Naag ayaa heshiis aqrineysaa
Laga soo xigtay: Karolina Grabowska

Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/16/2024, 8:53 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) waa iney waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga. Haddii ay taasi dhicin, waxaad INDsi rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Taasi waxaa loo yaqaan "ka soo daahida".

U weydii IND si rasmi ah iney go'aan soo gaaraan

Ma

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
IND
ma ka soo daahday iney go'aan ka gaaraan codsigaaga? Markaa waxaad foomka ee linkiga hoose isticmaali kartaa iyo aad u direysaa cinwaanka soo socda:

Immigratie- en Naturalisatiedienst Postbus 14 9560 AA TER APEL

Ka dib markii ay kaa helaan qoraalka ah iney dib u dhaceen waxaa IND heysataa 2 wiig waqti ah oo ay uga go'aaminayaaan codsigaaga.

Codsigaa waa inuu kaamil ahaadaa

Codsigaaga kaamil ma aha? Markaa iND wey soo diideysaa codsigaaga. Markaa ka taxadar in codsigaaga uu kaamil yahay marka aad dib u dhicida ay sameeyeen IND aad gudbineyso.

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii weli IND aysan go'aan gaarin

Codsigaaga kaamil ma ahayn? Markaa IND waa codsigaaga wey soo diidi karaan. Markaa ka taxadir inuu codsigaaga uu kaamil yahay marka aad gudbineyso in IND ay waqtiga dib uga dheceen.

Dacwad laga qaadanaayo xagga xaakinka

Si aad dacwad u bilowdaa, waa inaad dacwad qoraal ah u gudbisaa maxkamada. Dacwada qoraalka waa dokumenti aad dacwad ku oogeyso dowlada ee sharciga maamulka dhexdiisa.

Badiyaa xaakinka wuu go'aamiyaa adigoon loo baahneyn inaad aado maxkamada

Xaakinka ayaa go'aaminaaya arrimahan iyadoo keliya dokumentiga la fiirinaayo. Maxkamada waxey weydiineysaa IND iney dhaman dokumentiga arrinta soo wada diraan oo ay sharaxaan sababta ay weli go'aan u soo gaarin. Markaa looma baahna inaad aado maxkamada.

Haddii loo baahan yahay inaad maxkamada aado, markaa warqad ayaa maxkamada ka heleysaa.

Taasi waxaa ay dheceysaa haddii uu xaakinka go'aamiyo inaad adiga saxan tahay

Haddii uu xaakinka go'aamiyo inaad adiga saxan tahay, waa in IND dhaqso go'aan ka gaaraan codsigaaga. Badiyaa wuxuu xaakinka siiyaa IND 2 wiig oo waqti ah. Haddii IND aysan mudadaasi dhexdeeda ku go'aamin waayaan, markaa xaakinka IND ganaax dheeraad saari karaa oo maain walba oo ay ka so daahaan sida uu mudadii xaakinka uu xadiday.

Haddii aan laga fariisan, wuxuu xaakinka muddo 8 wiig gudahooda ka dib go'aan gaari doonaa markii la helo qoraalka. Haddii laga fariisto, wuxuu xaakinka 6 wiig gudahooda ka dib fadhiga go'aan gaari doonaa. Haddii uu xaakinka waqti dheeraad ah u baahan yahay waa lagu ogeysiin doonaa. Go'aankana waxaa loo soo dirayaa cinwaankaaga.

Waxaad heli kartaa caawino xagga sharciga ah

Waxaad talo sharci weydiin kartaa garyaqaan ka hor intaadan go'aansan inaad IND ku qasabto iney go'aan gaaraan. Halkaasi waxaad ku kordhineysaa rajada ah iney natiijo wanaagsan kaaga soo baxdo. waxaad kaloo

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
su'aalahaaga la aadi kartaa VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
.

Qodobkan ma ku caawiyay?