Laga soo xigtay: Bilanol
Qodob

Tani waa waajib inaad sameysaa haddii aad shil baabuur gashay

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 8/19/2025, 7:18 GH

Shil ma gashay baaskiilka ama baabuurka ah? Markaa haddii xaalado qatar jirto u wac 112. Xitaa haddii aysan mid nafta halis gelisa ahayn, waxaad raadsataa caawino. Qodobkan ayaa ka aqrineysaa waxa aad sameyneyso haddii aad gasho shil baabuur.

Waxaa jira nidaamyo ku saabsan shilalka gaadiidka ee ay waajib tahay inaad boliiska u wacdo

Wac 112 haddii ay jirto xaalad deg deg ah ama xaalad nolosha qatar gelineysa. Haddii xaalada sidaa ahayn, markaa ka wac boliiska 0900-8844. Waxaad boliiska waceysaa haddii

  • Qof ayaa dhaawacmay

  • Mid ka mid ah baabuurta shilka gashay ayaa soo gaaray qasaare xooggan

  • Baabuur shisheeye uu ku jiro shilka

  • Qof ka mid ah kuwa shilka galay ayaa shilka ka dib iska tagay

  • Haddii uu jiro khilaaf asaasi oo dhinaca kale

  • Haddii uu jiro shaki inuu jiro fal dembiyeed (tusaale baabuur wadista qof maandoorsan)

Waxaa jiro sharciyo gaar ah ku saabsan dadk lugeynaaya, baaskiilada iyo baabuurta

Dadka lugeynaaya iyo baaskiileyda wey u nugul yihiin taraafikada. Sidaa awgeed si dheeraad ayaa loo badbaadiyaa sida uu qabo sharciga Nederlaanka iyo nidaamka wadooyinka. Haddii baabuur uu ku dhifto qof lugeynaayo ama baaskiil wada, badiyaa waa inuu darawalka qasaaraha bixiyaa, keliya hadii darawalka uusan qaladka u lahayn ayaa garsooraha wax kale go'aamin karaa

Baaskiileyda ama dadka lugeynaaya ee 14 jir ama ka weyn waxaa mar walba ay helayaan 50% oo khasaaraha loo celiyo, ilaa uu garsooraha u arko inaan darawalka khaladkiisa ahayn. Ilmaha ka yar 14 jir waxey helayaan 100% oo magdhow

Tallaabooyinkan ayaa qaadeysaa haddii uu shil baabuur dhaco

1. Ma jiraan dhaawacyo? Wac 112. Haddii taasi aysan jirin, markaa ka wac boliiska 0900-8844.

2. U fidi garaarka deg dega haddii ay suura galeyso. Ha dhaqaajinin qof dhaawacan haddii aan loo baahnayn.

2. Hubi in dhamaan baabuurta ay khusayso meel amaan ah joogaan. Haddii markaa baabuurkaaga aad dhaqaajisaa ay tahay, marka hore ka samey sawiro xaalada ah.

3. Isticmaal seddex xagal digniinta ah si aad ugu digto gaadiidka kale.

4. Buuxi foomka khasaaraha si wadajir ah qofka kale ee kugula jira shilka. Ha ka tegin meesha shilka ka dhacay adigoon heysanin dhamaan warbixinta kuwa kale ee kugula jira shilkan kala qaadanin. Waxaad tahay dembiile haddii aad taasi sameyn weydo. Wey fiican tahay inaad mar walba foomka oo daabacan ay baabuurka kuugu jiro. Waxaad khasaaraha ugu gudbin kartaa dijital ahaan.waa boggan websaaytka.

5. U wac xarunta gargaarka deg dega ee shirkadaada ceymiska. Iyaga ayaa kaa caawin kara adeega jiidista si ay baabuurkaaga u qaadaan haddii aadan sii wadi karin. Kharashka waxaa laga qaadayaa ceymiskaaga. Waxaad la xariiri kartaa Bergnet su'aalaha qaadista baabuurka adigoo ka waca 088-8881100

6. U gudbi dhaawaca ceymiskaaga. Taasi u samey si dhijital ah ama qoraal muddo 24 saac gudahooda shilka ka dib.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful