025 waqti dheeraad heli doonto ay ku go'aamiso codsiga magangelyada. Sida sharciga qabo IND waxey heysataa 6 bilood oo ay go'aan ku gaaraan codsigaaga magangelyo. Laakiin IND sannadihii la soo dhaafay waxey helayeen 9 bilood kale oo ay ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo.

Taasi waxey micnheeda tahay in codsiyada 27 sebtembar 2022 iyo 1 janaayo 2026 ay mudada go'aaminta 15 bilood yahay. Mudadaasi waa in IND ay wareysiga 1aad iyo 2aad kula yeeshaan. Iyo ay go'aan ka gaaraan codsigaaga magangelyo.

Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka

Miyaad sugaysay waraysigaaga 1aad ee IND muddo 6 bilood ah?, haddana ma aadan la yeelan waraysi IND? Kadib weydii shaqaalaha

VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
si uu ula xiriiro IND. IND ma qaadanaysaa waqti dheer si ay uga baaraandegto codsigaaga magangalyo? Markaa waxaad samayn kartaa waxyaabaha soo socda:

Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) waa iney waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Ka aqri boggan sida aad taasi u sameyn karto.

Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful