Laga soo xigtay: Bron: Tweede Kamer der Staten-Generaal
Qodob

Sidee loo sameeyaa golaha wasiirada?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/3/2025, 11:56 GH

Waxey Nederlaan qaadataa bilooyin ilaa uu dhismo gole wasiiro oo cusub. Maxay tahay ay sidaa u gaabisaa? Iyo maxaa dhacaaya inta u dhaxeysa? Qodobkan ayaa tallaabo tallaabo uga aqrineysaa sida loo sameeyo wada shaqeynta iyo siduu sahamiyaha, warar aruuriyaha iyo xog fidiyaha u shaqeeyaan.

Taariikh kooban

Nederlaan ayaa ilaa qarnigii 19aad ahayd

. Taasi waxey micnaheeda tahay
waxey mar walba taageero uga baahan yihiin baarlamaanka:
iyo
. Waa iney taageero ku filan ka helaa Goalaha wakiilada ee Golaha wasiirada cusub. Taasi waxey micnaheeda tahay iney xisbiyada aqlabiyad ku haystaan Golaha Wakiilada ay maamulaayaan. Taasoo ugu yaraan 76 kursi u baahan yihiin ka mid ah 150 kursi. Markaa keliya ayey sharciyada aqbali karaan ayna wax maamuli karaan. Haddii golaha cusub aysan aqlabiyad heysanin, markaa waa in shaqrci walba oo la soo jeediyaa taageero ku filan ka helo Golaha Wakiilada.

Waxa

uusan sharaxeynin sida uu wada shaqeynta u dhacaayo. Sidaa awgeed waxaa Boqorka(rada) mudadii hore lahaa dowr muhiim ah. Doorashooyinka ka dib waxaa Boqorka(rada) magacaabayeen dad hagaaya dhisida dowlada. Badiyaa kani wuxuu ahaa hogaamiyaha xisbiga ugu weyn.

Dad badan ayaa u arkay dowrkaasi boqorka(rada) inuusan ahayn mid ku habboon dimoqraadiyada hadda jira. Sidaa awgeeda ayaa Golaha Wakiilada go'aansadeen 2012 iney kaalintaasi iyaga qaataan. Ila iyo markaasi Golaha iyaga ayaa doorta qofka hagaaya wada shaqeynta. Boqorka(rada) wuxuu ciyaaraa keliya dowr rasmi ah marka la dhaarinaayo wasiirada iyo

.

Doorashooyinka ka dib

Doorashada Golaha Wakiilada ka dib waxaa dib loo dhisaa Goalaha Wakiilada. Taasi waxey dhacdaa iaydoo lagu saleynayo natiijada doorashooyinka. Tirada guud ee codadka ansaxan ayaa loo qeybiyey 150. Taasi oo ah tirada kuraasta Golaha Wakiilada. taasi waxey xadideysaa meeqa cod ayaa xisbiga yahay inuu helaa si uu 1 kursi ah oo Golaha Wakiilada. Tiradan wey kala duwanaan kartaa doorasho kasta.

Tirada codadka ee xisbiga helaayo, waxey xadideysaa inta kursi uu xisbiga kahelaayo Golaha Wakiilada. Badiyaa xisbi keliya ma heysto aqlabiyada. Sidaa awgeed waa iney xisbiyada Nederlaan wada shaqeeyaan si ay u dhisaan gole wasiiro. tani waxaa loo yaqaan sameynta isbaheysi.

Si howshan loo bilaabaa, waxaa Goalaha Wakiiladu magaacaabaan sahamiye.

Sahamiyaha ayaa baaraya fursadaha jira

Inta lagu jiro marxaladda sahaminta, Guddoomiyaha Golaha Wakiiladu waxa uu ku martiqaadayaa dhammaan

waraysi. Waxay tilmaami karaan cidda ay rabaan inay u adeegaan sidii musharrax sahamin ah. ("verkenner").

