Laga soo xigtay: RefugeeHelp
Warar cusub

Ka digtoonow farriimaha been abuurka ah ee ka imanaya IND

La shaaciyey: 2/18/2026, 12:00 GH

Farriimo been abuur ah oo ka imanaya IND ayaa hadda dib loo faafinayaa. Dadka qaar ee ku jira nidaamka magangalyada ayaa taleefannadooda ka helaya farriimo qoraal ah oo u muuqda inay ka yimaadeen IND, laakiin farriimahani kama imanayaan IND. Halkan ka akhri waxaad samayn karto haddii aad hesho farriin.

Ha gujin xiriirinta bogga internetka, hana ha bixinin wax xog ah

Waxaa fariimadan been abuurka ah lagu weydiinayaa inaad isla markii warbixintaada shaqsiga bedesho(magaca, taariikhda dhalasho, warbixinta bangiga) websaaytka

. Maadaama ay muhiim u tahay dacwadaada magangelyo ayaa la leeyahay. Waxaa fariinta ku qoran xariiriye websaaytka oo aad taasi ku sameyn karto.

Waxa wareerka leh ayaa ah in IND ay mararka qaar dirto fariimo qoraal ah. Kuwani waa farriimo sharci ah, tusaale ahaan, oo ku saabsan taariikhda dhageysiga dambe. Laakiin IND weligeed kuma dari doonto xiriiriye bog internet fariimahan qoraalka ah ee dhabta ah ee aad gujinayso, ama codsi ah inaad ka tagto macluumaadka shakhsi ahaaneed.

Ha gujin xiriirka oo tirtir fariinta been abuurka ah

Waxaa laga yaabaa inaad hesho farriin sms oo been abuur oo noocaas ah. Haddii ay sidaas tahay, ha gujin xiriirinta oo ka tirtir farriinta taleefankaaga. Ha furin xiriirinta bogga internetka. Hubaalna ha bixin wax macluumaad ah.

Haddii aad gujisay xiriirinta oo aadan hubin in farriintu ka timid IND, waxaa jira dhowr waxyaalood oo aad sameyn karto si aad u ogaato inay been abuur tahay ama run tahay.

Sidee ku ogaan kartaa inaysan ahayn bogga internetka ee IND?

Boggaas been abuurka ah (fiiri sawirka leh fariintan) wuxuu u ekaan karaa bogga internetka ee IND, laakiin ma aha. Bogga been abuurka ah waxaa ku jira MijnOverheid iyo astaanta IND. Laakiin astaanta IND ma laha qoraalka Adeegga Socdaalka iyo Jinsiyadda (IND).

Haddii aadan weli hubin, tag saacadaha la-tashiga ee

ama
. Waxay sidoo kale ogyihiin in farriimo been abuur ah la dirayo waxayna kula eegi karaan xaaladdaada.

Ballan ka samee halkan saacadaha la-tashiga khadka tooska ah ee VluchtelingenWerk.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful