Dib u noqoshada iqtiyaariga Afgaanistaan

Ma ku fekereysaa inaad ku noqotaa inaad wadankaaga asliga ku noqoto? Boggan ayaa Afgaanistaan ka aqrineysaa waxa qarash ah ee jira iyo ururada kaa caawin kara dib u noqoshadaada.

Qarashka dib u noqoshada

Qarashka la qabsiga dib u noqoshada

Waxaad dowladda Nederlaan ka heli kartaa qarash dheeraad oo aad bilow cusub ku sameyso wadankaaga asliga. Qarashkaasi waxaa laguu siinayaa inaad ku bixiso alaabo ama adeegyo. Waxaa jiro ururo kala duwan oo mashruucyo leh qarashka la qabsashada dib u noqoshada ku bixiya wadanka asliga gudihiisa.

Waxaad qarashkaasi tusaale ahaan ku dhigan kartaa tababar ama ku bixin kartaa alaabta ganacsigaaga. qeyb yar oo qarashka ah ayaa lacag ahaan u heli kartaa. Lacagta ama gunnada waa:

  • € 3080,- oo qofka weyn kaasoo ugu badnaan € 630,- oo lacag kaash ah.

  • € 1860,- oo qofka da' yarka ah kaasoo ugu badnaan € 630 euro oo lacag kaash ah.

Wada-hawlgalayaasha iskaashiga

Wada shaqeynta ururada wadanka asliga

VluchtelingenWerk uma aragto xaaladaha noqoshada ee Afgaanistaan mid amaan ah. Vwn markaa ma laha ururo la shaqeeya Afgaanistaan oo ku hagi kara.

Ururo kale badiyaa wey leeyihiin ururo la shaqeeya Afganistaan kuwaasoo ku hagi kara dib u noqoshadaada. Warbixin dheeraad kala xariir ururadaan ama la xariir hagahaaga ee VluchtelingenWerk.

Ururada ka jira Nederlaan ee ku caawin kara

Caawimo yar haddii lagugu qasbo inaad ku laabato waddankaagii asalka ahaa

Kaalmada gaarka ah ee dalka ee kor lagu sharraxay waxay suurtogal tahay oo keliya haddii aad si madax-bannaan oo ikhtiyaari ah ugu laabato waddankaagii asalka ahaa. Haddii aadan rabin inaad la shaqeyso soo noqoshadaada, dowladda Nederland ayaa ku qasbi karta inaad baxdo. Tan waxaa loo yaqaan soo celin qasab ah. Haddii ay sidaas tahay, waxaad heli doontaa caawimo yar ama mid aan waxba kaa tarin soo celintaada. Waxaad heli kartaa ugu badnaan €1000, oo ah qaab alaab ama hagitaan.