Laga soo xigtay: Unsplash
Warar cusub

Siyaasadda cusub ee Suuriya: dib-u-qiimeyn ma jirto, xaaladda khatarta Druze laga bilaabo hadda

La shaaciyey: 4/24/2026, 12:00 GH

Waxaa 22 Abriil, Wasiirka Magangelyada iyo Socdaalka ayaa ku dhawaaqay in siyaasadda Suuriyaanka la bedalaayo. Druzen-ka hadda waxaa loo arkaa inay tahay astaamo khatar ah. Ogolaanshaha magangalyada hadda dib looma qiimeyn doono.

Isbeddellada siyaasadda magangalyada ee Suuriya

Waxaa 2 fabraayo 2026 soo baxay qoraalo

oo ku saabsan Suuriya. Sida uu qabo qoraalkan dowladeed in xaalada Suuriya bilihii la soo dhaafay ay xasilaan daro iyo rabshado lahayd iyo ay dhibaato si gaar ah loola beegasanaayey dadka laga tirada badan yahay. Qoraalkan dowaladeed rasmiga ah awgeed ayaa waxaa la sameynayaa siyaasad cusub.Wixii dheeraad ee qoraalkaasi ka aqri RefugeeHelp.

Druze waxaa la siiyaa 'astaan khatar ah'

Qoraal dowaldeedka rasmiga ee 2 febraayo 2026 wuxuu ku saabsanaa mudada maajo ilaa disambar 2025. Waxaa ka jirey gobolka Suweida rabshado kala duwan oo loo geysanaayey dadka Druzen-ka. Xitaa xabad joojintii xagaagii la soo dhaafay waxaa jirey rabshado badan halkaasoo dadka Druzen-ka ay ku dhinteen. Waxaa Druzen-ka lagu tilmaamaa xagga baraha bulshada iney yihiin gaalo, khaa'inul wadan ama wakiilo Israa'iil. Sidaa awgeed ayaa Druzen-ka wixii hadda ka bilowda loo arkaa

. Waxeyna sida uu qabo siyaasada cusub ee Nederlaan ku jiraan qatar weyn oo lagu cadaadinaayo ama xaalado halis ah ku jiraan sidaa awgeed ay dhaqso uga helayaan Nederlaan sharci deganaansho.

Meel kale oo amaan ah wadanka gudahiisa: Meel amaan ah qofka ku leeyahay wadankiisa

Ilaa hadda, siyaasadda Nederland waxay u aragtay in dadka Suuriyaanka ah ee khatarta ku jira gobolka ay ka yimaadeen aysan si nabad ah ugu guuri karin meel kale oo dalka ah. Laga bilaabo hadda, tan waxaa lagu qiimeyn doonaa xaalad- xaalad oo codsi kasta oo magangelyo ah. Sidaas darteed, waxaa la baari doonaa in qof halis ku jira uu dhab ahaantii si ammaan ah ugu noolaan karo meel kale oo dalka ah. Si kastaba ha ahaatee, Nederland weli ma aysan u aqoonsan meelo ammaan ah.

Sida laga soo xigtay warbixinta rasmiga ah ee dowlada, waxaa wali jiray dhacdooyin rabshado joogto ah oo ka dhacay gobollo kala duwan oo Suuriya ah intii u dhaxaysay Maajo iyo Diseembar 2025. Waxaana jiray xasillooni la'aan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa jira dhacdooyin ka yar iyo rabshado aan dhimasho lahayn ka yar.

Dib-u-qiimeyn laguma sameyn sharciyada magangalyada

Maadaama aan weli sugnayn in xaalada Suuriya ay muddo dheer soo fiicnaatay, weli sharciyada magangelyada ee mudada ah dib looma go' aamin doono. Waxaa

wuu ka soo fiicnaaday mudadii dowladii-Assad. Laakiin dhacdooyin dagaalo oo ka dhacay dhulka xeebaha ee maarso 2025 iyo Suweida waxey muujinaayaan in Suuriya waqtigan xaadirka
oo ay xiisad badan ka jiraan.

Qoraalo dawladeed oo rasmi oo cusub ka dib ayaa dib loo eegi doonaa in xaalada ay soo fiicnaatay. Dhamaadkii 2026 ayaa qoraal rasmi ah la filaayaa.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful