Laga soo xigtay: Karolina Grabowska
Qodob

Tani ayaad sameyn kartaa haddii ay IND la soo daahdo go'aanka codsigaaga magangelyo

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/6/2026, 12:39 GD

Waa iney IND waqtiga ku go'aamiyaan codsigaaga magangelyo. Haddii ay taasi dhicin, waxaad IND si rasmi ah u weydiin kartaa iney muddo 2 wiig ah ku soo jawaabaan. Taasi waxaa loo yaqaan "in gebreke stellen" "dhaliilida".

Waxaa IND heysataa badiyaa 6 bilood waqti ah si ay uga go'aamiyaan codsigaaga magangelyo

Sharcigu wuxuu dhigayaa in

uu caadi ahaan haysto 6 bilood si uu go'aan uga gaaro codsigaaga magangalyada. Dadka qaar, muddo go'aan oo ka sii dheer ayaa khuseysa. Ma codsatay magangalyo inta u dhaxaysa 27 Sebtembar 2022 iyo 1 Janaayo 2024? Markaa IND waxay haysataa 15 bilood si ay go'aan u gaarto. Muddada go'aanka waxaa markaa loo kordhiyaa 9 bilood.

Ma codsatay magangalyo 1 Janaayo 2024 ama ka dib? Kadib IND waxay dib u habeyn doontaa muddada go'aanka ilaa 6 bilood. IND uma sameyso tan qof walba isku mar. Sidaa darteed, muddada go'aanka ee khuseysa way kala duwanaan kartaa qof kasta. Waxaad arki kartaa muddada go'aanka ee khuseysa codsigaaga IND-kayga.

Fadlan ogow: tani macnaheedu maaha inaad mar walba go'aan heli doonto 6 bilood gudahood. IND-du wali way ka daahi kartaa go'aanka. Codsiyo badan oo magangalyo ayaa wali sugaya go'aan. Sidaa darteed, waxay qaadan kartaa waqti dheer inta la gaaraayo waqtigaaga.

Weydii qareenkaaga inuu hubiyo muddada go'aanka ee adiga kugu habboon

Weydii qareenkaaga inuu kula hubiyo muddada go'aanka ee khuseeya codsigaaga magangalyada. Waxaad sidoo kale ka hubin kartaa Mijn IND. Waxay halkaas ku sheegaysaa goorta ay IND go'aan ka gaari doonto codsigaaga iyadoo loo eegayo waqtiga sharciga ah.

Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad sugto waqti dheer wareysiyadaada IND. Natiijo ahaan, waxay u ekaan kartaa sidii in nidaamkaaga magangalyada uusan weli bilaaban. Si kastaba ha ahaatee, muddada go'aan qaadashada ayaa laga yaabaa inay horey u socotay. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah inaadan kaliya eegin wareysiyadaada IND, laakiin sidoo kale waqtiga go'aanka ee khuseeya codsigaaga.

Si rasmi ah uga codso iney 2 wiig gudahooda ay go'aan ku soo gaaraan haddii ay ka soo daaheen

Ma la dhaafay mudadii go'aamintaada oo IND weli ma soo gaarn go'aan?
Markaa waxaad adiga iyo garyaqaankaaga u direysaan IND '

'.Waxaad weydiisaneysaa IND iney si rasmi ah 2 wiig gudaheeda u soo jawaabaan

Tani u samey sida soo socota

  1. Weydii lawyarkaaga inuu kaa taageero iyo foomka IND in la buuxiyo.


    Waxa IND ka hawlgeleysaa dhaliilida keliya haddii taasi boosto ama fax ahaan ay u helaan. U dir iyadoo daabacan oo foomka la buuxiyey:
    Immigratie- en Naturalisatiedienst
    Postbus 14
    9560 AA TER APEL
    ama fakis nambarka: 088 043 29 51

  2. Hubi inaad dhamaan meelaha buuxisay. Ma dhameystirna codsigaaga? Markaa IND codsigaaga wey soo diidi kartaa. Markaa u digtoonow inuu codsigaaga kaamil yahay marka aad IND dhaliilida u gudbineyso


Waxan ayaa dhacaya haddii IND 2 wiig gudahooda go'aan ku soo gaaraan

Haddii ay IND 'dhaliilida' ay uga soo jawaabaan 2 wiig gudahooda oo ay ka go'aamiyaan codsiga magangelyo, markaa dacwada magangelyo waa dhameystiran yahay. Waxaad heshay go'aan. Codsigaaga magangelyo waala ogolaaday ama waa la soo diiday. Ka aqri halkan waxa ku xiga: RefugeeHelp - Waxa IND gaartay go'aan. Ma heleysaa sharci deganaan oo magangelyo ama ma heleysid?

