Dadka-Lhbti waxaa xerada waxaad kala kulmi kartaa cunsurinimada, cagajuglaynta ama dagaalka. Ururada al Roze ee Blauw way ku caawini karaa.
Laga soo xigtay: Veiligheid voor lbhtqia+-personen
Qodob

Waxan ayaad sameyn kartaa haddii aadan amaan ku dareemeynin xerada magangelyada

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 7/25/2025, 12:50 GD

Mudada aad joogto xerada, waxaad la kulmi kartaa cunsuriyeyn, cagajugleyn ama rabshado. Tusaale magangelyodoonka kale ee xerada kula degan. Taasi lama oggola sida uu sharciga Nederlaanka qabo. Dhaqankaasi waa mid ciqaab mudan. Waxaad dacwad u gudbin kartaa boliiska. Waxaana jira ururo ku caawini kara.

Waxaad halkan u aadi kartaa taageero

Ma dareemeysid amaan xerada aad degan tahay? Dadka kula degan miyaa ku caayaan, handadaan, cagajugleeyaan ama weeraraan? Markaa aad qofka kuu qaabilsan

Centraal Orgaan opvang Asielzoekers(COA)
ama
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
markaa u sheeg inaad amaan daro dareemeysid ama cabsaneysid iney wax kugu dhacaan. Kala hadal waxa ay kuu sameyn karaan.

Waxaad dhacdooyinka culus kala hadli kartaa qareenkaaga. Gaar ahaan hadii aadan amaan dareemeynin. Markaa laga yaabaa inuu kaa caawin karo codsiga bedelaada.

Waxaa kaloo aad dacwad ka gudbin kartaa boliiska. Taasi ka samey onlaynka xagga shabakada boliiska ama taleefoonka 0900 - 8844. Haddii aad dacwad ka gudbiso, weydii boliiska iney dembiilaha ciqaabaan. Taasi waxa keliya ay noqoneysaa tuugonimo, khiyaano interneetka, jir dil, handadaad ama kufsi. Xaaladaha qaarkood waxaad waad u gudbin kartaa boliiska dacwad: tusaale ahaan haddii aad ka baqeyso in mustaqbalka wax kugu dhacaan. Boliiska ayaa xaalada la socon kara. Kala tasho COA ama Ururka qaxootiga VluchtelingenWerk haddii aad rabto inaad dacwad u gudbiso boliiska. Weydii qof ka mid ah VluchtelingenWerk ama haddii ay ku caawin karaan haddii aadan rabin inaad keligaa boliiska aado.

Asylum Support LGBT ayaa ku taageeri karta haddii aad tahay LGBTI+

COA ama VWN miyay kuu caawin karin si fiican? Markaa waxa jira ururo LGBTI ah oo aad tagi karto oo ku caawin kara. Waxaad aadi kartaa LGBT Asylum Support

haddii aad u baahan tahay gargaar degdeg ah sababtoo ah waa lagu takooray. Ama sababtoo ah waxaad dooneysaa inaad u sheegto booliiska. Way ku taageeri karaan oo waxay kula yeelan karaan wadahadal COA ama ururo kale.

Waxaad lhbti ahaan waxaad la xariiri kartaa Roze in Blauw

Roze in Blauw

waa koox gaar ah oo boliiska dhexdiisa ee dadka lhbtqia+. Miyaa la kulmeysaa cunsurinimo ama dhibatooyin kale, sida kufsi ama hadadaad? Markaa iyaga ayaad la xariiri kartaa. Boliiska Roze in Blauw wey ku dhageysanayaan, dhexdhexaadinayaan iyo taageerayaan marka aad dacwad ama ogeysiin sameyneysid. Ka wac (088) 169 12 34 ama u dir e-mailka: rozeinblauw@politie.nl.

Had iyo jeer la xiriir 112 haddii aad khatar ku jirto

Had iyo jeer wac 112 haddii aad qatar ku jirto. 112 nambarka deg dega ee Nederlaan. Waxaad isla markii la hadleysaa qof jooga xarunta degdega. Waxaa lagu weydiin doonaa meesha aad joogto iyo inaad rabto la hadasho ambalaanska, deb demiska ama boliiska. Badiyaa dhowr suáalo ayaa ka jawaabeysaa. taasi waxaa loogu baahan yahay si aad caawinaada saxda ah


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful