
Sidan ayaad ku codsan kartaa kabista kirada gurigaaga
La wadaag baraha bulshada:
Ma ijaaratay guri? Waxaa suura gal ah inaad kabis ijaar xaq u leedahay. Tani waa daqli dheeraad ah oo aad dowlada ka heli karto haddii aad daqli hooseeyo leedahay. Tusaale ahaan haddii aad qaadato ceyrta ama maalgelinta waxbarashada.
Waa inaad buuxisaa shuruudaha qaarkood si aad u hesho kabista
Gunnada ijaarka waa qarash ay dowlada bixiso oo lagaaga caawinaayo inaad ijaarka ku bixiso. Waa inaad sharuudahan ka soo baxdaa si aad xaq ugu yeelato gunnada ijaarka:
Daqligaaga ma aha inuu sareeyo
Lama oggola inaad wax siyaado ah shaqeyneyso. Keligaa maa degan tahay ama qof ayaa la degan tahay? Markaa qarashka wuu kala duwanaan karaa. Waxaa websaaytka Adeega Canshuuraha ka xisaabin kartaa haddii aad gunnada ijaarka xaq u leedahay.
Ma leedahay ilmo guriga kula degan oo daqli leh? Markaa waa inaad daqligooda qeyb ka mid ah ama kulli lagu xisaabiyaa codsiga gunnanada.
Ijaarkaaga ma aha inuu sareeyo
Horey waxaa jiray ijaarka ugu badnaan ee la oggol yahay si loo helo kabista ijaarka. Taasi waxaa loo yaqaan xadka ijaarka. Laga bilaabo 2026 xadkaasi wuu baaba'ay.
Xadka kabista ijaarka ee aad hesho waxay wali ku xiran tahay dakhligaaga, da'daada, iyo xaaladda qoyskaaga. Laga bilaabo 2026, qof kasta oo da'diisu tahay 21 sano ama ka weyn wuxuu heli karaa kabista ijaarka haddii uu buuxiyo shuruudaha. Xeerar gaar ah ayaa sii socon doona si loogu dabaqo dhalinyarada da'doodu u dhaxayso 18 ilaa 20.
Waa inaad guri madax banaan heysataa
Guriga madax banaan wuxuu leeyahay koleyba albaab hore oo u gaar ah oo la xiri karo, kushiin iyo musqul.
Laakiin dhamaan guryaha madax banaan kuma heleysid gunnada ijaarka. Sida doonta la deganaado ama guryaha fasaxa tusaale ahaan uma heleysid gunnada ijaarka. Guryaha aad adaxbanaaneyn qaar waad u heli kartaa gunnada ijaarka.
Hantidaada (lacagta keydka) waa ineysan sareynin
Lama oggola inaad heysato hanti badan, sida lacagta keydka.
Sidan ayaad kabista u weydiisan kartaa
Waxaad kabista ka weydiisaan
Isbedelada daqligaaga isla markii u gudbi
Haddii aad lacag dheeraad ama naaqus aad sahqeyneyso, waa inaad isla markii aad u gudbisaa Adeega Canshuurha. Haddii akle mar dambe ayaa lacag dibb u bixineysaa. Ama heleysaa wax ka yar oo gunno ah adigoo xaq u leh.
Adeegaha bulshada ayaa waliba halkan ku siin kara taageero.