Dib u noqoshada iqtiyaariga Soomaaliya

Ma ku fekereysaa inaad ku noqotaa inaad wadankaaga asliga ku noqoto? Boggan ayaa Soomaaliya ka aqrineysaa waxa qarash ah ee jira iyo ururada kaa caawin kara dib u noqoshadaada.

Qarashka dib u noqoshada

Qarashka asaasiga ee la soo celiyo (REAN)

Waxaa lagu siinayaa qarashka asaasiga sida ay qabto nidaamka-REAN. Rean waxey u taagan tahay 'Return and Emigration Assistance from the Netherlands'. waxaa nidaamka-REAN ay bixiyaan:

  • taageero

  • tigidka diyaarada

  • caawinada helitaanka dokumentiga safarka

  • -€ 200,- oo lacag kaash ah qofka weyn iyo € 40,- ilmaha la safraaya. Wxaa lacagta lagugu siinayaa schiphol maalinta aad baxeyso.

Ururka Caalamiga ee Guuritaanka (IOM) aya dalbaayaaaya gunnada. Ururka kaa caawinaaya dib u noqoshada ayaa gunnada kaaga dalbi kara IOM.

Qarashka la qabsiga dib u noqoshada

Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.

Waxaad qarashkaasi tusaale ahaan ku dhigan kartaa tababar ama ku bixin kartaa alaabta ganacsigaaga. qeyb yar oo qarashka ah ayaa lacag ahaan u heli kartaa. Lacagta ama gunnada waa:

  • € 3080,- oo qofka weyn kaasoo ugu badnaan € 630,- oo lacag kaash ah.

  • € 1860,- oo qofka da' yarka ah kaasoo ugu badnaan € 630 euro oo lacag kaash ah.

Wada-hawlgalayaasha iskaashiga

Wada shaqeynta ururada wadanka asliga

VluchtelingenWerk ma tixgeliyo shuruudaha dib loogu noqon karo Soomaaliya nabad ma aha. Sidaa darteed kuma lihin lamaane iskaashi oo Suuriya ku haga. Si wadajir ah ayaanu u eegi karnaa fursadaha aad wali haysato waxaanan kaa taageereynaa samaynta qorshe mustaqbalka

Ururo kale mar mar wey leeyihiin ururo la shaqeeya Soomaaliya kuwaasoo ku hagi kara dib u noqoshadaada. Warbixin dheeraad kala xariir ururadaan ama la xariir hagahaaga ee VluchtelingenWerk

Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

Caawimo yar haddii lagugu qasbo inaad ku laabato waddankaagii asalka ahaa

Kaalmada gaarka ah ee dalka ee kor lagu sharraxay waxay suurtogal tahay oo keliya haddii aad si madax-bannaan oo ikhtiyaari ah ugu laabato waddankaagii asalka ahaa. Haddii aadan rabin inaad la shaqeyso soo noqoshadaada, dowladda Nederland ayaa ku qasbi karta inaad baxdo. Tan waxaa loo yaqaan soo celin qasab ah. Haddii ay sidaas tahay, waxaad heli doontaa caawimo yar ama mid aan waxba kaa tarin soo celintaada. Waxaad heli kartaa ugu badnaan €1000, oo ah qaab alaab ama hagitaan.