Laga soo xigtay: Shutterstock
Qodob

Gadashada guri marka aad heysato sharci deganaansho muddo ah

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/3/2025, 4:18 GD

Nedeerlaan qof walba guri waa iibsan karaa. Xitaa hadaad muwaadin Nederlaan ahayn ama sharci rasmi aadan lahayn.

Wey adkaan kartaa in bangiga deyn laga helo

waxa ugu adag waa gadashada guriga waa

sida loo helo.

Bangiyadu waxay inta badan u arkaan in ay khatar tahay in ay lacag amaahiyaan qof sita sharci ku meel gaar ah. Ma hubaan muddada aad Nederland joogi doonto, iyo in aad dib u bixin karto amaahda guriga. Laakin iibsashada guri ma aha mid aan mar walba suuroobeynin.

Kuwani waa qodobada bangiga fiiriyo marka deyn guri la codsado

Ilaa intee uu sharciga deganaanshahaaga sosoconaayo

Haddii aad haysato sharci degenaansho muddo ah, bangiyada aad bay u adag yihiin. Waxay inta badan leeyihiin sharciyo dheeraad ah oo ku saabsan amaahda gurigaaga. Waa maxay sababtu? Sababtoo ah waxay rabaan inay ogaadaan haddii aad rabto oo ay sii joogi karto Nederlaan muddo dheer. Waxaad ku muujin kartaa tan, tusaale ahaan, haddii aad leedahay qandaraas joogto ah oo shaqada ah. Tani waxay sidoo kale khuseysaa haddii aad rabto inaad Nederland si joogto ah ugu noolaato ka dib sharcigaaga deganaanshaha ku meel gaarka ah. Waxa kale oo muhiim ah in aad haysato xaalad dhaqaale oo deggan oo aanad lahayn wax deymo ah ama dhibaato lacag bixin ah.

Dakhliga joogtada waa muhiim

Waxaa aad muhiim uah inaad heysato dakhli joogto ah. Dakhliga joogtda ah waxey micnaheeda tahay inaad bil walbo lacag xaidan heleyso. Dakhligan waa mid joogto ah inta badan ma bedelmo. bangiyada dakhliga muhiim ayey u arkaan, maadaama ay taasi muujineys inaad bil walba lacag kugu filan heysato oo aad ku bixiso biilashaada iyo deyntaada. Bangiyada waxey fiiriyaan inta lacag aad shaqeyso si ay u go'maaiyaan inta lacag aad deynsan karto.

Haddii aad heysato qandaraas joogto ah

Haddii aad heshiis joogto ah la leedahay cidda aad u shaqayso, way kuu fududaanaysaa inaad amaah ku qaadato. Tani waxay bangiga siinaysaa hubanti dheeraad ah oo ku saabsan dakhligaaga iyo inaad samayn karto dulsaarka iyo bixinta deyn bixinta bil kasta.

Haddii aad heysato qandaraas muddo ah

Ma heysataa sharci muddo ah? Markaa bangigu wuxuu ku weydiin karaa

. Laakiin keliya cadeynta ulajeedad marka la heysto qndaraas muddo ah kaafi ma aha. Bangiga hubaal dheeraad ayuu rabaa. Wuxu bangiga rabaa inaad heleyso qandaraas joogto ah, ilaa haddii dhib weyn jiro. Tusaale shirkada oo qasaartay, ama shaqadaada oo aad u xun.

Maxaa kale oo ku caawin kara?

Haddii warqad ujeedo ah oo keliya aysan ku filneyn, bangiyada sidoo kale waxay eegaan waxyaabo kale oo muujinaya dakhligaaga inuu mid sugan yahay:

  • Intee in le'eg ayaad u shaqaynaysay loo-shaqeeyahaaga: Haddii aad u shaqaynaysay isla loo-shaqeeyaha in ka badan hal sano, xitaa qandaraasyo ku muddo ah, tani waxay siinaysaa bangiga hubaal dheeraad ah.

  • Warqadaha mushaharka: Kuwani waxay muujinayaan sida saxda ah inta lacag ah ee aad hesho bil kasta.

  • Shaqo noocee qabataa: Shaqooyinka ama xirfadaha qaar ayaa kala hubaal badan.

Haddii aad leedahay ganacsi kuu gaar ah

Haddii aad leedahay shirkad kuu gaar ah, ma tahay

(iskii u shaqeyste aan shaqaale lahayn). Bangiyadu wey la adag tahay iney arkaan waxa aad shaqeyso oo goán, taasi bil walba wey kala duwanaan kartaa

Sidaa darteeda ayey bangiyada u weydiinayaan xisaabo sanadeedka shirkadaada ee 3 dii sano ee la soo dhaafay. Xisaab sanadeedka ayaa muujinaaya intee lacag ayaad shaqeysey iyo faaíidada intey ahayd. Sidaa ayaa bangiga u arki karaa inaad dakhli kaafi oo sugan aad leedahay aad ku bixiso deynta bil walba. Mar mar ayaa bangiga weydiiyaa

sannadka soo socda ah. la taliyaha deynta guriga ayaa taasi kaa caawin kara

Intee lacag ayaad amaahan kartaa?

Waxaa Nederlaan aad heli kartaa deyn ku saleysan qadarka qiimaynta guriga. Taasi waa qiyaasta suuqa ee gurigaaga. Marna bangiga kama deynsan kartid wax ka badan qadarka guriga lagu qiimeeyey. Xitaa haddii xagga daqligaaga aad ka abdan deynsan karto. Laakiin waad dooran kartaa deyn hooseeya, haddii aad lacag keyd badan heysato oo aad qeyb ku bixin karto guriga iibka ah oo isla markii bixiso

Nederlaan, waxaa jira wax badan oo "kharash siyaado ah" guryaha. Maadaama uu guryo yaraan jiro. Guryaha waxaa lagu iibiyaa in ka badan qiimaha la rabo. Waa wax fiican haddii guriga aad iibsatay lagu qiimeeyo wax ka badan qiimihii lagu weydiinayay. Tani waxay sidoo kale kuu ogolaaneysaa inaad hesho deyn sare oo ah qadarka guriga lagu qiimeeyo. Laakin tan samee kaliya haddii aad (si sahlan) kharashka bisha aad gudeyso u bixin karto

Si aad u ogaato nooca deynta aad heli karto, waxaad aadeysaa la taliyaha amaahda

Iyadoo lagu saleynaayo dakhligaaga bisha

(qarash) wuxuu la taliyaha amaahda kuu sheegayaa xadkee lacag aad ugu badnaan aad bangiga ka deynsan karto. Xadka deyntaada marna kama badna inta aad bishii bixin karto. La xariir sidaa awgeed la taliyaha deynta, ee adiga kuu sheegi kara iyadoo ku saleysan dakhligaaga inta deynta aad heli karto. markaa waad ogtahay guryaha aad beecin u gudbin karto iyo xadkaa ugu badnaan aad siyaado ku beecin karto

Marka aad la hadleyso la taliyaha deynta waa inaad lacag bixisaa. Lacagtaasi waxey u dhaxeysaa € 1.500 iyo € 3.000. Taasi waxey u muuqataa wax badan laakiin la taliye fiican muddo ka dib lacag ayaa kuu haraaya. Kharashkaasi talada canshuurta dakhliga ayaad ka goyn kartaa; markaasoo aad qeyb dib kuugu soo noqonaayo. Wadahadalka bilowga ahi ee isbarashada caadiyan waa bilaash waana mid aan sharuud lahayn. Dadka haysta baasaboor Nederlaan ah ama sharciga degenaanshada joogtada ah waxay inta badan amaahan karaan 100% qiimaha gurigooda (oo la mid ah qiimeynta lagu xadiday) marka ay lacag ku filan shaqeeyaan. Haddii aad haysato sharci degenaansho muddo ah, waxaad amaahan kartaa ilaa 90% qiimaha guriga. Waa inaad adigu bixisa 10% ee soo haray. Maadaama bangiyada sharciga mudada u arkaan mid khatar yeelan karo. Haddii sharciga la cusbooneysiin waayo, dhibaato ayey keeni kartaa oo dib u bixinta deynta, Sidaa awgeed ayaa badiyaa bangiyada ugu badnaan 90% qiimaha guriga oo deyn ah. Waxaad adigaa iska bixineysaa 10%, waa hubaal dheeraad oo bangiga helaayo. Sidaad kor ka aqrisay, waxaad sharcigaaga mudada ah ku deynsan kartaa badiyaa wax aan ka badnayn 90% oo qiimaha guriga ah

Haddii aad amaahan karto in ka badan 90% waxay ku xiran tahay dhowr waxyaalood:

  • Bangiga xaaladaada qiimeynaaya: Bangi walba isku mid ma aha. Bangiyada qaar ayaa fududeeya

  • Degaan-iyo taariikhda shaqada: haddii aad wax ka badan (tusaale 6 bilood, 1 ama 3 sano) aad si sugan u deganayd iyo uga shaqeysey, wey ku caawineysaa.

  • Dakhliga iyo heshiiska: Heshiiska joogtada iyo daqliga sugan wey kordhiyaan rajadaada

  • : adoo heysta NHG badiyaa 100% ayaa qiimaha guriga deynsan kartaa. Mar mar waa suura gal inaad sharciga muddada ah, adigoo hadafka degnaanshahaaga ahayn mid muddo ah

  • Waxaad mararka qaarkood amaahan kartaa ilaa 100%. Tani waa suurtogal haddii aad haysato dhalasho Yurub ah (EU/EEA ama Switzerland), maadaama xeerar la mid ah ay guud ahaan khuseeyaan muwaadiniinta Nederland. Xataa haddii sharcigaagu yahay mid muddo ah ahayn (sida soogalootiga aqoonta), bangiyada qaarkood waxay maalgelin karaan ilaa 100%

Haddii aa guri gadato, waxa mar walba jira qarash dheeraad. Qarashkan waxa loo yaqaan'qarashka wax gataha'. adigaa iskaaga lacagtaada uga bixinaaya. Badiyaa waa ilaa 5 6 boqolkii oo qiimaha guriga. Waxa 'qarashka wax gataha 'hoos imaada tusaale

  • Kharashaadka la-talinta amaahda: Waxaad ku bixisa lataliye si uu kuugu helo amaahda ugu fiican. Taladani waa muhiim si loo go'aamiyo wixii kuu suuragal ah xag dhaqaale

  • Qarashka nootaayaha: waxaad bixineysaa nootaayaha oo samaynta dokumentiyada sharciga sameynaaya ee loogu baahan yahay inaad guriga gadato. Tani waa waajib

  • Kharashaadka Qiimaynta: Haddii dalabkaaga guri la aqbalo, waa inaad qiimeysaa. Qiimeeyuhu wuxuu qiyaasi doonaa qiimaha guriga u leeyahay bangiga. Waxaad bixinaysaa kharashka qiimaynta

  • Kharashka baaritaanka farsamada (ikhtiyaari): Khabiir ayaa hubin doona xaaladda farsamada guriga, sida saqafka ama aasaaska. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato dhibaatooyinka qarsoon ka hor inta aanad iibsan guriga

  • Kharashyada dulaalka guryaha (ikhtiyaari): Haddii aad kiraysato dulaalka guryaha si uu kaaga caawiyo gadashada gurigaaga, waad bixin doontaa tan.


Hubi in lacagtaadu ku jirto akoon bangi Nederlaan ah

Hubi in lacagta aad adiga iska bixineyso u ku jirto akoon bangi Nederlaan ah (lacagta kaydka). Taasi wey u fududeyneysaa bangiga si uu dhamaan u kantaroolo.

Ka gadasho guri adigoo heysta sharci muddo waxey u baahan tahay diyaargelid wanaangsan. Laakiin caawino fiican iyo laca keyd kugu filan waa suura gal inaad guri aad leedahay gadato.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
Iyadoo lala wada shaqeeyo Contentful