Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Home
  • Baaruuda Nederlaan ee sannadka dhamaadkiisa iyo kankale bilowgiisa
Rashka Rotterdam lagu qabto
Laga soo xigtay: Frans Berkelaar

Baaruuda Nederlaan ee sannadka dhamaadkiisa iyo kankale bilowgiisa

La shaaciyey: 12/20/2022, 12:22 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Habeenka 31 disambar ee galo 1 janaayo waxaa Nedelaanka ku ciidaan baaruuda. Nederlaan oo dhan waxaa ka jira bandhigyo baaruuda. waxaa kaloo ay Nederlaan badan ay shidaan baaruuda, Qodobkan ka aqri meesha iyo goorta la oggol yahay. Iyo wixii la rabo inaad iska ilaaliso habeenka sannadka hore iyo kan cusub.

Baaruuda degmooyinka qaar waa ka mamnuuc

Deegaanada qaar waxa mabnuuc ah in aad qariso rashka adigu. Hubi wabsaaydka deegaankaaga si aad u ogaatid in laguu ogol yahay inaad qarxisid rashka. Inta badan dadka deegaanadani waxay wali qarxiyaan rashka. Tani waa mabnuuc. Hubi websaaytka degmadaadahaddii la oggol yahay inaad baaruuda shido. Badiyaa degmooyinka dad ayaa haddan baaruuda shida. Taasi waa mamnuuc.

Buuqa la dhibsado ee baaruuda

Dhammaan Diseembar, u diyaargarow wasakhowga rashka. Rashka ugu badan waxa la shidaa Netherlands dhexdeeda Diseembar 31. Laakiin todobaada kahoreeya, rashka sharci darada ah waa la shidaa. Xasuusnow tani. Waxaad maqli doontaa dhawaqa maalmaha ugu danbeeya ee sanadka.

Ka taxadar oo dhowr amaanka marka ad baaruuda shideyso

Rashku wuxuu noqon karaa mid halis ah. Sidaasi darteed, ka fikir badqabkaaga iyo badqabka dadka kale. Hashidin rashka adigu haddii aanad sameyn sidaasi marhore. Haddii aad shiday rash kahor, ka taxadir. Xidho muraayadaha rashka, isticmaal fuyuuska laydhka oo iska fogee rashka. Rashka culus waa la mabnuucay.

Gaadiidka dadweynaha wax yar ayuu shaqeeyaa

Dhammaadka sanadka, gadiidka dadweynuhu way kooban yihiin. Sidoo kale, basaska, tareenda, gawaadhida wadada iyo tareenka-dhulka hoos maraa wakhtiyo kala duwan ayey socdaan. Hubi inaad ka warhaysid jadwalka saxda ah. Tani waxa lagu muujiyaa wabsaaydka baska, tareenka, gaadhiga wadada ama tareenka dhulka hoos mara.

Sanduuqyada xidhan

Maalmihii u danbeeyey ee sanadka, sanduuqyada iyo weelka qashinka waa laga saaraa meesha ama waa la xidhaa. Tani waxay ka badbaadisaa dadku inay ku tuuraan rashka dhexdooda. Fadlan xasuusnow tani haddii aad rabtid inaad warqad dirtid.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?