Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland
Dhaqdhaqaaq

Ma rabtaa inaad ku fiicnaato isticmaalka telefoonka-smart? Markaa qaado tababarka DigiKlik!

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/25/2024, 11:27 GH

Ma rabtaa inaad ku fiicnaato raadinta warbixinta ee interneetka? Iyo ma rabtaa inaad ogaato waxa aad telefoonka-smart u isticmaali karto? Markaa ka qeyb qaado tababarada DigiKlik!

Dhigo tababar adigoo heysta taleefoonkaaga caqliga leh

Adiguna ma kugu adag tahay inaad warbixin ka raadiso interneetka ama isticmaalka taleefoonka caqliga leh? Markaa ka qeyb qaado tababarada DigiKlik ee

. waxaad baraneysaa sidaad si fiican u isticmaasho taleefoonkaaga caqliga leh, kambiyuutarka shaqsiga iyo interneetka

Mudada ababarkan waxaad ku baraneysaa taleefoonkaaga caqliga leh. Sidaa ayaa tababarka guriga ugu sii celcelin kartaa. Waxaad tababarka ku qaadan kartaa afafka Carabiga, Farsiga, Turkiga iyo Tigrinjaha

Dooro tababarka adiga kugu haboon

Tababarada waa mid qof walba oo isdhexgalka bulshada sameeya loogu talo galay. wax farqi ma laha nooca sidhex galka bulshada sameysay ama sameyso. Waxaa jira 3 3 tababaro oo seddex wada kulan ah. Waxaad dooran kartaa nooca aad rabto 3 tababaro ee adiga kugu habboon. kuwani waa sedexda tababaro aad ka dooran karto:

  1. Ma rabtaa inaad barato sida aad taleefoonka caqliga leh u isticmaaleyso? Markaa waxaad qaadaneysaa tababar 1. Halkan ayaa ka baraneysaa sida taleefoonkaaga caqliga leh u isticmaaleyso

  2. Ma rabtaa ianaad barato sida interneetka qalabka loo isticmaalo? Markaa waxaad qaadaneysaa tababarka 2 oo aad baraneysaa warbixinta interneetka sida aad u adeegsaneyso qalabka.

  3. Ma rabtaa inaad barato interneetka sidaa arrimahaaga dowlada uga dabirato? Markaa 3 tababar ayaad qaadaneysaa? Waxaad kalaoo baraneysaa tusaale ahaan sida aad ballan sameysaneyso cisbitaalka ama sida aad u sameyso canshur celiska u sameyso.

Wadahadaladan waxaad ku baraneysaa interneetka siddaad ula qeyb qaadan lahayd Nederlaan. Sidaa awgeed saacadaha isdhexgalka bulshada waa laguu xisaabinayaa jidka -Z. Waxaa heleysaa shahaado ee DigiKlik oo lagu xisaabinaayo mashruuca isdhexgalka bulshada (PIP)

Isdhexgalka bulshada

Boggan ayaa wax dheeraad ka aqrineysaa oo ku saabsan isdhexgalka bulshada ee Nederlaan. Haddi aad u dhaxeyso 18 iyo 67 jir waa waajib inaad sameyso isdhexgalka bulshada. Waxaad qaadaneysaa casharo luqada Nederlaanka iyo waxaad baraneysaa waxaku saabsan bulshada Nederlaanka.


Sidan ayaad isku diiwaan gelinaysaa koorsada

Ma dooneysaa inaad ka qeyb qaadato DigiKlik ama ma qabtaa su'aalo? markaa waxaad aadi kartaa xafiiska VWN ee kuugu dhow ama waxaad iska ori kartaa foomkan.

Iska qor digiklik

Boggan ayaad iska qori kartaa Digiklik.


Sidee u aragtaa hawshan?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful