Dib u noqoshada iqtiyaariga Suuriya
Qarashka dib u noqoshada
Qarashka asaasiga ee la soo celiyo (REAN)
Waxaa lagu siinayaa qarashka asaasiga sida ay qabto nidaamka-REAN. Rean waxey u taagan tahay 'Return and Emigration Assistance from the Netherlands'. waxaa nidaamka-REAN ay bixiyaan:
taageero
tigidka diyaarada
caawinada helitaanka dokumentiga safarka
-€ 200,- oo lacag kaash ah qofka weyn iyo € 40,- ilmaha la safraaya. Wxaa lacagta lagugu siinayaa schiphol maalinta aad baxeyso.
Ururka Caalamiga ee Guuritaanka (IOM) aya dalbaayaaaya gunnada. Ururka kaa caawinaaya dib u noqoshada ayaa gunnada kaaga dalbi kara IOM.
Qarashka la qabsiga dib u noqoshada
Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.
Waxaad qarashkaasi tusaale ahaan ku dhigan kartaa tababar ama ku bixin kartaa alaabta ganacsigaaga. qeyb yar oo qarashka ah ayaa lacag ahaan u heli kartaa. Lacagta ama gunnada waa:
€ 3080,- oo qofka weyn kaasoo ugu badnaan € 630,- oo lacag kaash ah.
€ 1860,- oo qofka da' yarka ah kaasoo ugu badnaan € 630 euro oo lacag kaash ah.
Wada-hawlgalayaasha iskaashiga
Wada shaqeynta ururada wadanka asliga
VluchtelingenWerk ma tixgeliyo shuruudaha dib loogu noqon karo Suuriya nabad ma aha. Sidaa darteed kuma lihin lamaane iskaashi oo Suuriya ku haga. Si wadajir ah ayaanu u eegi karnaa fursadaha aad wali haysato waxaanan ku taageernay samaynta qorshe mustaqbalka.
Ururada kale waxay marmar Suuriya ku leeyihiin urur wada shaqeyn kaa caawin kara soo noqoshadaada. Wixii macluumaad dheeraad ah, la xiriir ururadan ama weydii la-taliyahaaga Golaha Qaxootiga ee Nederland. Haddii aad rabto macluumaad guud oo ku saabsan xaaladda Suuriya hadda, waxaad ka heli doontaa macluumaad badan tan
Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

Solid Road
Solid Road waxey ku siinayaan tababar shaqsi iyo hagista Nederlaan. Solid Road waxey kula sameynayaan qorsho sida aad qarashkaasi dib u noqoshada u isticmaali karto. Waxaa Solid Road waxaad ka dhigan kartaa tababaro lacag la'aan oo Nederlaan dhexdeeda
Solid Road waxey kaloo sameeyaan hagis Schiphol ah maalinta aad baxeyso iyo waxey la shaqeeyaan ururo wada shaqeyn oo waddankaaga kuwaasoo kugu dhaweyn doona wadankaaga.

Adeegga Dib u Celinta iyo Bixitaanka (DT&V)
DT&V wey dhiiro gelisaa dib u noqoshada iqtiyaariga ah oo isku filnaanta iyadoo si wanaagsan laguu diyaarinaayo bixitaankaaga iyo wixii loo baahdana lagaa caawinaayo si aad dib ula qabsato wadankaaga asliga.
Marka ay NGO ururrada dadka caawiya ku caawin karin ama ay IOM kuu heli karin dokumentiga safarka markaa waxaa caawino la weydiinayaa DT&V. Waxaa DT&V ay iyaga tijaabinaanyaan iney mar ku dhoof laissez-passer (LP) ama dokumenti kale kuu dalbaan, tiket wey kuu xajisayaan iyo lacag ayaa lagu siinayaa oo safarka noqoshada ah.
Caawimo yar haddii lagugu qasbo inaad ku laabato waddankaagii asalka ahaa
Kaalmada gaarka ah ee dalka ee kor lagu sharraxay waxay suurtogal tahay oo keliya haddii aad si madax-bannaan oo ikhtiyaari ah ugu laabato waddankaagii asalka ahaa. Haddii aadan rabin inaad la shaqeyso soo noqoshadaada, dowladda Nederland ayaa ku qasbi karta inaad baxdo. Tan waxaa loo yaqaan soo celin qasab ah. Haddii ay sidaas tahay, waxaad heli doontaa caawimo yar ama mid aan waxba kaa tarin soo celintaada. Waxaad heli kartaa ugu badnaan €1000, oo ah qaab alaab ama hagitaan.