Lamaanayaal ayaa adeegsanaaya caawinaada furiinka.
Laga soo xigtay: Pexels / Cottonbro Studio

La qabsashada bulshada markaad sharci deganaansho heysato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:43 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma kala tageysaan lamaanahaaga? Nederlaan furiin waad sameyn kartaa, laakiin taasi waxey ku xiran tahay xaaladaada shaqsiga. Furiinka tusaale ahaan saameyn ayuu ku yeelan karaa sharcigaaga deganaansho ee Nederlaan. Halkan ka aqri sida furiinka yahay.

Waxaad ku fekeri kartaa inaad sameysaan terabiga xariirka ka hor intaadan go'aamin furiinka

Ka hor intaadan go'aamin furiinka, waxaad wadajir adiga iyo lamaanahaaga aad la hadashaan qabiirka nafsiga oo dhibaatadiina. Qabiirka nafsiga ayaa kaa caawini kara si aad xal ugu heshaan dhibaatada xariirkiina. Taasi waxaa loo yaqaanaa tarabiga xariirka.

Nederlaan waxey dadka weydiiyaan qabiir nafsi si uu uga caawiya dhibaatada xariirka bedelkii asxaabta ama familka. Waxaa Nederlaan tarabiga xariirka ee qabiirka nafsiga ama hagaha waa caadi in xal loo helo dhibaatada guurka. Waxaad caawino ka weydiisan kartaa dhaqtarka qoyska si aad u hesho qabiirka nafsiga.

Is furitaanka Nederlaan waxaad mar walba u baahan tahay inuu garyaqaan kaa caawiyo

Adiga iskaaga iskama aadi kartid xaakinka si aad furiin u sameyso. Haddii aad furiin rabto Nederlaan waxaad u baahan tahay garyaqaan. Haddii aadan jinsiyada Nederlaanka heysanin, waxaad weydiisan kartaa garyaqaan ku taqsusay furiinka oo aqoon u leh sharciga ajaanibta.

Garyaqaan waa inuu furiinka ka weydiiyaa maxkamada. Haddii 1 lamaanaha uu furiika rabin, waxaa go'aaminaaya xaakinka arrrinta. Nederlaan furiinka mar walba waa arrin sharci ah. Garyaqaankaaga ayaa kaala hadli doono waxa la rabo inaad abaabusho iyo sida aad taasi u sameyneyso. Ma leedahay ilmo da'dooda ka yar 18 jir? Markaa waa inaad tusaale ahaan laga heshiiyaa daryeelkooda.

Dhexdhexaadiye wuxuu kaa caawini karaa haddii aad lamaanahaaga si dagaalsan tihiin

Ma dagaal xoogan ayaa idinka dhexeeya lamaanahaaga oo ma adag tahay inaad furiinka abaabushaan? Markaa dhexdhexaadiye ayaa sameyneysaa. Dhexdhexaadiye waa qof madax banaan iyo ka caawinaaya adiga iyo lamaanahaaga inaad ballamo fiican sameysataan oo furiinka ku saabsan.

Het Juridisch Loket ama VluchtelingenWerk Nederland (VWN) ayaa ku caawin kara

Waxaa jiro ururo kaa caawini kara furiinka. Adiga ayaa raadsan karo garyaqaan ama dhexdhexaadiye, laakii caawinona waxaad ka weydiisan kartaa

  • La xariirahaaga

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    VWN ayaa warbixin dheeraad kaa siin kara furiinka. Iyo kaala talin kara xaaladaada.

  • Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Het Juridisch Loket
    ayaa ku caawini kara. Websaaytkooda warbixin dheeraad ayaa ka heleysa xafiisyada kuu dhow. Haddii aad tarjumaan u baahan tahay wadahadalka. taana waad u sheegi kartaa.

Furiinka waxey kalifeysaa qarash

Waxey kalifeysaa qarasha furiinka. Waa inaad garyaqaan iyo laga yaabe dhexdhexaadiye lacag siisaa. Xadka qarashkani wuxuu ku xiran yahay daqligaaga iyo lacagta keydkaaga. Xaakinka ayaa baaraaya asagoo uu caawinaayo garyaqaankaaga haddii aad furiinka iska bixin karto ama haddii aad xaq u leedahay taageero dhaqaale oo furiinka ah.

Sidoo kale furiinka waad sameyn kartaa hadduu lamaanahaaga Nederlaan deganayn

Xitaa haddii furiinka waad sameyn kartaa hadduu lamaanahaaga Nederlaan deganayn. Waa muhiim in lamaanahaaga si fiican loo heli karaa wicitaanka fiidiyowga. Lamaanahaaga qasab ma ahan inuu Nederlaan imaado.

Furiinka laga yaabe iney saameyn ku yeelaneyso sharciga deganaanshaha

Haddii aad Nederlaan ku timid mideynta qoyska, furiinka dhibaato ayuu ku keeni karfaa sharcigaaga deganaanshaha. Waxa dhacaaya, waxey ku xiran tahay sharciga aad heysato.

1. Waxaad heysataa sharci deganaansho magangelyo oo ku xiran lamaanahaaga

Ma deganaa lamaanahaaga Nederlaan iyo ma ku timid mideynta qoyska Nederlaan? Markaa waxay u badan tahay inaad heysato sharci deganaansho magangelyo oo qof kale. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad iskaaga sharciga u helin, laakiin aad adeegsaneyso sharciga lamaanahaaga. Markaa waxaad magangelyo ku heysataa Nederlaan maadaama uu lamaanhaaga magangelyo ka heysto Nederlaan.

Haddii aad go'aansato furiinka, markaa

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Adeeg Socdaalka iyi Jinsiyada (IND)
sharcigaaga wey ceshan karaan. Waxaad sidaa darteeda aad IND u weydiisan kartaa sharci deganaansho magangelyo oo adiga kuu gaar ah. Laakiin qof walba oo Nederlaan ku imaad mideynta qoyska xaq uma laha sharci deganaansho u gaar ah. Kala hadal xaaladaada qofka la xariiriyaha VWN ama hagaha bulshada ee urur kale.

2. Waxaad heysataa sharciga deganaanshaha magangelyada kuu gaar ah

Sharciga deganaanshaha madaxbanaan waa sharci deganaansho aan qof kale ku xirnayn, sida lamaanahaaga ama qof reerkaaga ah. Ma heysataa sharci deganaansho kuu gaar ah? Markaa furiinka waad sameyn kartaa iyadoo aad dhib ku imaanin deganaanshahaaga Nederlaan.

Qodobkan ma ku caawiyay?