
Qarashka bixinta gaadiidka dadweynaha
La wadaag baraha bulshada:
Waa inaad mar walba kaar ansax ah aad tusin kartaa marka aad Nederlaan ku safreyso gaadiidka dadweynaha. Boggan ayaa ka aqrineysaa wixii dheeraad ah.
Waxaad ku safri kartaa OV-chipkaarka
Ku dhawaad meel walba oo Nederlaan ayaa ku safri kartaaOV-chipkaart. Tani waa kaar gaar ah oo aad lacag ku shubi kartaa. Lacagta aad kaarka ku shubto, waxaa la yiraahdaa baaqi.
Waxaa ku bixineysaa safarkaaga adigoo isa sii gelinaaya nooca gaadiidka dadweynaha aad isticmaalyso. Waxaad baaqiga aad ka buuxin kartaa makiinada automaatka shirkadaha gaadiidka. Meelaha qaarkood suuqa subermaaketka.
Waxaa jiro laba nooc oo kaarka OV-chipkaarka: mid shaqsi ah iyo mid qarsoodi. Hoos ayaa ka aqrineysaa waxa kaar walba uu micnahiisa yahay:
Kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart
Kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart warbixintan shqsiga ah ayaa ku qoran:
Magacaaga
Taariikhda dhalashada
Sawir shaqsi
Waxaa kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart ugu baahan tahay inaad baaskiilka-OV ku ijaarato. Inaad ruqsad joogto ama ka dhimis aad ku biiriso. Waa inaad kaarka OV-chip-ka aad ka gadataa xagga xisaabta bangigaaga shaqsiga ah.
Kaarka shaqsiga ee OV-chipkaart inaad gadato
Kaarka qarsoodiga ee OV-chip-ka
Kaarka OV-qarsoodiga ma ku qorna magac ama sawir. Waxaad gadaneysaa kaar OV-qarsoodi aa ka gadaneysaa meelaha laga gado sida xarumaha tareenka ama suuqa subermaarketka.
Faa'iidada kaarka OV-chipkaart-ka qarsoodiga waa iney dad kala duwan aya isticmaali kara OV-cipkaart-ka. laakiin isla marma wada isticmaali karaan. Ma ku safreysaan dad badan? markaa waa in qof walba goonidiisa u sameeyaa is gelinta oo kaar u gaar ah isticmaalaa.
Qaab kale oo wax loo bixin karo
Waxaad kaloo ku bixin kartaa:
Kaarka bangiga ama kaarka creditcard-ka
Meelo badan oo Nederlaan ah ayaa ku sii geli kartaa kaarka bangiga ama kaarka creditcard-ka. Ama taleefoonkaaga gacanta oo aad taabasho la'aan wax ku bixisid. Taasi waxaa loo yaqaanaa OV-Pay. Qarashka ayaa si toos looga goynayaa xisaabtaada bangiga.
Haddii aad ku safreyso OV-pay, markaa waxaa si caadi ah ugu safreysaa drajada 2aad. Ma aaday si walba 1aad fariisato? Markaa ganaax ayaa lagu siinayaa.
Kaarka warqada ah
Badiyaa kaar warqada ah ayaa gadan kartaa oo gaadiidka dadweynaha ah. Tareenka iyo metro-ga taasi mashiinka kaarka ee yaala xarumaha ayaa ka gadaneysaa. Baska iyo tram-ka gaadiidka gudahooda ayaa ka gadan kartaa.
Kaarka tareenka ee kelida ah waa inaad doorataa safar hal mar rabto ama mid soo noqosho leh (tegis iyo noqod) kaad rabto. Waxaad ku buuxineysaa xarunta aad uga degeyso. Markaa laguuma oggola xaruntaasi inaad ka sii gudubto. Kaarka kelida ah waxaad bixineysaa € hal,- oo dheeraad ah. Kaarkaasi hal mar ayaa maalintaasi dhexdeeda isticmaali kartaa. Waa inaad kaarka tareenka ee kelida ah aad sii marisaa sii gelitaanka iyo ka soo bixitaanka. Isla sida kaarka OV-chipkaart-ka oo kale.
Kaararka halka maalin
Tikidhada maalinlaha ah ee tareenka ee safarka aan xadidnayn 1 maalin
Waxaa NS ay leedahay kaar ad qarash go'an 1 beri si aan xad lahayn aad ugu safri karto Nederlaan dhexdiisa. Taasi waxaa la yiraahdaa 'NS Dagkaart' iyo 'Railrunner'.
Waxaa kaarka 'NS Dagkaart' loogu talo galay dadka ka weyn 1 jir oo wuxuu socdaa 1 beri oo aad si aan xad lahayn ugu safri karto ilaa 04.00 saac. Kaarka waxaa ku qoran '' 1 beri safar tareenka aan xad lahayn '1 dag trein vrij'. Taasi waa magaca rasmiga ah. Ma ku safreysaan dad badan? Markaa waa inuu qof walba kaar u gaar ah heystaa.
Waxaa 'Railrunner' waxaa si gaar ah loogu talagalay carruurta da'doodu u dhaxayso 4 ilaa 11 sano waxayna sidoo kale socotaa 1 maalin safarka tareenka aan xadidneyn. Ma la socotaa dhowr qof? Markaa qof walba waa inuu haystaa kaar u gaar ah.
Waxaa 'NS Dagkaart' iyo'Railrunner' keliya ay ku shaqeynayaa tareenka laakiin kuma shaqeeyaan baska, tram-ka ama metro-ga.
Diiwaangelinta sii raacitaanka iyo ka sii bixitaanka
Haddii aad ku safreyso tareenka, tram-ka ama metro-ga, waa inaad mar walba wax sameysaa ka hor intaadan gudaha gelin. Waa inaad iska diiwaangelisaa kaar sax ah mashiinka ku yaala meesha laga soo galo. Badiyaa taasi waxaad ku sameyneysaa tiirka ama albaabka. Waxaa maqleysaa cod yar marka aad is soo diiwaangeliso iyo ka dib waxaad fiirin kartaa qalabka si aad u aragto inuu ku guuleystay.
Marka uu safarkaaga dhamaado, waa inaad isla qaabkii aad aad diiwaangelisaa inaad ka sii baxday. Kaarka ayaa haddana mashiinka ku dhejineysaa ilaa aad cod yar maqasho iyo ka dib mashiinka ayaa ka aqrinrysaa inuu ku guuleystay.
Marka aad shirkad kale oo gaadiidka ku wareegeyso
Badiyaa waa inaad markaad safreyso ku bedelataa tareen, bas, tram, ama metro kale. Ma ku wareegeysaa shirkad gaadii kale? Markaa waa inaad marka hore aad ka sii bixisaa diiwaangelinta.
Markaa ka dib ha iloobin in inaad iska diiwaangeliso sii raacista shirkada kale ee aad rabto inaad isticmaasho. Ganaax ayaa lagu siin karaa haddii aadan iska sii diiwaangelin. Markaa kaar sax ah la'aan ayaad safreysaa taasina waa mamnuuc.