
Waa kuwee xisbiyada siyaasadeed ee ka jira Nederlaan?
La wadaag baraha bulshada:
Nederlaan waxay leedahay xisbiyo siyaasadeed oo badan. Waxay matalaan kooxo kala duwan oo dad ah. Xisbiyadu waxay sameeyaan liisas ku qoran arrimaha ay muhiimka u arkaan waxayna hayaan liisaska dadka aad u codayn karto doorashooyinka. Maqaalkani wuxuu qeexayaa xisbiyada siyaasadeed ee ugu waaweyn Nederland.
VVD – Xisbiga shacbiga ee Xoriyada iyo Dimoqraadiga
Waxaa VVD la aasaasay 1948. Waa xisbi xor ah. Xisbiga wuxuu u taagan yahay kobaca dhaqaalaha iyo xornimada shaqsiga. Dilan Yeşilgöz musharaxa hogaanka.
Mawduucyada muhiimka waa: dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa VVD rabaan inay shirkadaha canshuur yar bixiyaan.
Xisbiga wuxuu hadda heystaa 24 kursi oo Golaha Wakiilada.
NSC – Heshiis Bulsho Cusub
Waxaa NSC aasaasay 2023 Pieter Omtzigt. Hore xubin CDA ayuu ahaa. Eddy van Hijum hadda waa musharaxa hogaanka xisbiga.
Mawduucyada muhiimka ah ee NSC waxaa ka mid ah: hubinta in dowladda iyo siyaasiyiinta ay si daacad ah oo sugan u shaqeeyaan, daryeelka caafimaadka, waxbarashada, guriyeynta qof walba, iyo hubinta in dadku ay helaan lacag ku filan oo ay ku noolaadaan.
Xisbiga wuxuu hadda heystaa 20 kursi oo Golaha Wakiilada.
CDA – Christen-Democratisch Appèl ( Rafcaan Dimoqraadiga Kirishtaanka)
Waxaa CDA la aasaasay 1980. Waa isku dar 3 xisbi kirishtaan ah. Waxaa CDA isku daraa qiyamka dhaqanka iyo xasiloonida bulshada, taasi waxey micnaheeda tahay in nolosha bulshada uu deganaan iyo amaan ku socdaa. Henri Bontenbal waa musharaxa hogaanka xisbiga.
Mawduucyada muhiimka ah waxaa ka mid ah qoyska, dhaqaalaha, waaritaanka, wadajirka bulshada, iyo iskaashiga wadamada kale. CDA waxay inta badan raadisaa meel dhexe, taasoo la macno ah xisbigu wuxuu raadiyaa isu dheelitirka fikradaha kala duwan wuxuuna ku dadaalaa xalka u shaqeeya dadka ugu badan ee suurto galka ah.
Xisbiga wuxuu hadda heytaa 5 kursi oo Golaha Wakiilada.
D66 – Dimuqraadiyiinta 66
D66, oo la aasaasay 1966, waa xisbi xor ah oo horumarsan. Xisbigu waxa uu xooga saarayaa waxbarashada iyo dib u dhisida, taas oo micnaheedu yahay in xeerarka ama nidaamyada la beddelo si wax loo hagaajiyo. Rob Jetten waa musharaxa hogaanka xisbiga.
Mawduucyada muhiimka waxaa ka mid ah: waxbarashada. Wadashaqeynta Yurub, joogtaynta, xaquuqda madaniga iyo dib u habaeynta dimoqraadiyada.
Xisbiga wuxuu hadda heystaa 9 kursi oo Golaha Wakiilada.
BBB – Dhaqdhaqaaqa Muwaadiniinta Beeraleyda
BBB waxaa la aasaasay 2019. Waa xisbi dad badan, oo muhiimadda saaraya beeralayda iyo baadiyaha. Caroline van der Plas waa musharaxa hogaanka xisbiga.
Arrimaha ugu muhiimsan waxaa ka mid ah beeraha, horumarinta reer miyiga, iyo canshuuraha beeralayda. Xisbigu waxa uu rumaysan yahay in dawladda iyo xisbiyada kaleba ay aad muhiimadda weyn siiyaan magaalooyinka waaweyn.
Wuxuu BBB hadda leeyahay 8 kursi oo ah Golaha Wakiilada.
SP - Xisbiga Hantiwadaaga
Xisbiga SP waxa la asaasay 1972. Waa xisbi bidix. SP waa xisbi hantiwadaag ah. Waxay doonaysaa in qof walba uu helo fursad cadaalad ah nolol wanaagsan. Jimmy Dijk waa musharaxa hogaanka xisbiga.
