
IND ayaa go'aan ka gaarta codsigaaga jinsiyadda
Adeega Socdaalka iyo Jinsiyada (IND) ayaa go'aan ka gaareysa haddii aad dhamaan sharuudaha ka soo baxeyso iyo markaa go'aan ka gaareysa codsigaaga jinsiyada. Qodobkan ayaa ka aqrin kartaa sida IND go'aanka u gaareyso.
Waxaa IND fiirineysaa inaad sharuudaha ka soo baxeyso iyo inaad muwaadin Nederlaan noqon karto
IND waxay inta badan go'aan ku gaartaa sanad gudihiisa
Waxaa IND ka qiimeyn doontaa codsigaaga inaad noqoto muwaadin Nederlaan ah. Waxaa 12 bilood gudahooda waa iney go'aan ku soo gaaraan. Waxaad ka heleysaa IND warqad ah in codsigaaga ay heleen. Warqadani waxaa ku qoran mudada aad go'aanka filan karto. Waxaa 12 bilood ay ka bilaabmayaan waqtiga aad qarashka codsiga bixisay
Codsiyada adag ama codsiyada aan dhamaystirnayn, waxay qaadan kartaa waqti dheer in IND ay go'aan gaarto. Haddii ay tahay inaad sugto in ka badan 12 bilood, waxaad heli doontaa warqad arrintan ku saabsan
Haddii ay IND codsigaaga ogolaatay waxaad heleysaa casumaad kulan gaar ah
Haddii IND ay codsigaaga inaad noqoto muwaadin Nederlaan ay ogolaato, waxaad heleysaa warqad taasi ku saabsan. Warqadan IND waxaa ku qoran qofka naftiisa noqonaaya muwaadin Nederlaan. Tani waa muhiim marka aad codsiga keligaaga saeysanin, laakiin tusaale ahaan aad ilmahaagana u sameysey.
Ilmahaaga waxa keliya ay muwaadin Nederlaan noqonayaan haddii lagu magcaabay warqada IND. Iska fiiri markaa in warqada iney ilmahaagana ay quseyso. Haddii IND codsigaaga ogolaato, isla markii weli ma tihid muwaadin Nederlaan ah. Taasi waa ka dib marka si rasmi ah ' go'aanka jinsiyada'oo shaqsi ahaan adiga laguu siiyo. Tani waa dokumenti ku qoran go'aanka iyo saxiixa Boqorka.
Degmadana warqad ayey ka helayaan IND
Degmada ayaa adiga iyo lammaanahaaga iyo carruurtaada ku martiqaadi doonta - haddii ay sidoo kale noqdaan muwaadiniin Nederlaan ah - kulan gaar ah oo xafladeed halkaas oo aad heli doonto dukumeenti uu saxiixay Boqorku. Kulankaan waxaa lagu magacaabaa xafladda jinsiyadda.
Carruurtaada da'doodu tahay 16 ama ka weyn kuwaas oo sidoo kale qaatay jinsiyadda waa lagu martiqaadi doonaa sababtoo ah waa inay sidoo kale sameeyaan 'ku dhawaaqida midnimada' inta lagu jiro kulanka. Degmada ayaa kugu martiqaadi doonta carruurtaada da'doodu ka yar tahay 16 sano markii aad gudbisay codsiga. Maadaama aad adiga u gudbisay codsigooda.
Xafladda jinsiyadda waxay badanaa la qabtaa 6 wiig gudahooda ka dib marka martiqaadka laguu soo diro
Haddii IND ay codsigaaga soo diido, racfaan ayaad ka qaadan kartaa go'aankaasi
Haddii IND ay go'aansato inaan laguu ogolayn inaad noqoto muwaadin Nederlaan ah, waxaad warqad ka heli doontaa IND. Warqadan waxaa loo yaqaan 'go'aan'. Go'aankani wuxuu sheegayaa sababta codsigaaga loo diiday. Waxaad racfaan ka qaadan kartaa go'aanka IND qareenkaaga. Qareenkaagu wuxuu markaas ku sharaxi doonaa 'warqad diidmo' sababta aadan ugu raacsanayn go'aanka diidmada ah. Go'aanka IND wuxuu sheegayaa taariikhda ay tahay inaad soo gudbiso racfaan
Haddii racfaankaaga sidoo kale la diido, waxaad weli rafcaan u qaadan kartaa maxkamadda adigoo kaashanaya qareenkaaga. Garsooraha ayaa markaas qiimeeynaaya in go'aanka IND inuu sax yahay