
IND codsiga magangelyo si kale ayay uga go'aamin doonaan
La wadaag baraha bulshada:
Go'aaminta codsiyada magangelyo ee Nederalaan waa is bedelayo'aaminta shaqsiga ayaa muhiim sii noqonaaya iyo waa inaad qaxooti ahaan arrintaada dokumentiyo ku cadeysaa.
Codsigaaga magangelyo weli waxaa lagu go'aaminaayaa nidaamka Heshiiska qaxootiga
Dokumentigaaga weli mid aad u muhiimsan ayaa loo arkaa codsigaaga magangelyo
Durba waa muhiim inaad soo gudbiso dukumeenti cadeynaya sheekadaada codsigaga magangalyada. Isbeddelka siyaasadda ka dib, IND waxay u eegi doontaa dukumentiyadan si ka duwan. Haddii aad soo gudbiso dukumeenti asalka ah iyo kan rasmiga ah, IND waxay si dhakhso leh u rumaysan doontaa dhibaatadaada.
Haddii aadan heysanin dokumenti rasmi ah, dhowr waxyaalood ayaa sameyn kartaa, si arrintaada uga qanciso IND kaaga rumeystaan:
U sharax sababta aadan dokumenti u heysanin. Waxa ayaad sameyneysaa mudadawadahadalka 2aad ee IND.
Muuji inaad dadaashay si aad dokumenti u hesho. Taasi waxaad ku sameyn kartaa tusaale ahaan adigoo e-maylada ama waraaqaha aad familka ama dowlada wadankaaga ku weydiineyso dokumenti aad tusto.
Xaaladaada shaqsiga ayaa dowr ka sii muhiim ah ciyaaraaya
IND waxay kaloo ay wax bedelyaan siyaasadda kooxaha iyo dalalka ay ka soo jeedaan. Ma aha kooxda aad ka tirsan tahay, laakiin adiga qof ahaan aad ayaad muhiim ugu noqonaysaa marka la qiimaynayo codsigaaga magangelyo. IND waxay badi doonaysaa inay ogaato sababta aad khatar ugu jirto dalkaagi. IND waxay horeba u ogeyd xaaladda guud ee dalkaaga. Sidaa darteed, inta lagu jiro wadahadalka aad la leedahay IND, u sheeg waxa adiga shakhsi ahaan kugu dhacay.
La xariir VluchtelingenWerk hadaad warbixin dheeraad rabto
Isbadalkaan ma ahan mid sabab u ah qorshaha siyaasada adag oo magangalyodoonka oo ay 4 ta xisbi ee raba inay Nederlaan si wadajir ah u maamulaan ay ku heshiiyeen. Waxaa IND go'aanka codsiyada magangelyada ku qiyaasinayaan, maadaama ay farqi u dhaxeeyaan go'aaminta codsiyada magangelyada ee Nederlaan iyo wadamada kale ee Yurubiyanka.
Ilaa hadda si buuxda uma cadda goorta ay siyaasadda cusub dhaqan geli doonto iyo sida ay u shaqayn doonto si dhab ah. Haddii aad qabto wax su'aalo ah ama aad jeclaan lahayd inaad wax badan ka ogaato habka qiimaynta cusub, fadlan la xiriir qofka aad la xiriirto