Qof ayaa ka furaya WhatsApp taleefankiisa gacanta.
Laga soo xigtay: Shutterstock / Bongkarngraphic
Muhiim
Warar cusub

Iska jir! Qareennada been abuurka ah waxay isku dayaan inay lacag kaa helaan WhatsApp ama Facebook

La shaaciyey: 11/21/2024, 12:00 GH

Ururka qaxootiga ee Nederland (VWN) ayaa ka digaaya in dambiilayaasha ay isku dayayaan inay ku khiyaaneeyaan interneetka dadka magangalyada ka codsada. Khayaaneeyaha ayaa ku hadla afka Carabiga waxayna iska dhigaan qareeno iyagoo isticmaalaya Facebook ama WhatsApp. Waxay kuu ballan qaadayaan inay kaa caawinayaan dacwadaada magangalyo, laakiin waxay waydiisanayaan lacag. Lacag ha dirin.

Waxay sheegaan sheekooyin aan run ahayn

Khiyaaneeyayaasha waxey leeyihiin iney dacwada magangelyo kaa caawini karaan. Waxey tusaale ahaan dhahaan iney codsi u gudbin doonaan xaakinka Nederlaan, si aad dhaqso jawaab u hesho, waqti badan aadan sugeynin ama aad sharci deganaansho heleyso. Taasi run ma aha. Ha aaminin marna lacag ha bixinin.

IND ayaa go'aamineysa goorta la gaaro dowrkaaga iyo in aad sharci ogolaansho heli doonto

Kaliya

Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadaha (IND)
ayaa go'aaminaya goorta uu bilaabanayo dacwadaada magangalyada iyo inta ay qaadaneyso. IND kaliya ayaa sidoo kale go'aamineysa inaad heli doonto sharciga degenaanshada iyo inkale. Nederlaan ma isticmaali kartid lacag si aad wax ugu dedejiso dacwadaada ama aad ku hesho sharci degenaansho.

Qareenkaaga ayaa kuu sheegi kara in fariinta ay run tahay iyo in kale

Miyaadan hubin in fariinta aad ka heshay ka timid qareenkaaga magangalyada? Fadlan la xiriir xafiiska qareenka marka hore. Ama weydii Ururka Qaxootiga

VWN
inay tan sameeyaan. Qareenkaaga ayaa kuu sheegi kara haddii isaga ama iyadu ay farriin kuu soo direen.

Waxaad aadaa boliiska haddii lagu khiyaaneeyey

Ma lagaala soo xariiray Facebook, WhatsApp ama kanaal kale oo baraha bulshada ah? Lacag ma bixisay wax dambe kama maqlin tan iyo markaas? Markaa waa suuragal oo waa lagu khiyaamay. Waa muhiim inaad sida ugu dhaqsaha badan ugu wargeliso dhacdadan booliiska. Booliisku waxay markaa isku dayi karaan inay ku caawiyaan oo ay helaan tuugta. Shaqaale VWN ah ayaa kaa caawin kara inaad ballan la samaysato booliiska.


Maxey kula tahay qodobkan?