Laga soo xigtay: Shutterstock
Qodob

Gadashada guri marka aad heysato sharci deganaansho muddo ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/3/2025, 4:18 GD

Nedeerlaan qof walba guri waa iibsan karaa. Xitaa hadaad muwaadin Nederlaan ahayn ama sharci rasmi aadan lahayn.

Wey adkaan kartaa in bangiga deyn laga helo

waxa ugu adag waa gadashada guriga waa

sida loo helo.

Bangiyadu waxay inta badan u arkaan in ay khatar tahay in ay lacag amaahiyaan qof sita sharci ku meel gaar ah. Ma hubaan muddada aad Nederland joogi doonto, iyo in aad dib u bixin karto amaahda guriga. Laakin iibsashada guri ma aha mid aan mar walba suuroobeynin.

Intee lacag ayaad amaahan kartaa?

Waxaa Nederlaan aad heli kartaa deyn ku saleysan qadarka qiimaynta guriga. Taasi waa qiyaasta suuqa ee gurigaaga. Marna bangiga kama deynsan kartid wax ka badan qadarka guriga lagu qiimeeyey. Xitaa haddii xagga daqligaaga aad ka abdan deynsan karto. Laakiin waad dooran kartaa deyn hooseeya, haddii aad lacag keyd badan heysato oo aad qeyb ku bixin karto guriga iibka ah oo isla markii bixiso

Nederlaan, waxaa jira wax badan oo "kharash siyaado ah" guryaha. Maadaama uu guryo yaraan jiro. Guryaha waxaa lagu iibiyaa in ka badan qiimaha la rabo. Waa wax fiican haddii guriga aad iibsatay lagu qiimeeyo wax ka badan qiimihii lagu weydiinayay. Tani waxay sidoo kale kuu ogolaaneysaa inaad hesho deyn sare oo ah qadarka guriga lagu qiimeeyo. Laakin tan samee kaliya haddii aad (si sahlan) kharashka bisha aad gudeyso u bixin karto

Si aad u ogaato nooca deynta aad heli karto, waxaad aadeysaa la taliyaha amaahda

Iyadoo lagu saleynaayo dakhligaaga bisha

(qarash) wuxuu la taliyaha amaahda kuu sheegayaa xadkee lacag aad ugu badnaan aad bangiga ka deynsan karto. Xadka deyntaada marna kama badna inta aad bishii bixin karto. La xariir sidaa awgeed la taliyaha deynta, ee adiga kuu sheegi kara iyadoo ku saleysan dakhligaaga inta deynta aad heli karto. markaa waad ogtahay guryaha aad beecin u gudbin karto iyo xadkaa ugu badnaan aad siyaado ku beecin karto

Marka aad la hadleyso la taliyaha deynta waa inaad lacag bixisaa. Lacagtaasi waxey u dhaxeysaa € 1.500 iyo € 3.000. Taasi waxey u muuqataa wax badan laakiin la taliye fiican muddo ka dib lacag ayaa kuu haraaya. Kharashkaasi talada canshuurta dakhliga ayaad ka goyn kartaa; markaasoo aad qeyb dib kuugu soo noqonaayo. Wadahadalka bilowga ahi ee isbarashada caadiyan waa bilaash waana mid aan sharuud lahayn. Dadka haysta baasaboor Nederlaan ah ama sharciga degenaanshada joogtada ah waxay inta badan amaahan karaan 100% qiimaha gurigooda (oo la mid ah qiimeynta lagu xadiday) marka ay lacag ku filan shaqeeyaan. Haddii aad haysato sharci degenaansho muddo ah, waxaad amaahan kartaa ilaa 90% qiimaha guriga. Waa inaad adigu bixisa 10% ee soo haray. Maadaama bangiyada sharciga mudada u arkaan mid khatar yeelan karo. Haddii sharciga la cusbooneysiin waayo, dhibaato ayey keeni kartaa oo dib u bixinta deynta, Sidaa awgeed ayaa badiyaa bangiyada ugu badnaan 90% qiimaha guriga oo deyn ah. Waxaad adigaa iska bixineysaa 10%, waa hubaal dheeraad oo bangiga helaayo. Sidaad kor ka aqrisay, waxaad sharcigaaga mudada ah ku deynsan kartaa badiyaa wax aan ka badnayn 90% oo qiimaha guriga ah

