• Bilowga
  • Shaqo
  • Sidan ayaa qarashka howl gabka u aruursaneysaa Nederlaan marka aad sharci deganaansho magangelyo heysato
Nin waayeel ah ayaa kursiga fadhiya oo jariidad aqrinaaya.
Laga soo xigtay: Hasan Albari / Pexels

Sidan ayaa qarashka howl gabka u aruursaneysaa Nederlaan marka aad sharci deganaansho magangelyo heysato

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 5/1/2024, 9:11 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Haddii aad shaqeyso Nederlaan waxaad keydsan kartaa oo ah benshankaaga. Taasi waa lacag aad heleysid da'gaar ah markaad shaqada ka fariisato. Ka aqri halkan sida benshanka Nederlaan yahay.

Haddii aad Nederlaan ka shaqeyso 2 qaab ayaa qarashka hawl gabka u aruursan karta

haddii aad Nederlaan ka shaqeyso 2 qaab ayaa qarashka hawl gabka u aruursan karta:

  • Waxaad ka aruursaneysaa Sharciga Guud ee duqowda (AOW). Tani waa mid toos ah oo laga qaadaayo canshuurta mushaharkaaga.

  • Badiyaa qarash dheeraad oo hawl gabka ayaa ka dhiganeysaa xagga shaqo siiyahaaga

Ma ka soo qaxday Yukrayn oo maka weyn tahay da'da 67? Markaa waxaad joogtaa da'dii caadi ahaan aad qarashka hawl gabkaqaadan lahayd. Laakiin maadaama aadan Nederlaan ka soo shaqeynin, ma lihid qarashka hawlgabka. Waxaa ku siinaysaa dowlada Nederlaan lacaga aad ku noolaato.

Qaabka ayaa qarashka hawlgabka asaasiga (AOW) u keydsaneysaa

Haddii aad ka soo qxday Yukrayn iyo aad Nederlaan ka shaqeyso, waxaa toos u keydsaneysaa AOW sannad walba oo aad shaqeysey. maarkuu sannadaha sii badnaadaba aad shaqeyso, waxaad keydsaneysaa AOW sii badan.

Ugu dambeyn xadka uu yahay AOW waxey ku xiran tahay:

  • Inta sanadood aad keydsatay AOW;

  • Qaabka aad u (degan tahay) waqtiga aad xaq u leedahay AOW. Keli miyaa tahay, markaa AOW badan ayaad heleysaa. Mala degan tahay qof ama ma is qabtaan qof, markaa AOW ka yar ayaa heleysaa.

Tani waa qaabka aad qarashka hawl gabka oo dheeraad aad u keydsan karto

Badiyaa waxaa qarashka hawlgabka dheeraadka ka keydsaney xagga mushaharka markaad meelka shaqeyso. Xitaa haddii aad u shaqeyso xafiisyada shaqada dadka u dira. Shaqo siiyaha qasab kuma aha iney qarash hawl gab kuu kediyaan. Laakiin badankooda taasi wey sameeyaan

Adiga iyo shaqo siiyahaaga ayaa keydinaaya xagga shirkadaha hawl gab u keydiya ama ceymiska. Iyagaa maamulaaya iyo bixinaaya qarashka markaad shaqada joojiso. Badiyaa shaqo siiyahaaga sedexdii qeyb laba qeyb adigana qeyb. Qeybtaada waxaa laga goynaayaa mushaharkaaga. Adiga taasi waxba lagaama rabo inaad ka qabato.

Waxaa heshiiskaaga shaqada ama CAO ku qoran sida taada uu yahay. Taasi mar walba waad weydiin kartaa marka laga hadlaayo heshiiskaaga shaqada.

Qodobkan ma ku caawiyay?