• Bilowga
  • Si fudud magangelyo Nederlaan markaad tahay qof ku leh waajib militari Eritreeya
Laga soo xigtay: Shutterstock, Dave Primov

Si fudud magangelyo Nederlaan markaad tahay qof ku leh waajib militari Eritreeya

La shaaciyey: 4/4/2024, 1:30 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma uga soo qaxday Eritreeya maadaama aad lahayd waajib bulsho? Markaa si fudud ayaad xaq ugu yeelaneysaa sharci deganaansho magangelyo Nederlaan ah. Halkan ka aqri sida taasi tahay.

Si fudud ayaa sharci ku heleysaaxagga waajibka milatariga

Haddii aad ka soo qaxday Eritreeya xagga waajibka milatariga awgeed si fudud ayaa Nederlaan magangelyo uga heleysaa. Hore sharci magangelyo ayaa ku heleysey Nederlaan asaas ahaan maraka uu jiro waajibka milatariga. Hadda waxaa dowlada Nederlaan ay go'aamisay iney tani xitaa quseyso waajibka bulshada. Tani waa waajib ka jira Erireeya taasoo aad ka shaqeyneysay waxbarashada ama daryeelka caafimaadka.

Ma falanqeyn kartaa inaad u soo qaxday maadaama ay waajibka adiga saameyn xun kugu lahayd? Markaa si fudud ayaad xaq ugu yeelaneysaa sharciga deganaanshaha ee b

Dowlada Nederlaan waxey taasi u go'aamisey qoraal cusub oo arrintaa ka saabsan awgeeda

Dowlada Nederlaanka waxey go'aamisay in maamulka magangelyo wax ay ka bedesho ka dib markii ay wararka dowlada soo baxeen oo ku saabsan Eritreeya. Qoraalkan wuxuu warbixin ka bixinaaa xaalada Eritreeya. Ineysan keliya waajibaadka militariga ysan qatar ku jirin een waajibaadka bulshadana ay qatar ku jiraan in la dilo, kufsado- iyo arrimo jinsiga ku saabsan dhib loogu geysto, shaqo qasab ah iyo noocyo kale oo dhibaato ka jiro Itoobiya.

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) waxey kaloo go'aamineysaa in xaaladaada shaqsiga iyo haddii aad qatar ku sugan tahay Eritreeya. Waxaa IND baareysaa tusaale ahaan kooxdee siyaasi iyo bulsho aad ka tirsanayd, waxa uu da'daada yahay iyo shaqada aad qaban jirtey.

Fursad yar inaad magangelyo heshomarkaad taageersan tahay dowlada Eritreeya

Dadka ka yimid Eritreeya ee gaar ahaan dowlada Eritreeya taageersan, si fudud kuma helaan magangelyo. Bishii febraayo waxaa Nederlaan ka jirey dagaal u dhexeeye taageerayaasha iyo ka soo horjeedka dowlada Eritreeya. Sida qoraalka ku qoran xaalada Eritreeya kuma sugna taageerayaasha dowlada qatar la mid ah Eritreeyga kale. Ma ka soo baxay mudada dacwada magangelyada inaad tahay taaheere dowlada? Markaa IND tani wey ku darayaan marka la go'aaminaayo haddii aad sharci deganaansho heleyso iyo in kale

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?