
Tani waa waajib inaad ogaataa safarka dalka aad asalkaaga ka timid iyo xaquuqda deganaanshaha ee Nederlaan
U safrida wadanka aad ka soo jeedo waxey qatar u tahay sharcigaaga deganaansho ee Nederlaan. Mar mar ayaa xaqa deganaanshaha ee Nederlaan la joojin karaa haddii aad dib u safarto. Halkan hoose ka aqri marka aad aadi karto ama aadan aadi karin wadanka aad ka soo jeedo
Haddii aad haysato sharci degenaansho magangalyo muddo ah oo adiga kuu gaar ah, laguuma ogola inaad dib ugu safarto wadanka aad ka soo jeedo
Haddii aad muddo yar ugu noqoto wadaka aad ka soo jeedo adigoo heysta sharci deganaansho muddo ah, markaa waxaad ku jirtaa qatar ah in sharciga lagaa qaado. Taasi waxey dhici kartaa haddii aad heysato sharci deganaansho magangelyo, markaa ma aha maadaama aad tahay qof ka mid ah reerka qof sharci heysta.
Haddii aad safar gaaban ku noqoto, waxey IND ku weydiineysaa sababta
Haddii aad si ikhtiyaari ugu noqoto wadanka aad ka soo jeedo, waxaa
Haddii aad ka maqan tahay 6 bilood ka badan, waxey IND u qaadaneysaa inaad Nederlaan deganayn
Haddii aad wadanka aad ka soo jeedo u safarto iyo aad joogto 6 bilood ka badan, waxaa IND u maleyneysaa inaad dib u guurtay. Markaa xaquuqdaada deganaanshaha Nederlaan waa la joojin karaa. Waxaa 6 bilood ka dib waa ay dhici kartaa in
Haddii sharcigaaga lagaa noqsado, waxaa kaloo la noqsanaayaa sharciyada deganaanshaha ee xubnaha reerkaaga, haddii uu sharcigooda ku xiran yahay kaaga.
Sharci deganaansho oo ka duwan mar mar waad ku aadi kartaa wadankaaga aad ka soo jeedo
Haddii aad ka soo baxdo sharuudahan waa laguu oggolyanay inaad u safarto wadanka aad ka soo jeedo
1. Haddii aad sharci deganaansho oo aan waqti ku xirnayn hysato
Haddii aad heysato sharci deganaansho aan waqti ku xirnayn oo Nederlaan ah, si muddo ah waad u safri kartaa wadanka aad ka timid. Markaa deganaanshahaaga lama joojinaayo
Ogsoonow: Haddii aad ceyr ka qaadato Nederlaan, waa inaad fasax ka qaadataa degmadaoo safarkaaga ah
Haddii aad qaadato ceyr, waa inaad safarkaaga u sheegtaa degmada. Degmada waa iney fasax kuu siisaa safarkaaga. Markaa waxa ugu badnaan dibada u maqnaan kartaa 28 beri (weegendigana ku jiro). Haddii aad soo daahdo, degmada waa iney joojisaa ceyrtaada. Haddii aad xanuun darteeda waqti ka dheer u joogeyso dibada, markaa waqti hore u sheeg degmada. Waa inaad sidoo kale u sheegtaa iskuulka ama shaqada. Waa inaad heysataa doumenti safarka oo sax ah
2. Haddii aad Nederlaan noqotay iyo aad heysato baasboor Nederlaan ah
Ka dib 5 sano markaad deganaansho ku leedahay Nederlaan, waxa qaadaney 'jinsiyada'. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad heleyso baabsaboo Nederlaan ah. Baasaboorka Nederlaanka meel walba waa ku aadi kartaa. Markaa xitaa wadanka aad ka titmid waad u safri kartaa si aad familka u soo booqato
3. Haddii aad sharci deganaansho heysato oo mideynt qoyska ah
Haddii aad Nederlaan ku timid mideynta qoyska, waxaad heysataa sharci deganaansho ku salaysan sharciga qof qoyska ka mid ah. Taasi waxaa la dhahaa sharci ka socda mid kale
Markaad heysato sharci mid kale ku xiran iyo dokumentiga safarka guud ahaan wadanka aad ka soo jeedo waa aadi kartaa, maadaama aan sharcigaaga ku helin sababo magangelyo ee ku qaadatay qofka qoyskaaga xariirkiina ee jooga Nederlaan. Sharcigaasi waa lagaala noqon karaa haddii