Laga soo xigtay: Fauxels
Qodob

Markaad shaqo raadineyso haddii aad Yukrayn ka soo qaxday

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 11/19/2025, 2:46 GD

Ma rabtaa inaad shaqo u qoarato arji? Boggan ayaa ka aqrineysaa sida Nederlaan shaqo loo qorto.

Diyaarinta CV-ga

Haddii aad shaqo hesho, shaqaalaha wuxuu shaqo siiyaha badiyaa ku weydiinayaa inaad soo dirto CV. Waxaa CV ku qoran iyadoo gaaban kormar ah shaqooyinkaaga. Waxaad hoos ka aqrin kartaa waxa CV-ga la rabo inuu ka koobnaado:

CV-ga waa dokumenti ka kooban:

  • Warbixinta la xariirka; ugu yaraan magacaaga hore iyo kan dambe, e-mailkaaga iyo nambarkaaga telefoonka

  • Qibradaada shaqada, kii ugu dambeeyey ilaa kii ugu horeeyey

  • Qibradaada shaqada, kii ugu dambeeyey ilaa kii ugu horeeyey

  • Xirfado

  • Waxa aad xiiseyso

Waxaa websaaytka "Young Capital" waxaa ku jiro tusaale fiican oo warqada shaqada lagu raadsado ama cv.

Qoritaanka warqada guud

Waxaa cv ka sokow shaqo siiyaha badiyaa weydiiya warqad dhiirogelin. Waxaa warqada dhiirogelinta aad ku sharaxeysaa sababta aad adiga ugu habboon tahay shaqada iyo shaqo siiyaha inaad u shaqeyso u rabto.

Kuwa shaqo siiyaha waxey badiyaa rabaan warqad ku qoran Nederlaan ama Inglishka. haddii aadan ku fiicnayn labadan luqadood midkood, caawino weydiiso qof kuu dhow inuu kuu qoro ama kuu fiiriyo markaad qorto ka dib.

Sidan ayaa warqad guud oo fiican loo qoraa

  • Soo ogow shirkada nooca uu yahay. Haddii uu yahay dhaqanka shirkada mid rasmi ah ama mid aan rasi ahayn taasi ayaa ka go'aamineysaa qaabka warqadaada u noqon karo.

  • Sii hubi in luqadaada ay ku habboon tahay luqada laga isticmaalo shaqada aad qoraneyso. Isticmaal ereyo kuwaa la mid ah.

  • Sharaxaad ka bixi qaabka waxbarahadaada iyo qibradaada ay ugu habboon yihiin shaqada aad qoraneyso.

  • Warqadaada ka dhig mid shaqsi ah.

  • Iska hubi inuu warqadaada guud ahaado ugu badnaan hal bog A4.

Ma dalbatay shaqo? Caadiyan waxay qaadataa wax aan ka badnayn 2 toddobaad ka hor inta aad heleyso jawaabta. Had iyo jeer waxaad wici kartaa loo shaqeeyaha ama u diri kartaa iimayl ku saabsan codsigaaga haddii aadan wax maqlin muddo dheer.

Haddii shirkada u arkaan iney ku qaadan karaan, badiyaa dhowr qofood oo shaqada qortay ayey ugu yeeraan wareysi.

Waxaad waraaqo tusaale ah oo fiican ama warqado guud oo Nederlaan ku qoran oo dhiirogelinta ku saabsan ka heleysaa websaaytka 'Randstad'.

Haddii laguugu yeero wareysi shaqo

Haddii aad qoratay shaqo banaanaa iyo waxaa laguugu casumay inaad u imaado wareysi, shirkad walba siyaalo kala duwan ayey u wadaan qaabka codsiga shaqada uga howlgalaan. Badiyaa dhowr wareeg ayey ka kooban tahay:

  • wadahadalka 1aad

  • wadahadalka 2 aad

  • Wareysiga shaqo gelinta

Hoos ayaa ka aqrin kartaa inta wareeg ee uu ka kooban yahay:

Haddii aad hesho casumaad wareysiga shaqada, wareysiga 1aad ee shaqada waa mid hordhac aho aad isbaraneysaan loo shaqeeyaha iyo adiga aad ogaaneysiin inaad adiga jagada ku habboon tahay iyo inuu shirkada kugu habboon yahay.

Waa sidan qaabka aad isugu diyaarin karto wareysiga:

  • Ka hor intaadan aadin wareysiga, di u aqri jagada la raadinaayo.

  • Sii kordhi aqoonta aad ka heysato shirkada ama ururka.

  • Diyaarso su'aalo ku saabsan ururka ama jagada.

  • Diyaarso sida aad rabto inaad shaqsiyadaada u barto.

  • Xiro dhar ku matalaaya(tani ma ahan micnaheeda iney ahaato mid aad u rasmi ah, taasi wey kala duwanaan karaan waxey ku xiran tahay ururka).

  • Waqti fiican ku talo gal si haddii dib u dhac aa la kulanto weli aad waqtiga ku aadi karto.

Haddii adiga iyo shaqo siiyaha aad weli xiiseyneysiin markaa wareysiga 1aad ka dib, waxaa badiyaa ku xigi doona wareysiga 2aad.

wadahadalka 2 aad

Wareysiga 2 aad ee shaqada badiyaa wuxuu ku saabsan yahay warbixin dheeraad oo jagada aad soo qoratay ku saabsan. Tusaale, shaqo siiyaha wuxuu fiirinaayaa inaad leedahay qibrada la rabo ee shaqada. Waxaa kaloo muhiim ah inaad kooxda aad la shaqeyneyso ku habboon tahay. Sidaa awgeed, wareysiga waxaa badiyaa lala yeeshaa dhowr qofood.

Mar mar wuxuu shaqo siiyaha ku weydiinayaa inaad dhameystirto howl qabad. Taasi waxey kaa caawineysaa in la qiimeeyo haddii xirfadahaaga ku habboon yihiin shaqada.

Waxaa suura gal ah in sharuudaha shaqada iyo mushaharka in laga sii hadli doono wareysiga labaad dhexdiisa. Haddana, waxaa badiyaa la sameeyaa wareysi kale oo gaar ah.

Heshiis saxiixida shaqada cusub

Nederlaan heshiis ayaad saxiixeysaa haddii aad shaqeyneyso. Ka hor intaan heshiiska la sameynin, waxaad la hadleysaa shaqo siiyahaaga si aad ballamo u sameysataan oo arrimaha muhimka ah. Waxaad tusaale ballan ka sameyn kartaa:

  • Meeqa ayaad qaadaneysaa

  • Meeqa saac ayaad shaqeyneysaa

  • Maalmahee ayaad shaqeyneysaa

  • Maalmahee ayaad fasax leedahay

Haddii aad ku heshiisaan waxyaalaha muhiimka ah, waxaad saxiixeysaa heshiiska. Dhamaan sharuudaha shaqada waxaa lagu qorayaa heshiiska. Waxaad kaloo xaq u leedahay fasax adigoo lacag kuu socoto xaaladaha qaarkood, sida fasaxa ummusha, fasaxa waalidnimada iyo fasaxa daryeelka.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful