Laba qof oo hadda is guursaday.
Laga soo xigtay: Pexels / Dimitri Kuliuk

Waxa loo baahan yahay inaad ogaato markaad rabto inaad Nederlaan ku guursato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 2:35 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma rabtaa inaad xariirkaaga rasmi ka dhigtaa sharci ahaan? Waad ku guursan kartaa Nederlaan. Waxaa kaloo jira qaabab kale aad xariirka rasmi uga dhigtaa. Wixii dheeraad ka aqri qodobkan.

Xariirkaaga qaabab kala duwan ayaad mid sharci ah uga dhigi kartaa

Waxaa jira Nederlaan 3 qaab oo xariirka mid rasmi ah looga dhigo, oo ah:

  • Guursashada

  • Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Lamaanaha diiwaangashan

  • Heshiiska wada noolaanshaha

Haddii aad guursaneyso ama lamaanaha diiwaangashan bilaabeyso, waxaad toos sharci ahaan jira xaquuq iyo waajibaad idinka dhaxeeya. Waxaad tusaale ahaan xaq u leedihiin dhaxalka midb midka kale iyo waajibka inaad is daryeeshaan. Ma rabtaa inaad adiga xadido waxa aad wadaageysaan iyo waxa aadan wadaageynin? Markaa guurkaaga ama lamaanaha diiwaangashan ballamo ayaad ka sameyn kartaa iyadoo nootaayo idiinka caawinaayo.

Heshiiska wada noolaanshaha ma ahan inaad toos xaquuq iyo waajibaad idiinka dhexeeyo. Tusaale ahaan xaq uma lehidiin dhaxalka midba midka kale. Xaquuqda iyo waajibaadka xariirkiina adinka ayaa ballamo ka sameysanaaya. Waxaad wadajir u sameyneysaan heshiis wada noolaansho. Laakiin badiyaa taasi nootaayo ayaa sameeya.

Waxaad warbxin sharciyada ee xariirkaaga oo la sharciyeeynaayo ka heleysaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Het Juridisch Loket
. Waxaad sii ogaataa in xaaladiina dhaqaalaha uu is bedeli karo marka xariirkiina uu rasmi ka dhigto xagga sharciga. Waxaa suura gal ah in kabista iyo ceyrta ay isbedesho ama xitaa joogsato. Waxaad
Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Belastingdienst
ayaad wici kartaa oo caawino iyo warbixin iney ku siiyaan.

Tani ayaad u baahan tahay si aad xariirkaaga mid sharci ah uga dhigto

Waxaad Nederlaan ka sameyn kartaa guurka shicibka ama lamaanaha diiwaangashan. Waxaad ka abaabuleysaa degmada. Waa inaad 2 dan arrin sameysaa:

  • Waa inaad ugu yaraan 2 wiig guurka ka hor ama lamaanaha diiwaangashan waxaad gudbin ka sameyneysaa degmada aad degan tahay. Badiyaa taasi waa mid online-ka ah. Waxaad baahneysaa shahaado dhalashadiina oo la sharciyeeyey. Haddii aad shahaadada dhalashada ku qornayn luqada Nederlaanka, Inlishka, Faransiiska ama Jarmalka, waa inuu

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    tarjumaatarjumaan la dhaariyey
    .

  • Waa inaad 2 ilaa 4 marqaati soo xaadirisaa. Kuwani badiyaa waa xubnaha reerkaaga ama asxaabta ee guurkiina ama lamaanaha diiwaangashan joogay. Marqaatida waa iney ugu yaraan 18 jir ahaadaan.

Degmaayin badan waxaa suura gal ahmaalmaha qaarkooda inaad laca la'aan guurka ama lamaanaha diiwaangashan ku sameyso. Taasi waxaad ka weydiin kartaa degmadaada.

Waad sameyn kartaa isku imaansho diini ah

Haddii aad rabto waad sameyn kartaa isku imaansho diini ah. Tusaale ahaan kaniisada ama masjidka. Tani waa isku imaansho dheeraad ah ee ma ahan bedelka diiwaangelinta guurka ama lamaanaha diiwaangashan ee degmada. Ma sameyneysaa keliya isku imaansho diini ah? Markaa xariirkaaga ma ahan mid rasmi ah sharci ahaan.

Kuwani waa sharuudaha guurka ama lamaanaha diiwaangashan

Haddii aad guursaneyso ama lamaane noqoneyso, waa inaad sharuudahan ka soo baxdaa:

  • Waa inaad ka weyn tahay 18 jir.

  • Adiga iyo/ama lamaanahaaga waxaad degan tihiin 6 bilood Nederlaan.

  • Lama oggola inaad qof kale sii qabto. Degmada waxey ku weydiin kartaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    cadeynta inaadan wax qabin
    oo cadeyn ah. Cadeynta inaadan qof qabin waa in la sharciyeeyaa. Haddii cadeynta inaadan wax qabin aysan ku qornayn afka Nederlaanka, Inglishka ama Jarmalka, waa in marka hore soo tarjumaa tarjumaan la dhaariyey.

  • Lama oggola inaad guursato qof aad isku reer tihiin sida walaaka ama walaasha.

  • Haddii uu qof kale lacagtaada iyo noloshaada ka go'aaminaayo maadaama aad tahay qof xilka laga qaaday, waa inaad qofkaasi fasax ku siiyaa. Ma lagaaga qaaday xilka sababo xagga maskaxda ah? Markaa waa inuu xaakinka uu fasax ku siiyaa inaad guursan karto ama lamaanaha diiwaangashan.

Kani waa sharuudaha heshiiska wada noolaanshaha

Waxaad Nederlaan ka sameyn kartaa heshiiska wada noolaanshaha. Heshiiskan waxaad wada sameyn kartiin adiga iyo lamaanhaaga. Ama waxaad dooran kartaa inaad taasi kuu sameeyo nootaaye. Taasi waxaa loo yaqaan heshiiska wada noolaanshaha ee nootaayaha.

Sharuudaha heshiiska wada noolaanshaha:

  • Waa inaad ka weyn tahay 18 jir.

  • Waa inaad iskaaga uga go'aamin kartaa lacagtaada iyo noloshaada.

Guur hore u jirey waad ka diiwaangelin kartaa Nederlaan

Ma ku guursatay wadanka aad ka soo jeedo? Markaa waa inaad guurka ka diiwaangelisaa Nederlaan

  1. Ha la soo tarjumo dokumentiga luqada Nederlaanka, Inglishka, Faransiiska ama Jarmalka. Keliya

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    tarjumaan la dhaariyey
    ayaa taasi sameyn kara

  2. Ha la soo sharciyeeyo dokumentiga wasaarada Arrimaha Dibada ee wadanka aad ka soo jeedo. Iyaga ayaa ku dhejinaaya shaabada tarjumaada. taasi waxaa loo yaqaanaa 'tasdiiqan'. Taasi waxaad ka sameyn kartaa wadanka aad ka soo jeedo., iyo online-kaba. Haddii aad online-ka ku sameyso, waxaa heleysaa ' shaabada elektiriga'

  3. U sheeg degmada aad Nederlaan ka degan tahay inaad xaas leedahay. Taasi waxaad u baahaneysaa dokumentiga guurka oo la tarjumay. Degmada ayaa ku qoreysa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Diiwaangelinta Asaasiga ee Shaqsiga (BRP)
    .

Qodobkan ma ku caawiyay?