Qodobbada muhiimka ah waxaa ka mid ah xaqa shaqo, dakhli wanaagsan, waxbarasho bilaash ah, iyo daryeel caafimaad oo wanaagsan. SP waxay ka hawlgashaa dawlada hoose iyo tan qaranka.
Xisbiga wuxuu hadda heytaa 5 kursi oo Golaha Wakiilada.
CU – Midowga Masiixiyiinta
Waxaa xisbiga ChristenUnie la aasaasay 2000. Waxa xisbiga aaminsan yahay in dowladda shaqo xagga Ilaah saaran yahay, laakiin haddana wey aaminsan yihiin kala saarka kaniisada iyo dawladda. Dowladda waa iney sugtaa xornimada diinta oo la ixtiraamo kaniisada. Mirjam Bikker ayaa ah musharaxa hogaanka xisbiga.
Mawduucyada muhiimka ah waa qoyska, daryeelka, waaritaanka, wada shaqeynta wadamada kale iyo su'aalaha anshaxa
ChristenUnie waxaa hadda heystaa 3 kursi oo Golaha Wakiilada.
DENK
DENK waxaa la aasaasay 2015. Xisbiga waxaa taageero weyn ka heystaa Turkida iyo Marokaanka Nederlaanka ah. Stephan van Baarle ayaa ah musharaxa ugu horeeya xisbiga.
Mawduucyada ugu muhiimsan waa: fursadaha loo siman yahay, kala duwanaanshaha, xaquuqda aadanaha iyo la dagaalanka takoorka.
Xisbiga DENK waxay dooneysaa in siyaasiyiinta iyo muwaadiniinta isu soo dhawaadaan iyoin la sugo caddaalada aduunka. Xisbiga wuxuu u arkaa kala duwanaanshaha inuu yahay xooga muhiimka ee bulshada Nederlaan.
Wuxuu DENK hadda leeyahay 3 kursi oo ah Golaha Wakiilada.
PvdD - Xisbiga Xayawaanka
PvdD waxaa la aasaasay 2002. Xisbigu wuxuu diiradda saarayaa xuquuqda xayawaanka iyo deegaanka. Arrimaha muhiimka ah waxaa ka mid ah daryeelka xoolaha, waaritaanka, cimilada, iyo cunno khudradeed ama khudrad keli oo badan. Esther Ouwehand waa musharaxa hogaanka xisbiga.
Waa xisbiga ugu horreeya adduunka ee leh xuquuqda xayawaanka oo ah mawduuca ugu muhiimsan.
Wuxuu PvdD hadda leeyahay 3 kursi oo ah Golaha Wakiilada.
SGP – Xisbi Siyaasadee oo dib loo habeeyey
SGP waxaa la aasaasay 1918. Waaxisbi muxaafid, Protestant ah. Mawduucyada muhiimka waxaa ka mid ah qiyamka qoyska soo jireenka, qiyamka masiixiyiinta ee siyaasadda iyo diidmada uurka la soo rido. Chris Stoffer waa mushaxa hogaamiyaha xisbiga.
SGP waa xisbiga ugu da'da weyn ee weli ka jira Nederlaan.
Xisbiga wuxuu hadda heystaa 3 kursi oo Golaha Wakiilada.
Volt Nederland
Volt waxaa la aasaasay 2018. Waa xisbi horusocod Yurub ah. Xisbigu waxa uu hiigsanayaa wada shaqayn wayn oo dhexmarta wadamada Yurub. Laurens Dassen waa musharraxa hoggaanka xisbiga.
Mawduucyada muhiimka ah waxaa ka mid ah Yurub, cimilada, waxbarashada, digitalka, iyo xuquuqda aadanaha. Volt waa xisbi da'yar oo ka hawl gala dalal badan oo Midowga Yurub ah.
Xisbiga wuxuu hadda heystaa 2 kursi oo Golaha Wakiilada.
JA21
JA21 waxa la aasaasay 2020. Waa xisbi muxaafid ah oo garabka midig ah. Xisbigu waxa uu u ololeeyaa in la yareeyo saamaynta Midowga Yurub ee Nederlaan. Joost Eardmans waa hogaanka xisbiga.
Mawduucyada muhiimka ah waxaa ka mid ah socdaalka, amniga, dhaqaalaha, iyo qiyamka muxaafidka.
Wuxuu JA21 hadda leeyahay 1 kursi oo ah Golaha Wakiilada.