Shaqo
Markaad sharciga deganaanshaha ee magangelyo heysato waxaa laguu oggol yahay inaad ka shaqeysato Nederlaan. Boggan waxaad ka heleysaa qaabka shaqada loo helo iyo dhaqanka shaqada ee Nederlaan ka jira.
Qorshayaasha tillaabo-tallaabo (3)
Shaqada Nederlaan laga shaqeeyo markaad sharci deganaansho magangelyo heysato
Shaqo adiga iskaaga u furato adigoo heysta sharci deganaansho magangelyo
Sharuudaha aad ku shaqeyn karto adigoo heysta sharci deganaansho magangelyo
Warbixin

Maxay yihiin xuquuqdaada haddii shaqada lagaa saaro ama aan heshiiskaaga la cusboonaysiin?
Haddii shaqada lagaa eryo ama heshiiskaaga ku meel gaarka ahi uu dhaco iyada oo aan la cusboonaysiin, waxaad Nederland ku leedahay xuquuq gaar ah. Maqaalkani waxa uu sharxayaa waxa aad xaq u leedahay iyo waxa aad samayn karto.

Sidee ku heli kartaa boosaska banaan ama shaqada?
Waqtiyadan shirkadaha iyo shaqo bixiyaasha waxey ku soo bandhigaan boosas gaar ahaan onlaynka. Marka aad shaqo raadineyso Nederlaan, boosas banaan waxaad ka heli kartaa websaaytyo badan. Hoos ayaa ka aqrineysaa meelaha ugu fiican ee aad ka bilaabi karto shaqo raadinta.

Waxaa jira noocyo kala duwan oo heshiisyo shaqo ah Nederlaan
Heshiis ama qandaraas waa heshiis rasmi ah oo u dhexeeya laba qof ama in ka badan oo qof ama urur. Heshiisku waxa uu dhigayaa waxa ay tahay in ay dadka ama ururadu sameeyaan iyo waxa qof kastaa xuquuqdiisa leeyahay. Tusaale ahaan: qof ayaa qabanaya shaqo ama sahay alaab, kan kalena shaqada loo qabtay ayuu lacag ka bixinaa. Maqaalkani waxa uu sharxayaa waxa uu yahay heshiiska shaqo ama heshiiska shaqaale iyo noocyada kala duwan ee jira

Maxaa ku qoran warqada mushaharkaaga?
Haddii aad shaqo heysato bil walba mushahar ka heleyso waxaa ku shaqeysaa shaqo mushahar. Bil walba shaqo siiyaha wuxuu soo diraayaa warqada mushaharka. tani waa muuqaal sida uu mushaharkaaga u dhisan yahay. Warqadan mushaharka kuma qorna keliya inta lacag aad qaadato, waxaa kaloo ku qoran inta canshuur aad bixiso iyo waxaa ku bixiso. Qodobkan waxaad ka aqrineysaa waxa kale ee warqada mushaharka ku qoran iyo maxey muhiim u yihiin.

Maxaa lagaa rabaa inaad sameyneyso hadda xanuunsato oo aad muddo dheer shaqeyn karin?
Haddii aad xanuunsan tahay, waxaad u sheegtaa loo-shaqeeyahaaga. Nederland, waxaa jira sharciyo ku saabsan jirro muddo dheer ah iyo shaqada. Waxaad leedahay xuquuq, laakiin sidoo kale waajibaad. Maqaalkani wuxuu sharxayaa waxa la sameeyo haddii aad xanuunsato muddo dheer.

Tani waa inaad maaliyada ahaan hagaajisaa haddii aad wax dheeraad ama wax ka yar aad shaqeyneyso
Ma shaqayn doontaa wax badan ama yar? Ama ma joojineysaa shaqada lacagta ku qaadato? Markaa waxaa muhiim ah inaad arrimahan muhiimka aad hagaajisaa haddii uu xaalada shaqadaada isbedelo.

Waxaad shaqo ka raadsan kartaa xafiiska shaqada
Haddii laguu ogolaado inaad Nederland ka shaqeyso, waxaad si toos ah uga codsan kartaa loo shaqeeyaha ama waxaad shaqo ka raadsan kartaa xafiiska shaqada. Wakaalada shaqada ee ku meel gaadhka ah ayaa kaa caawinaysa inaad hesho shaqo ku haboon. Maqaalkan waxaad ka akhrisan kartaa wax badan oo ku saabsan raadinta shaqo ee xafiiska shaqada.

Samee shaqo tabaruc ah adoo leh ogolaanshaha joogitaanka magangalyada
Ma haysataa ogolaanshaha joogitaanka magangalyada oo ma doonaysaa inaad shaqo tabaruc ah ka qabato Nederland? Waa kartaa. Waxaad wax badan oo ku saabsan ka akhrin kartaa boggan.

Goorma ayaa loo ogol yahay loo-shaqeeyahaaga inuu ku eryo, goormase looma oggola inuu sidaas sameeyo?
Nederland, loo-shaqeeyaha looma oggola inuu si fudud kuu eryo. Waxaa jira xeerar arrintan khuseeya. Loo-shaqeeyahaagu waa inuu had iyo jeer haystaa sabab sax ah oo uu raaco tallaabooyinka saxda ah. Maqaalkani wuxuu sharxayaa marka la oggol yahay in shaqada laga eryo iyo waxa xuquuqdaadu tahay.

Xaquuqdaada marka aad shaqo heysato oo aad xanuunsato
Ma heysataa shaqo oo ma xanuunsatay? markaa waajibaad iyo xaquuq kala duwan ayaad leedahay. Mar mar muddo dheer ma shaqeyn kartid, tusaale shil darteeda ama xanuunka burn-out. Markaa qorshe ayaad la sameyneysaa dhaqtarka shirkada.
Wax talo ah ma siineysaa websaaytka?
Nala soo socodsii haddii wax tabeyso ama aadan heli karin. Fikradaada wey caawineysaa RefugeeHelp boggan si loo hormariyo. La soco: foomkan waxaa loogu talo galay fikradaha websaaytka. Looguma talo gelin su'aalaha shaqsiga iyo codsiyada. Wax jawaab ah kama heli doontid fikrada aad noo soo jeediso. Fadlan ogow: foomkan maahan su'aalo shakhsi ah. Ma heli doontid jawaab.