• Bilowga
  • "Waa riyo in kubada cagta loo ciyaaro Oranje"
Nin u dabaaldegaaya goolkiisa maalinta xulida ee Xarunta KNVB
Laga soo xigtay: Liebe Leute

"Waa riyo in kubada cagta loo ciyaaro Oranje"

marka ugu dambeeyey la cusbooneysiiyey: 4/9/2024, 3:57 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Mudadaasi EURO UNITY CUP waxaa Nederlaan matalaaya 8 ciyaartoy qaxooti ahaan Nederlaan u yimid. Maalinta doorashada ee kooxda Nederlaan waxey ahayd jimcihii la soo dhaafay taasoo lagu qabtay Zeist."Aniga waxaan ka imid AZC Haarlem si aan halkaan kubada cagta uga ciyaaro"

"Kubada cagta ayaad xoogaa ku iloobeysaa welwelka"

"Adiga keligaa ma tihid", ayey ku tiri ciyaaryahanada kubada cagta Farkhunda Muhtaj dadka hoolka joogay. Iyada waxey ka soo qaxday Afgaanistaan oo waxey ku soo barbaartay Canada. Hadda waxey u ciyaartaa dumarka kubada cagta ee Fortuna Sittard iyo waxay horseede u tahay kooxda "orangeteam"oo ah qaxootiga aada Frankfurt. "Kubada cagta waxey ilaa muddo ku ilowsiineysaa welwelkaaga. Maanta ku raaxeyso!"

Wey faraxsan yihiin oo feejignaan yar ayaa ku jira 200 ciyaartoyda kubada cagta iyagoo wada boorsooyinkooda iyo kabaha kubada cagta gacanta ku heysta ayaa qof walba fariistay hoolka weyn ee Ururka Boqortooyada Kubada Cagta (KNVB). Hoolka waxaa ka buuxa dad jinsiyad walba leh oo qofba sheeko u gaar ah. Laakiin waxey kulligooda leeyihiin l1 hadaf: in loo doorto kooxda Nederlaanka ee koobka EURO UNITY Cup.

Waxaa koobka EURO UNITY ee 2023 lagu qabanayaa 27,28 iyo 29 juunyo Frankfurt. Koobka rasmiga ee UEFA iyo UNHCR. Nederlaan waxaa matalaaya koox si gaar ah loo soo xulay ee 8 qaxooti ah iyo 3 Nederlaan ah. Xulitaanka kooxda waxaa lagu qabtay jimcihii la soo dhaafay Xarunta KNVB ee ku yaala Zeist.

”Kubada cagta waxaan ku soo bartay dariiqa“

Qudbooyinka ka dib waa waqtigii ficilka. wax yar oo is kululeyn oo garoonka ayaa laga arkayaa in dad badan oo karti leh ay meesha joogaan. Sida Hadi oo 20 jir ah. Wuxuu xiran yahay funaanada leh nambar 14. "Aniga taageere weyn oo Cruijff ayaan ahay!"

Markuu Hadi 10 jir ahaa, ayuu ku bilaabay kubada cagta ciraaq. "Ma lahayn annaga barxado kubada, laakiin waxaan ku ciyaarnaa jidka. Aniga waxaan mar walba fiirin jirey fiidiyowyada ciyaartoyda wanaagsan si aan anigana u sii fiicnaado. Sida awgeed waa riyodayda inaan u ciyaaro kubada cagta Oranje!"

"Aniga ciyaartoyda dhalinta yar lama tartami karo!"

Shahab waa 34 jir wuxuu ka yimid Iraan. Wuxuu geeska asagoo jooga dhiiro gelinayaa kooxdiisa. "Aniga waxaan ka imid AZC Haarlem si aan halkaan kubada cagta uga ciyaaro". Shahab wuxuu si gaar ah u xiiseeyaa Arjen Robben iyo Dennis Bergkamp."Robben iyo Bergkamp wey da'weyn yihiin sideyda oo kale. Aniga ciyaartoyda dhalinta yar lama tartami karo"

"Maanta waan ku guuleysaneynaa!"

Ciyaaryahanka tayada leh Alexandr oo ka yimid Yukrayn waa keliya 18 jir. "Aniga maanta inaan kubada cagta ciyaaro ayaan rabey. Markaan halkan imid waxaan la kulmay Yukrayn kale. Isla markii koox ayaan sameynay". Maalintan waa Alexandr siyaado ayey ula fiican tahay. Yukrayn markuu joogay darajo sare ayuu kubada cagta ka ciyaari jirey. "Waan ku faraxsanahay inaan Nederlaan joogo. Nederlaan wax badan ayey noo qabataa. Waxaan heysanaa hoy iyo waxaan aadaa iskuulka. "Xagga kalsoonida wey fiican tahay: "Waan guuleysaneynaa maanta!"

Tababaraha kooxda qaxootiga waa René van Rijswijk. Asaga xitaa xirfad shaqo ahaan ayuu uga soo shaqeeyey. Hadda asaga ayey ku xiran tahay inuu ciyaartoyda ugu wanaagsan u kaxeeyo Frankfurt. Waxaa 28 juunyo loo tartamayaa koobka.

Maqaalkani xiiso ma kuu leeyahay?