• Bilowga
  • Sidaan ayuu u shaqeeyaa ceymiska caafimaadka ee waajibka ah
Laba dhaqaatiir sawirka x-rayga ka fiirinaaya laptop-ka
Laga soo xigtay: Antoni Shkraba

Sidaan ayuu u shaqeeyaa ceymiska caafimaadka ee waajibka ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:55 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Qof walba oo jooga Nederlaan wuxuu leeyahay ceymis caafimaadka ah. tani waa mid waajib ah. Ceymiska ayaa bixinaaya qarashkaaga caafimaadka ee daruuriga ah, sida booqashada aad u aado dhaqtarka qoyska.

Waa waajib inaad ceymis ku jirtaa

Waxaa Nederlaan waajib ah qof walba oo 18 jir ah inuu ceymis haysto. Tani waa ceymiska asaasiga oo waa waajib. Ilmaha ilaa 18 jir waxaa lacag la'aan lagu qori karaa ceymiska 1 ka mid ah waalidka.

Haddii aad ceymiska asaasiga sameysato, waxaad kala dooran kartaa ceymisyo kala duwan. Sicirka ceymiska asaasiga xoogaa waa kala duwanaan karaa shirkadaha, laakiin wax badan ma aha.

Waxaa kaloo jira ceymis dheeraad. Taasi waa iqtiyaari oo qasab ma aha. Tusaale haddii ma wax badan ayaa isticmaashaa riixida jirka ama fiisiyowga ama caawino nafsi ah? markaa waxaad dooraneysaa ceymiska dheeraadka ee kugu habboon. Waxaa kaloo fiican inaad ka sii fekerto daryeelka aad u baahan tahay.

Tani waa qarash caafimaadka oo bil walba ah

Ceymiska asaasiga waxaad bil walba bixineysaa qarash bil walba. Taasi waxaa lagu magacaabaa 'qarash'. Qarashkan wuxuu ceymiska u isticmaalaa qarashka lagama maarmaanka ah ee daryeelka caafimaadka. sida booqashada dhaqtarka qoyska, dawooyinka qaarkoodiyo daryeelka lagama maarmaanka ee cisbitaalka ama dhaqtarka nafsiga.

Ma leedahay ceymiska dheerida ah? markaana bishii lacag siyaado ayaa bixineysaa. Ceymiska wuxuu markaa bixinayaa, waxyaalaha lama huraanka ka sokow, daryeel kale oo dheeri ah. Ceymiska dheerida adiga ayaa dooranaaya, tusaale ceymis dheeri ah oo dhaqtarka ilkaha. wixii aad bishii bixineyso, waxey ku xiran tahay ceymiskaaga noociisa.

Waxaad bixineysaa qarashka qofka u qaaska ah

Ceymiska asaasiga ah ayaa qarashka intiisa badan bixinaaya. Waxaadna sannad walba marka hore adigaa qeyb bixinaaya marka daryeelka gaarka aad u baahato. Taasi waxaa lagu magacaabaa 'qarashka aad iska bixineyso'.

Waa waajib inaad qarashka aad iskaaga u bixineysaa bixiso haddii aad qarash caafimaad gasho. Waxaa 2023 jra qeybta waajibka ee ceymiska caafimaadka waa € 385,-. Ilmaha ka yar 18 jir ma laha qarash u gaar ah.

La xariirkaaga

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
ee VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
ama hagaha bulshada urur kale ayaa kaa caawin kara sida aad u sameysaneyso ceymiska caafimaadka.

Qarashka qofka iska bixinaayo oo sareeya

Kabida daryeelka marka uu daqliga hooseeyo

Dadka da'dooda ka weyn tahay 18 jir oo leh daqli hooseeya, waxey mar mar xaq u leedahay kabida daryeelka. Kabida daryeelka waa lacag ay dowlada kuu soo celineyso ee qarashka kaaga baxa ceymiska caafimaadka. Haddii aad heleyso kabida daryeelka iyo int aad heleyso, waxey ku xiran tahay daqligaaga iyo qofka lamaanaha kugu ah kabida (kaasi badiyaa waa xaaskaaga). Inta uu daqligaaga sii hooseeyo wuu kordhayaa kabista aad heleyso.

Waxaa ay u badan tahay in

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Waaxda Dejinta Magangelyodoonka (COA)
ay kuu sii dalbeen kabista daryeelka ka hor intaadan degmada u guurin. Weli laguma siinin kabida? Qofka kuu qaabilsan ee Ururka qaxootiga caawiya (VWN) ama caawiyaha bulshada ayaa kaa caawini kara dalabkaasi.

Markaad qaadato ceymiska caafimaadka oo aad u ballaaran adigoo ceyrta qaadanaaya

Degmooyinka qaarkood dadka qaata gunnada 'bijstandsuitkering' waxey sameysan karaan ceymis caafimaadka oo ballaaran. Waxaad xaq u leedahay gunnada haddii aad daqli kugu filan ama lacag kayd ah lahayn oo aad noloshaada ku dabirto. Waxaa gunnada noocan lagu siinayaa marka aad gunno kale ama tas-hiil kale xaq u lahayn.

Ma qaadataa gunnada oo degmadaada ma sameysan kartaa ceymiska caafimaadka oo ballaaran? waxaad bixineysaa qarash ka yara sareeya bishii, markaa ma jiro qarash aad iskaaga iskaga bixineyso haddii aad daryeel caafimaad u baahato.

Qodobkan ma ku caawiyay?