• Bilowga
  • Sida loo dabaaldo Jimacaha Wanaagsan iyo Paas-ka Nederlaan
Ilmaha waxey raadiyaan ukumanka paas-ka
Laga soo xigtay: Shutterstock / Monkey Business Images

Sida loo dabaaldo Jimacaha Wanaagsan iyo Paas-ka Nederlaan

La shaaciyey: 3/22/2024, 3:11 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Jimacaha Wanaagsan iyo Paas-ka waa maalmo fasax ah Nederlaan. Sannadkan wuxuu ku aadan yahay Jimacaha Wanaagsan 29 maarso 2024 iyo Paas-ka 31 maarso iyo 1 abril 2024. Maalmahan dadka badankooda ma shaqeeyaan Nederlaan oo waxey u dabaaldegaan ciidahaasi.

Dhaqan ahaan Goede vrijdag iyo Pasen-ka waa ciido masiixi ah

Goede Vrijdag waa maalinta ay masiixiyiinta xusayaan Ciise markii isku talaabta lagu qodbay. Masiixiyiinta waxey maalintan u arkaan calaamada uu Ciise u huray aadanaha. Sida uu qabo baybalka Ciise wuxuu dhimashadiisa ku bixiyey deynta dembiga.

Mudada paas-ka waxey masiixiyiinta u dabaadegaan markuu Ciise dhimashada ka soo kacay. Sida uu qabi baybalka wuxuu Ciise ka istaagay dhimashada axadii ka dib markii isku tallaabta lagu qodbay. Labada maalmoodba waxaa jira wacdiyayaal gaar ah masjidka.

Waxaa sida uu qabo Xafiiska Dhexe tirakoobka ee

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Cenntraal Bureau voor de Statistiek (CBS)
waxba ma aaminsana. Haddana waxaa xitaa dadka aan masiixiga ahayn wey xiiseeyaan Pasen-ka. waxey u dabaaldagayaan bilowga deyrta.

Dukaaman badan wey xiran yihiin Pasen-ka

Maalinta koowaad ee Paas-ka (mar walba axad) dukaaman badan ayaa xiran Nederlaaan. Maalinta labaad ee Paas-ka (mar walba isniin) iyo Jimcaha Wanaagsan dukaaman badan wey furan yihiin, laakiin qaar ayaa heysta waqtiyo xadidan oo ay furan yihiin.

Dadka badankooda waa la fasaxaa shaqada iyo iskuulka

Jimcaha Wanaagsan iyo mudada Paas-ka dad badan shaqo ama sikuul wey ka fasaxan yihiin. Laakiin qof walba fasax la maha. Tusaale dadka caafimaadka ka shaqeeya ama maqaayadaha wey shaqeeyaan badiyaa. Ilaa haddii aad iskaaga fasax u weydiisato shaqo siiyahaaga iyo uu kuu ogolaado.

U dabaaldegida Jimacaha Wanaagsan iyo Paas-ka Nederlaan

Nederlaanka waxey 2 beri ee Paas-ka u dabaaldegaan si kala duwan. Qaarkood waxey aadaan kaniisada oo qabanaaya khudbad Paaska oo gaar ah, kuwana waxey la joogaan reerkooda iyo asxaabta. Badiyaa pas-ka dadka wey isla soo quracdaan, laakiin tani waxey kaloo noqon kartaa qado horteed ama qado ama cashada. Waxaa kaloo la abaabulaa xaflado: suuqyo paas-ka ah, dab la shido paas-ka iyo wada jir loo dabaaldego.

Nederlaan badan waxey ku qariyaan ukumo jardiinkooda ama meel kale oo banaanka ah. Taasi waa dhaqan ku saleysan bakeylaha paas-ka. Waa bakeyle la soo alifay oo deyrta ukumanka ilmaha u qariya. Run ahaantii waalidka ayaa u qarinaaya ukunta doorada iyo ukuman shukaalto ah ilmahooda. Ilmaha waxey raadinaayaan ukumanka. Sidoo kale waxey kalar mariyaan ilmaha Paas-ka ukumanka oo kalaro kala duwan ah. Taasi iskuulka ayaa badiyaa lagu sameeyaa.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?