Laga soo xigtay: Sasirin Pamai / Shutterstock
Qodob

Tani waa waajib inaad ogaataa safarka dalka aad asalkaaga ka timid iyo xaquuqda deganaanshaha ee Nederlaan

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 3/19/2025, 10:10 GH

U safrida wadanka aad ka soo jeedo waxey qatar u tahay sharcigaaga deganaansho ee Nederlaan. Mar mar ayaa xaqa deganaanshaha ee Nederlaan la joojin karaa haddii aad dib u safarto. Halkan hoose ka aqri marka aad aadi karto ama aadan aadi karin wadanka aad ka soo jeedo

Haddii aad haysato sharci degenaansho magangalyo muddo ah oo adiga kuu gaar ah, laguuma ogola inaad dib ugu safarto wadanka aad ka soo jeedo

Haddii aad muddo yar ugu noqoto wadaka aad ka soo jeedo adigoo heysta sharci deganaansho muddo ah, markaa waxaad ku jirtaa qatar ah in sharciga lagaa qaado. Taasi waxey dhici kartaa haddii aad heysato sharci deganaansho magangelyo, markaa ma aha maadaama aad tahay qof ka mid ah reerka qof sharci heysta.

Haddii aad safar gaaban ku noqoto, waxey IND ku weydiineysaa sababta

Haddii aad si ikhtiyaari ugu noqoto wadanka aad ka soo jeedo, waxaa

ka dib ku weydiineysaa sabata aad tan u sameysey. Wadahadal ayaa IND kgu weydiineysaa safarkaaga meeshaad u soscotay, sababta aad u aaday (aasitaan ama fasax), muddo meeqa ah ayaad soo joogtay. Wadahadalkan waa inaad ku cadeysaa sababta aad weli sharci Nederlaan aad xaq ugu leedahay

Haddii aad ka maqan tahay 6 bilood ka badan, waxey IND u qaadaneysaa inaad Nederlaan deganayn

Haddii aad wadanka aad ka soo jeedo u safarto iyo aad joogto 6 bilood ka badan, waxaa IND u maleyneysaa inaad dib u guurtay. Markaa xaquuqdaada deganaanshaha Nederlaan waa la joojin karaa. Waxaa 6 bilood ka dib waa ay dhici kartaa in

ee deganaanshahaaga inay baaba'day

Haddii sharcigaaga lagaa noqsado, waxaa kaloo la noqsanaayaa sharciyada deganaanshaha ee xubnaha reerkaaga, haddii uu sharcigooda ku xiran yahay kaaga.

Sharci deganaansho oo ka duwan mar mar waad ku aadi kartaa wadankaaga aad ka soo jeedo

Haddii aad ka soo baxdo sharuudahan waa laguu oggolyanay inaad u safarto wadanka aad ka soo jeedo

1. Haddii aad sharci deganaansho oo aan waqti ku xirnayn hysato

Haddii aad haysato sharci degenaansho oo joogto ah oo Nederland ah, waxaa laguu ogol yahay inaad si ku meel gaar ah ugu safarto waddanka aad ka timid. Ruqsaddaada lama laali doono. Si kastaba ha ahaatee, ma haysatid baasaboor Nederland ah, mana ku safri kartid baasaboor qaxooti. Baasaboorka qaxootigu wuxuu ansax yahay dhammaan waddamada marka laga reebo waddanka aad u dhalatay. Sidaa darteed, waa inaad la safartaa dukumentiga aqoonsiga ee waddanka aad ka timid.

Ogsoonow: Haddii aad ceyr ka qaadato Nederlaan, waa inaad fasax ka qaadataa degmadaoo safarkaaga ah

Haddii aad qaadato ceyr, waa inaad safarkaaga u sheegtaa degmada. Degmada waa iney fasax kuu siisaa safarkaaga. Markaa waxa ugu badnaan dibada u maqnaan kartaa 28 beri (weegendigana ku jiro). Haddii aad soo daahdo, degmada waa iney joojisaa ceyrtaada. Haddii aad xanuun darteeda waqti ka dheer u joogeyso dibada, markaa waqti hore u sheeg degmada. Waa inaad sidoo kale u sheegtaa iskuulka ama shaqada. Waa inaad heysataa doumenti safarka oo sax ah

2. Haddii aad Nederlaan noqotay iyo aad heysato baasboor Nederlaan ah

Ka dib 5 sano markaad deganaansho ku leedahay Nederlaan, waxa qaadaney 'jinsiyada'. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad heleyso baabsaboo Nederlaan ah. Baasaboorka Nederlaanka meel walba waa ku aadi kartaa. Markaa xitaa wadanka aad ka titmid waad u safri kartaa si aad familka u soo booqato

3. Haddii aad sharci deganaansho heysato oo mideynt qoyska ah

Haddii aad Nederlaan ku timid mideynta qoyska, waxaad heysataa sharci deganaansho ku salaysan sharciga qof qoyska ka mid ah. Taasi waxaa la dhahaa sharci ka socda mid kale

Markaad heysato sharci mid kale ku xiran iyo dokumentiga safarka guud ahaan wadanka aad ka soo jeedo waa aadi kartaa, maadaama aan sharcigaaga ku helin sababo magangelyo ee ku qaadatay qofka qoyskaaga xariirkiina ee jooga Nederlaan. Sharcigaasi waa lagaala noqon karaa haddii

u aragto in xariirka adiga iyo qofkaasi uu dhamaaday, tusaale ahaan u guurid wadanka laga soo jeedo. Sidoo kale IND wey kugu qabsan doontaa adiga marka aad gadaal sharci magangelyo adiga kuu gaar ah u dalbaneyso.

Haddii aad sharci deganaansho magangelyo Nederlaan heysato, waxaad dalban kartaa baasaboorka qaxootiga. Waxaad baasaboorka qaxootiga ku safri kartaa dhamaan wadamada, laakiin kuma aadi kartid wadanka aad ka soo jeedo. Tani waa dalban kartaa xitaa haddii aad baasaboor wadankaaga ah weli heysato. Baasaboorka qaxootiga waxaad ka dalban kartaa degmada aad degan tahay

Haddii aad heysato sharci deganaansho oo magangelyo aan waqti ku xirnayn, wuxuu baasaboorka qaxootiga soconayaa 5 sano. Haddii sharcigaaga yahay magangelyo waqti ku xiran, wuxuu baasaboorka qaxootiga soconayaa ilaa taariiqda dhamaadka sharcigaaga deganaanshaha

Ma jiro nidaamka aad oo soo arag 'go and see' ee Suuriyaanka dib u noqdaan. Suuriyaanka iskooda u noqonaaya si muddo ah waxey halis uga jiraan in la joojiyo sharcigooda


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful