• Bilowga
  • Mudadii buuxinta canshuur celinta
Baqshad buluug ah oo ka timid waaxda canshuuraha oo miiska saaran.
Laga soo xigtay: DennisM2 / Flickr

Mudadii buuxinta canshuur celinta

La shaaciyey: 3/7/2024, 3:26 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Miyaad warqad ka heshay Waaxda Canshuuraha oo sheegaya in ay tahay inaad xareyso canshuur celinta dakhliga? Markaa waa inaad u sheegtaa waaxda cashuuraha inta lacag ah ee aad shaqeysatay ama heshay sanadkii la soo dhaafay.

Samey 14 julay ka hor canshuur celinta

Sannad kasta waxaad xareyn kartaa canshuur celinta sannadkii hore laga bilaabo 1 maarso. Tani waxay ka dhigan tahay in aad u sheegto

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Maamulka Canshuuraha
inta lacag ah ee aad ku kasbatay shaqadaada. Hadda waxaad xareyn kartaa canshuur celinta sanadka 2023. Waa inaad tan sameyso ka hor Luulyo 14, 2024, haddii kale waxaad la kulmi kartaa ganaax.

Ma aadan shaqeynin, laakiin haddana warqad ayaad ka heshay Waaxda canshuuraha? Markaa haddan waa inaad canshuur celinta sameysaa. Xitaa haddii aad ceyr ka qaadato dowlada waa inaad gudbisaa inta lacaga ee aad qaadatay.

Mar mar ayaa Waaxda canshuuraha lacag ku siineysaa

Markaad xareyso canshuur celinta, maamulka canshuuraha ayaa xisaabiya inaad canshuur kaafi ah siisay dowladda Nederlaan. Kadib markaad dhamaystirto canshuur celintaada, waxaad arki kartaa inaad bixisay canshuur kugu filan, in laguu soo celin doono ama ay tahay inaad lacag bixiso.

Kadib markaad xareyso canshuur celintaada, waxaad heli doontaa warqad rasmi ah oo ka socota Waaxda Canshuuraha. Warqadan waxaa ku qoran in laguu soo celin doono ama ay tahay inaad lacag bixiso. Iyo ka hor taariikhda la rabo inaad tan sameyso.

Warbixintan ayaad u bahan tahay markaad canshuur celinta sameyneyso

Waxaad ku samayn kartaa caddayn onlayn ah. Gal ">boggan ee Waaxda Canshuuraha. Tan waxaa lagu samayn karaa Dutch ama Inglishka. Si loo xareeyo canshuur celinta, waxaad u baahan tahay dhowr macluumaad ah:

  • Waxa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    DigiD
    .

  • Muqaal daqligaaga, taasi waxaa loo yaqaanaa 'daqiga sannadka'.

  • Dulmar guud ee waxyaalaha laga jari karo Kuwani waa kharashyo aad ka jari karto dakhligaaga si aad u bixiso canshuur yar. Kuwani waa, tusaale ahaan, kharashyada daryeelka caafimaadka ama kharashyada gurigaaga.

Waxaad taageero ka heli kartaa xereynta canshuur celintaada ah

Maamulka Canshuuraha ayaa inta badan faahfaahintaada ku buuxiya online ka hor. Markaa waa inaad gasho oo aad hubisaa faahfaahinta. Ma u baahan tahay in lagaa caawiyo buuxinta canshuur celintaada? Waydii qofka aad la xiriirto ee jooga degmadaada ama

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
kaas oo kaa caawin kara buuxinta canshuur celinta.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?