Haddii aad amaahan karto in ka badan 90% waxay ku xiran tahay dhowr waxyaalood:

  • Bangiga xaaladaada qiimeynaaya: Bangi walba isku mid ma aha. Bangiyada qaar ayaa fududeeya

  • Degaan-iyo taariikhda shaqada: haddii aad wax ka badan (tusaale 6 bilood, 1 ama 3 sano) aad si sugan u deganayd iyo uga shaqeysey, wey ku caawineysaa.

  • Dakhliga iyo heshiiska: Heshiiska joogtada iyo daqliga sugan wey kordhiyaan rajadaada

  • : adoo heysta NHG badiyaa 100% ayaa qiimaha guriga deynsan kartaa. Mar mar waa suura gal inaad sharciga muddada ah, adigoo hadafka degnaanshahaaga ahayn mid muddo ah

  • Waxaad mararka qaarkood amaahan kartaa ilaa 100%. Tani waa suurtogal haddii aad haysato dhalasho Yurub ah (EU/EEA ama Switzerland), maadaama xeerar la mid ah ay guud ahaan khuseeyaan muwaadiniinta Nederland. Xataa haddii sharcigaagu yahay mid muddo ah ahayn (sida soogalootiga aqoonta), bangiyada qaarkood waxay maalgelin karaan ilaa 100%

Haddii aa guri gadato, waxa mar walba jira qarash dheeraad. Qarashkan waxa loo yaqaan'qarashka wax gataha'. adigaa iskaaga lacagtaada uga bixinaaya. Badiyaa waa ilaa 5 6 boqolkii oo qiimaha guriga. Waxa 'qarashka wax gataha 'hoos imaada tusaale

  • Kharashaadka la-talinta amaahda: Waxaad ku bixisa lataliye si uu kuugu helo amaahda ugu fiican. Taladani waa muhiim si loo go'aamiyo wixii kuu suuragal ah xag dhaqaale

  • Qarashka nootaayaha: waxaad bixineysaa nootaayaha oo samaynta dokumentiyada sharciga sameynaaya ee loogu baahan yahay inaad guriga gadato. Tani waa waajib

  • Kharashaadka Qiimaynta: Haddii dalabkaaga guri la aqbalo, waa inaad qiimeysaa. Qiimeeyuhu wuxuu qiyaasi doonaa qiimaha guriga u leeyahay bangiga. Waxaad bixinaysaa kharashka qiimaynta

  • Kharashka baaritaanka farsamada (ikhtiyaari): Khabiir ayaa hubin doona xaaladda farsamada guriga, sida saqafka ama aasaaska. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato dhibaatooyinka qarsoon ka hor inta aanad iibsan guriga

  • Kharashyada dulaalka guryaha (ikhtiyaari): Haddii aad kiraysato dulaalka guryaha si uu kaaga caawiyo gadashada gurigaaga, waad bixin doontaa tan.

Hubi in lacagtaadu ku jirto akoon bangi Nederlaan ah

Hubi in lacagta aad adiga iska bixineyso u ku jirto akoon bangi Nederlaan ah (lacagta kaydka). Taasi wey u fududeyneysaa bangiga si uu dhamaan u kantaroolo.

Ka gadasho guri adigoo heysta sharci muddo waxey u baahan tahay diyaargelid wanaangsan. Laakiin caawino fiican iyo laca keyd kugu filan waa suura gal inaad guri aad leedahay gadato.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful