Cunto la kariska qoyska marti gelinta.
Laga soo xigtay: Takecarebnb / Lotte de Graaf

Marka aad cid la soo joogeyso adigoo guri sugaaya

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/2/2024, 8:17 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Ma haysataa sharci degenaansho magangalyo, laakiin weli guri laguu ma hayo? Markaa waxaad si ku meel gaar ah ula joogi kartaa qoyska martida loo yahay. Sidan uma baahnid inaad had iyo jeer sii xerada. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa sida tani u shaqeyso.

Haddii aad sharci magangelyo heysato iyo aad sugeyso guri kuu gaar ah, waxaad muddo la joog kartaa reer martigeliya. Tani wuxuu noqon karaa asxaabtaada, familkaaga, ama xitaa dad aadan aqoon u lahayn oo gurigooda u furaaya dadka sharciga deganaanshaha heysta.

Caadi ahaan joogista waa 3 bilood. Mudada joogista wey dheeraan kartaa haddii aad 3da bilood ka dib weli aadan guri helin iyo reerka martigelinta iyo adiga mudada joogista aad rabtiin inaad dheereysiin.

Joogista wax saameyn ah kuma yeelaneyso mudada aad guriga sugeyso

Waxaa jira waqtigan boos la'aan xeryaha

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Xerada Dhexe ee dejinta Magangelyodoonka(COA)
. Waxaa joogista loola jeedaa in dadka la dejiyo xeryaha si loo yareeyo. Isla markaana mudadaasi aad reerka ayaa la degan tahay xerada bedelkeeda.

Nidaamka joogista wax saameyn ah kuma laha mudada aad gurigaaga sugeyso. Degmada waa iney weli ku dadaashaa in sida ugu dhaqso badan guri laguu helo.

Sharuudaha ku xiran marka dad lala soo joogaayo

Waa inaad sharuudaha qaarkood ka soo baxdaa si aad u adeegsato nidaamka soo joogista:

  • Waxaad jirtaa 18 sano ama ka badan.

  • Waad heysataa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    nambarka adeegga muwaadinka (BSN)
    .

  • Waxaad iska diiwaangelin gelin kartaa degmada cinwaanka joogista ee aad soo joogeyso.

  • Waxaad wadahadal la yeelatay COA iyo waxaad sugeysaa guri degmada.

  • Uma baahnid daryeel caafimaad oo hufan.

  • Waxaad ka heshay degmada aad soo joogeyso dhaqtarka qoyska ama waad iska qori kartaa dhaqtarka qoyska ee cida ku martigelineysa.

  • Waad ku hadashaa Inglishka ama xoogaa Nederlaan ah.

  • Haddii ay ilmo kuu raacayaan la soo joogista, waa in waajibkooda waxbarasho qatar gelin. Reerka la soo joogista waa iney degan yihiin meel iskuulka u dhow.

Tani waa xaquuqdaada la soo joogista

Mudada la soo joogista xaqaaga tashiilaadka COA waad heysaneysaa. Keliya xaqa ah inaad xerada boos ku leedahay ayaa dhamaanaaya mudada aad la soo joogeysid. Taasi waxey micnaheeda waxa soo socda:

  • Waxaad heleysaa lacagta lagu noolaado-iyo lacagta cuntada ee COA.

  • Waaad heleysaa soo celin € 75,- dheeraad ah wiigii (haddii 21 jir aaka badan tahay). Reerka ka kooban dad badan waxey helayaan qofka 2aad ee la soo joogaaya € 25,-. Reerka intooda kale € 12,50 wiigii ilaa xadka oo ah € 125,- oo reerka oo dhan ah.

  • Qarashka celiska daryeelka caafimaadka ee COA wey kuu soconeysaa. Adiga waxaad ku jirtaa

    Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
    Nidaamka daryeelka Caafimaadka ee Magangelyodoonka (RMA)
    . Waxaad kaloo xaq u leeedahay in laguu soo celiyo qarashka safarka ee dhaqtarka qoyska ama cisbitaalka ku aadeyso. Taasi waxaad ka codsan kartaa COA.

Adiga iyo reerka aad la soo joogeysid waxaad saxiixeysiin heshiiska

Waxaad adiga iyo dadka aad la joogeyso, wada saxiixeysaan heshiis la joogis. Halkaasi waxaa heleysaa warqad ay faahfaahin ku qoran tahay ee saameynta dhaqaalaha ay ku yeelan karto dadka aad la soo joogeyso. La soo joogista waxey kaloo saameyn ku yeelan kartaa tusaale ahaan xadka ceyrta ama kabista ee reerka marti gelinta.

Ka dib marka la saxiixo heshiiska waa inaad 5 beri gudahooda iska qortaa degmada ee cinwaanka aad soo joogeyso. Ma heysataa qof la xariiriye ee

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
Ururka Qaxootiga Nederlaan (VWN)
? ama urur kale ee hagaha bulshada leh? Markaa iyagana u sheeg inaad cid la soo joogeysid.

Waad dheereyn kartiin la soo joogista

Ma heysataa 3 bilood weli inaad heysanin guri kuu gaar ah? Waxaad COA weydiineysaa haddii muddo dheer aad reerka la sii joogi karto.

Taasi ma dooneysiin? Markaa waxaad dib u heleysaa booskaaga xerada COA. Waxaa dhici karta iney meel kale noqoto oo ka duwan meeshii aad hore ku jirtey.

Ma heshay mudada la soo joogista guri ay degmadaada kuu bandhigtay? Markaa wey joogsaneysaa nidaamka la soo joogista.

Qodobkan ma ku caawiyay?