Haddii IND ay weli go'aan gaarin waxaad aadi kartaa xaakinka

Haddii IND dhaliilida ka dib aysan 2 wiig gudahooda go'aan ku gaarin? Markaa waxaad aadi kartaa xaakinka. Taasi waxaa loo yaqaan 'racfaan qaadasho'. Markaa caawino weydiiso oo arrintan ah lawyarkaaga. Sidan ayaad racfaan u qaadaneysaa

  1. Si aad dacwada u bilowdo, waxaad adiga iyo lawyerkaaga u qoreysaan qoraal rafcaan maxkamada. Qoraal rafcaan waa dokumenti aad dacwad ku bilaabeyso oo dowladda ka soo horjeeda

  2. Mararka qaarkood waa inaad adiga iyo lawyarkaaga aad imaadaan maxkamada, laakiin badiyaa ma dhacdo. Xaakinka ayaa badiyaa arrimahan oo kale ka go'aaminaaya asagoo fiirinaaya dokumentiyada. Maxkamada ayaa weydiineysa IND iney dhamaan dokumentiyada soo diraaniyo ay sharaxaan sababta aysan weli go'aan u gaarin. Markaa adiga looma baahna inaad imaado maxkamada, markaa warqad ayaa ka heleysaa oo arrintan maxkamada.

Xaakinka badiyaa 8 wiig ayuu heystaa marka uu qoraalka rafcaanka helo inuu go'aan ku soo gaaro. Haddii xaakinku waqti dheeraad u baahan yahay, xaakinka ayaa arrintan kaa wargelin doono. Go'aanka cinwaankaaga ayaa loo soo diraayaa.

Taasi waxaa ay dheceysaa haddii uu xaakinka go'aamiyo inaad adiga saxan tahay

Haddii xaakinka go'aamiyo inaad adiga xaqa leedahah, waa in IND ay go'aan deg deg ah codsigaaga ka gaartaa. Badiyaa wuxuu xaakinka IND siiyaa muddo dheeraad ah. Waa in IND msiin karaaudadaa gudaheeda go'aan ku gaartaa, xaakinka ganaax ayuu siin karaa. Markaasoo uu xaakinka rajeynaayo in IND ku qasbo iney dhaqso goáan uga gaaraan codsigaag magangelyo. Xadka ganaaxa wuu kala duwanaan karaa, badiyaa waa €100 maalintii, ugu badnaan 15.000.

Qadarka waa kala duwanaan karaa. Haddii aysan go'aan muhiim ahayn wuxuu xaakinka u arkaa €100 maalintii iney badan tahay, markaa ganaax waa €50 maalintii. Ugu badnaan waa €7,500. Laakiin xaakinka culeys dheeraad markuu rabo inuu saaro maadaama IND diideyso iney go'aan gaaraan, wuxuu noqon karaa xitaa ka badan 100 maalintii ilaa 250 yuro maalintii ugu badnaan waa 37.500.

Qarashka ganaaxa wuxuu kuu keeni karaa cawaaqib dhaqaale

  • ceyrta

    Haddii IND ay ku siiso lacagtaasi ganaaxa u bixiyeen, lacagta aad hesho waxaa loo arkaa lacagtaada. Haddii aad

    tani waxay saameyn kartaa qaddarka ceyrtaada. Ceyrtaada ayaa markaa la dhimi karaa. Waxay sidoo kale saameyn kartaa lacagta aad ku heli karto dhigashada gurigaaga. Ganaax aad hesho oo ka dhashay go'aan dib u dhac ah oo ay dawladdu soo saartay isla markiiba lagama dhimo ceyrtaada gargaarka bulshada. Ceyrtaadu waxay hoos u dhici doontaa oo keliya haddii ay taasi keento in hantidaada qof keli ah ay ka badan tahay 8000 oo Yuuro (tani waa lacagta la dabaqay tan iyo 1dii Janaayo 2026). Qoyska, labanlaab lacagta ayaa khuseysa: 16.000. In ceyrtaadu la dhimo iyo in kale waxay sidoo kale ku xiran tahay degmada aad ku nooshahay. Sida degmo kastaa ula macaamisho arrintan way kala duwan tahay.

  • waxaa laga yaabaa inaad wax ka bixneyso hoyga lagu dejiyey

    Waxaa laga yaabaa inaad (wali) ku nooshahay hoy ama xero haddii IND ay ku siisay magdhowda. Waxaa laga yaabaa inaad bilowdo inaad iska bixineyso hoyga ama xerada. Ama sababtaas awgeed, waxaa laga yaabaa inaad hesho gunno toddobaadle ah aadan helin ama in ka yar aad hesho. Inta aad bixinayso waxay ku xiran tahay tirada qoyskaaga iyo inta gunno toddobaadle ah ee aad hesho. Ma haysataa wax ka badan €8000 (haddii aad keli tahay) ama €16,000 (haddii aad qoys leedahay)? Markaa waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad wax ka bixineyso. Waa inaad tan u sheegtaa

    . Lacagtani waxay khuseysaa laga bilaabo 1 Janaayo 2026. Waa muhiim inaad la tashato COA. Haddii aad shaqeyso, helitaanka magdhowda ma laha wax cawaaqib ah, ilaa haddii aad qaadato kabista. Waxaad ka heli doontaa warqad COA ah oo ay ku qoran tahay lacagta aad bixinayso.



Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful