Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland
Warar cusub

VluchtelingenWerk iyo Laanqeyrta Cas ayaa mar kale ku sugan Ter Apel laga bilaabo Arbacada, 15 Luulyo

La shaaciyey: 7/15/2026, 08:00

Laga bilaabo Arbacada, shaqaalaha iyo mutadawiciinta Laanqeyrta Cas iyo VluchtelingenWerk waxay ka shaqayn doonaan dhisme xafiis oo ku xiga xarunta diiwaangelinta ee Ter Apel. Sidaa darteed mar dambe ma taagnaan doonaan cawska horteeda xarunta. Halkan ka akhri waxa ay taasi kuu macnaynayso.

Todobaadkii la soo dhaafay wey ka tageen VWN iyo Rode Kruis barxada Ter Apel

Wey joojiyeen caawinaada VWN iyo Rode Kruis barxada Ter Apel

Muddo dheer, waxaa jiray xiisado iyo xaalado aan ammaan ahayn oo ka jiray goobta diiwaangelinta ee Ter Apel. Sidaa darteed, VWN Nederland iyo Laanqeyrta Cas waxay go'aansadeen 10 julay inay si ku meel gaar ah u joojiyaan kaalmadooda halkaas. Waxay ku siin karaan oo keliya caawimaad haddii ay ammaan kuu tahay adiga iyo shaqaalaha

Markaasoo VWN iyo Laanqeyrta Cas hadda joogin goobta, gargaarka goobtaas ayaa sidoo kale istaagaya

Waxay tani micnaheeda tahay:

  • su'aalo inaadan ku weydiin karin barxada;

  • mar dambe ma arki karaan haddii qof u baahan yahay caawimo dheeraad ah

  • Mar dambe kuma caawin karaan inaad caawimo kale ka hesho goobta


Sidee ayaad amaankaaga u sugeysaa barxadda

Waxyaalahan ayaad sameyn kartaa sida ugu badqabka ugu macquulsan u hesho

  • Alaabtaada si fiican u ilaali oo ilaalo la' aan ha ug tegin.

  • La joog qoyskaaga, qaraabadaada, ama dadka kale ee aad ku kalsoon tahay intii suurtogal ah

  • Is caawiya. Iska ilaali alaabta midba midka kale oo is toosi haddii shaqaalaha COA ay dadka soo wacaan

  • Ha raacin dad aadan aqoon

  • Weydiiso CO Awarbixin rasmi ah ama ururada rasmiga ah

  • Isla markiiba soo sheeg haddii aad xanuunsan tahay ama aadan dareemayn ammaan.

  • Isticmaal taleefankaaga oo keliya marka loo baahdo, si baytarigu u sii jiro waqti dheer.

  • Had iyo jeer dukumeentiyadaada muhiimka ah, taleefankaaga, iyo lacagtaadaba meel ammaan ah ku hay. Waxaa fiican inaad mar walba aad wadato

  • Raac tilmaamaha ururada rasmiga ah.


Ma u baahan tahay caawinaad dheeraad ah

U sheeg

ama
isla markiiba haddii aad u baahan tahay caawimo dheeraad ah. Waxay qiimayn doonaan waxa looga baahan yahay xaaladdaada

Waxa u baahan kartaa caawino dheeraad haddii

  • aad xanuunsan tahay

  • uur leedahay;

  • aad ka yar tahay 18 jir oo aan waalid kula soconin

  • caruur ay kula socoto

  • aad naafo tahay;

  • waxaad qabtaa cabashooyin nafsi ama dhimirka ah

  • daawo ayaad qaadataa

  • ma dareemeysid ammaan

  • sabab kale awgeed ayaad aad u nugushahay

Ma heysataa waraaqo caafimaad ama dokumentiyo kale oo muhiim ah? kuwaasi mar walba heyso iyo tusi haddii algu weydiiyo.

Ma la joogtaa asxaabtaada ama qoyskaaga?

Ka dib markaad gudbiso codsigaaga magangalyada, waxaad la joogi kartaa asxaabtaada ama qoyskaaga. Si kastaba ha ahaatee, tani adiga ayay kugu xiran tahay

COA mas'uul kama aha haddii aadan joogin marka magacaaga la wacayo

Haddii magacaaga la waco oo aadan joogin, magacaaga waxaa loo diiwaangelinayaa MOB (La tagay iyadoo aan la garanayn meel loo socdo). Markaas waxaa laguu tixgelinayaa inaad 'maqnayd' waxaana laga yaabaa inaad soo gudbiso codsi magangelyo oo cusub

Saacadaha la-talinta dhijitaalka ah si aad u hesho caawimaad ka timid VWN

Waxaad iska diiwaan gelin kartaa la-tashi dijitaal ah

adoo adeegsanaya bogga internetka ee RefugeeHelp

Inta lagu jiro la-tashi dijitaal ah, waxaad heli kartaa talo shaqsiyeed ama mid sharci oo ku saabsan xaaladdaada

Fadlan la soco:

  • Waxaad u baahan tahay

    tan

  • Waxaad u baahan tahay abka Microsoft Teams.

  • Shaqaalaha VWN waxay ku caawin karaan oo keliya haddii aad horey u soo gudbisay codsigaaga magangalyada



Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful