• Bilowga
  • Dacwada magangelyada muddo dheer ayey qaadaneysaa wixii hadda ka dambeeya marka aad Yaman ka soo qaxday
Waxa uu kacdoonka Carabta horseeday mudaaharaadyo rabshado wata iyo mudaharaadyo lagaga soo horjeedo dawladda dabadhilifka ah ee Yemen. Wadooyinka buuxa ee magaalada Sanca ee caasimadda Yemen
Laga soo xigtay: Shutterstock, ymphotos

Dacwada magangelyada muddo dheer ayey qaadaneysaa wixii hadda ka dambeeya marka aad Yaman ka soo qaxday

La shaaciyey: 3/26/2024, 8:50 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ma ka soo qaxday Yaman? Markaa waxaa mareysaa dacwada magangelyada ee jinsiyadaha kale oo kale. Ka hor waxey Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) uga shaqeyn jirtay si deg deg ah. Halkan ka aqri sida IND hadda dacwadaada magangelyo uga go'aamineyso marka aad Yaman ka timid.

Weli magangelyo waa ka heli kartaa Nederlaan, laakiin waa inaad faahfaahin dheerad ka bixisaa xaaladaada shaqsiga

Waxa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
IND
u aragtaa xaalada Yaman dadka qaarkood iney weli amaan daro u tahay oo weli waxaa jira rajo inaad magangelyo ka heleyso Nederlaan markaad Yaman ka timid. Haddana IND codsigaaga magangelyo si kale ayey u go'aaminaayaan. Waxa isbedelaaya 2 dan arrin:

  • IND markii hore dhaqso ayay u go'aamin jireen codsiga magangelyo marka aad Yaman ka soo qaxday. Hadda laga bilaabo codsiga magangelyo waxey uga go'aaminayaan sida jinsiyadaha kale si la mid ah.

  • Waxaa IND markii hore u aragtay in dagaalka Yaman ahaa mid daran oo qof walba oo Yaman ka yimid toos xaq ugu lahaa magangelyo Nederlaan. Waxba sidaa awgeed lagaama baahnayn inaad ka sheegto xaaladaada shaqsiga. IND weli waxey u aragtaa dadka ka yimid Yaman iney qatar ku suagan yihiin, laakiin qof walba qatar isku mid ah kuma sugno. Wixii hadda ka dambeeya waa in mudada warysiga ee IND wax badan faahfaahiyeen xaalada shaqsi ahaan ee Yaman.

Waxaa IND codsiga magangelyada ay fiirineysaa waxyaalaha soo socda dadka ka yimid Yaman

Weli IND wey fiirineysaa xaalada dagaalka ee Yaman marka ay codsiga magangelyada fiirinaayaan. Waxay kaloo fiirinaayaan xaaladaha shaqsiga maxey tahay adiga aad qatar siyaado ah ugu sugan tahay. Laga yaabe inaad qatar siyaado ku sugan tahay maadaama aad:

  • Aad leedahay naafo jirkaaga ah

  • Aad shaqo ka shqeyneysey Yaman aad qatar dheeraad ku sugnayd

  • Aad qof aad u dhainyar ama qof aad u da'weyn tahay

  • Waxaad ka tirsan tahay dad qatar ku sugnaan karo. Tusaale waxaad tahay weriye, dhaqdhaqaaq siyaasi ama mucaarid dowlada Yaman. Ama aad tahay qowmiyada, diin ama dad kale oo laga badan yahay, tusaale tahay.

Haddii aad hore u haysatay ruqsadda magangelyo ee Nederlaan, way sii jiri doontaa

Ma ka soo qaxday Yaman oo aad Nederland ku haysataa sharci magangelyo? Markaa waxaad haysataa ogolaanshahan IND dib uma qiimayn doonto codsigaga magangelyo.

Waxaa weli codsan kartaa reerka in laguu keeno

Ma heysataa sharcideganaansho magangelyo iyo ma rabtaa in reerkaaga laguu keeno jooga Yaman? Markaa weli reerka keenistooda waad weydiisan kartaa. Sidoo kale codsiyada la gudbiyey ee IND ku howlan tahay, weli wey sii go'aaminaayaan.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?