Kormeeruhu wuxuu inta badan ka yimaadaa xisbiga ugu weyn. Isaga ama iyada ayaa la hadlaya dhammaan madaxda xisbiyada. Hadafku waa cad yahay: in la go'aamiyo xisbiyada si wadajir ah u haysta aqlabiyad iyo in la eego haddii ay diyaar u yihiin inay wada shaqeeyaan.

Wadahadalka ka dib, kormeeruhu wuxuu qoraa warbixin. Waxay qeexaysaa xisbiyada haysta fursada ugu wanaagsan ee ay ku soo dhisi karaan gole wasiiro.

Xog-hayaha ayaa hagaaya wada xaajoodka

Marxalada sahaminta ka dib waxaa Golaha Wakiilada ay magacaabayaan xog-ogaal. Xog- ogaalka ayaa baaraaya haddii ay xisbiyada heshiis ka wada gaari karaan mawduucyada sida, canshuuraha, guriyeynta, daryeelka caafimaadka, cimilada iyo socdaalka. Taasi waxey ku dhacdaa wadahadalo dheer. Mararka qaarkood ma suura gasho. Markaa Golaha wuxuu magacaabi karaa xog-haye cusub ama wuxuu ku noqon karaa marxalad cusub oo sahaminta ah.

Haddii lagu guuleysto, wuxuu qorayaa xog-hayah qabyo -qoraal

: qorshooyinka golaha cusub ee wasiirada

Dhisaha ayaa dooranaaya wasiirada

Marka heshiisyada wax ku oolka ah ay isla gaaraan xisbiyada is baheystay, wuxuu Golaha wakiilada magacaabaa dhisaha. Kaasi badiyaa waa raíisul wasaaraha mustaqbalka.

Dhisaha ayaa kala qeybinaaya wasiirada iyo kala hadlaaya xisbigee ayaa keenaaya wasiir ama xoghaye dowladeed. Mararka qaarkood taasi wax baa ka khaldama oo markaa dhismihii weli wuu fashilmi karaa.

Ka dibna waxaa bilowda raadinta dadka ku habboon. Xisbiyada ka qeyb qaadanaaya ayaa soo magacaaba musharaxiintooda. Waxey noqonayaan wasiirada iyo xoghaye dowladeedka cusub. Ka dibna waxaa Boqorka(rada) si rasmi ah u magacaabayaan maamulka wasiirada cusub.

Golaha wakiilada sii bixi doonta

Ilaa uu golaha wasiirada cusub ay ka bilaabayaan, waxaa sii jiri doona golihii hore ee wasiirada. Golahii wasiirada hore waxaa loogu magacaabaa glaha wasiirada ee sii baxaaya. Waxa keliya ay dhameystirayaan arrimaha hadda taagan ee ma gaaraan go'aano weyn oo cusub. Xaalad deg deg ah markuu jiro golaha wasiirada baxaaya go'aan muhiim ah wey gaari karaan.

Muddo intee ah ayuu qaadan karaa dhismaha golaha wasiirada?

Dhismaha golaha wasiirada mid gaaban waa noqon karaa, laakiin badiyaa bilooyin ayey qaadataa. Waxaa 25-kii sano ee la soo dhaafay uu dhismaha goalaha wasiirada celcelis ahaan socday 114 beri. Kii ugu gaabna wuxuu ahaa 2003: 67 beri. Kii ugu dheeraa 2021: 299 beri. Wuxuu diiwaankan muujinaayaa sida ay u adkaan karto marka heshiisyo lala galo xisbiyo badan.

Marka ay golaha wakiilada joogaan

Marka dhismaha dhamaado, waxaa boqorka(rada) magacaabayaa wasiirada iyo xoghayayaasha dowladda. Ra'iisul Wasaaaraha ayaa markaas horgeyn doona baarlamaanka heshiiska isbaheysiga. Ka dibna golaha wasiirada cusub ayaasi rasmi ah u howl gali karaaya.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful