Laga soo xigtay: Canva
Qodob

Sidee uga codeyn kartaa Nederlaan?

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 9/7/2025, 8:40 GH

Nederlaan, waad ka codayn kartaa haddii aad xaq u leedahay inaad codayso. Tani waxay la macno tahay inaad ka qayb qaadan karto doorashooyinka, sida kuwa Golaha Wakiilada, golaha degmada, ama Baarlamaanka Yurub. Maqaalkani wuxuu sharxayaa tallaabo-tallaabo sida codbixintu u shaqeyso.

Mar walba waxaad u baahan tahay kaarka codbixinta

Haddii aad xaq u leedahay inaad codeyso, waxaad doorashada ka hor heleysaa kaarka codbixinta oo cinwaankaaga loo soo diro. Kaarkani ayaa ku codeyn kartaa goobta codbixinta.

Ma aadan helin kaarka codbixinta ama wuu kaa lumay? Mrkaa la xariir degmadaada oo weydiso mid cusub. Taasi waxaad ka weydiin kartaa e-mail ahaan ama telefoon ahaan.

Taasi ayaa ku qoran kaarka codbixinta

Kaarka cod bixinta waxaa ku qoran warbixintaada shaqsiyeed, nambarka iyo magaca degmadaada. Gadaal waxaa ku qoran warbixinta hadii qof kale la wakiilanaayo. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad qof fasax u siineyso inuu kuu codeeyo.

Waxaad ku codeyneysaa goobta codbixinta

Goobta codbixinta waa meesha aad codeyneyso waqtiga doorashada. Degmo walba waxey leedaay goobo dhowr ah. Badiyaa kuwani waa maktabado, xarumaha bulshada ama meelo kale dadweynaha u furan.

Halkan ayaa ka fiirin kartaa meesha aad ka codeyn karto.

Sidoo kale degmo kale waad ka codeyn kartaa

Kama codeyn kartid degmadaada? Markaa degmo kale waad ka codeyn kartaa. Taasi waa inaad marka hore kaarka codeynta ka weydiisataa degmadaada. Taasi waxaad ku sameyn kartaa emayl ama telefoon ahaan. Markaa kaarkaasi codeynta meel kast oo Nederlaan ayaad uga cod bixin kartaa. Kaarka codeynta waxaad qoraal ahaan weydiisan kartaa ugu yaraan shan maalmood doorashada ka hor, iyo af ahaan ilaa maalinta doorashada 12:00 saac, ka dalban kartaa degmadaada.

Tani ayaad u baahan tahay inaad u soo qaadato goobta cod bixinta

  • Kaarkaaga cod bixinta.

  • Dokumenti aqoonsioo ansax ah (baasaboor, kaarka aqoonsiga, laysanka baabuurka ama sharciga deganaanshaha).

Laguuma oggola inaad codeyso adigoo aan heysanin kaarka cod bixinta ama aqoonsiga.

Sidan ayaa u codeyneysaa goobta codbixinta

Goobta codbixinta waxaad dhiibaneysaa kaarka cod bixinta. Shaqaalaha ayaa hubinaaya aqoonsigaaga. Ka dib waxaa lagu siinayaa warqada cod bixinta iyo qalin gaduud. Warqada cod bixinta waxaa ku taxan dhamaan xisbiyada iyo musharaxiinta. Keligaaga ayaa gelaaya rugta codeynta. Codeynta waa qarsoodi, qofna ma arki karo qofka aad u codeyso. Rugta codeynta hal wareeg ayaad gaduud ka dhigeysaa oo ah magaca qofka aad dooneyso inaad u codeyso. Markaad dhameyso, ku rid warqada cod bixinta sanduuqa cod bixinta.

Qof ayaad u kaxaysan kartaa goobta cod bixinta

Qof ayaad soo kaxeysan kartaa goobta codbixinta si uu kuu caawiyo. Haddii aad tusaale ahaan kugu adag tahay aqriska iyo qorista.

Sidoo kale caruurta yar ama eyda wax caawiya waa la oggol yahay iney soo raacaan, haddii loo baahdo.

Waad wakiilan kartaa qof inuu kuu codeeyo

Adiga shaqsi ahaan ma codeyn kartid? Markaa qof ayaa taasi kuu sameyn kara. Taasi waxaa loo yaqaan wakiilasho.

  • Ku buuxi kaarka codbixinta gadaashiisa.

  • Ku qor magaca iyo cinwaankaeeqofka aad wakiilaneyso.

  • Adiga iyo qofka aad wakiilatay waa inaad labadiinaba saxiixdaan.

Ku codey adoon wax ku buuxin markaad rabto inaad waxba dooranin

Waxaad kale oo aad dooran kartaa iyadoo maran. Taasi waxey micnaheeda tahay inaad warqada codeynta aad celiso warqada cod bixinta adigoo aan qaanad gaduud ka dhigin.

Codka maran waxaa lagu xisaabiyaa tirada guud ee codadka, laakiin looma siiyo xisbi ama musharax.

Tani lama ogola inaad sameyso markaad codeyneyso

Waxa keliya aad gaduud ku calaameyn kartaa hal qaanad oo warqada codeynta. Maku calaameysey qaanado badan gaduud, ama wax ku qortay ama ku sawirtay warqada cod bixinta? Markaa codkaaga ansax ma aha. Codka aan ansaxa ahayn waxaa loo xisaabinaa keiya inta la codeeyey ee ma aha xisbi ama musharax.

Si aan ula kac ahayn khalad ma sameysey? Markaa hal jeer ayaa shaqalaha goobta cod bixinta weydiin kartaa warqad codeyn cusub.

Sidoo kale lama oggola mudaaharaad ama banaanbax goobta cod bixinta.

Sidoo kale dibadda waad ka codeyn kartaa

Haddii aadan deganayn Nederlaan haddana aad rabto inaad codeyso doorashooyinka Nederlaan? Markaa waa inaad hal mar aad iska diiwaangelisaa codbixiye ahaan degmada Den Haag.

Dibadda adoo jooga waxaad u codeyn kartaa:

  • xubnaha Golaha Wakiilada.

  • baarlamaanka Yurub.

  • kulliyada doorashada ee dadka aan wadanka deganayn ee Goalaha Sare.

Xagga websaaytkan ayaad iska diiwaangelin kartaa codeeye ahaan oo dibadda Nederlaan.


Warbixintan wax ma kugu caawisay?


Warbixinta aad bartan ka heleyso, wuxuu ka yimid urur xaquuqda bani'aadanka ee VluchtelingenWerk Nederland, oo ay wada shaqeynayaan lamaanayaal kale.
La wada shaqeynta Contentful