• Bilowga
  • Shaqo raadinta xagga RefugeeWork
Afar dhalinyar oo miis ka wada shaqeynaaya
Laga soo xigtay: Wijchen (VluchtelingenWerk Nederland)

Shaqo raadinta xagga RefugeeWork

La shaaciyey: 12/20/2022, 12:22 GD
Qodobkaan sii wadaaji

Xagga RefugeeWork, waxaad bilaabi kartaa shaqo raadin ooluqadaada ah. waxaad ka arkeysaa websaaytka RefugeeWork, shaqooyin jira oo lagu tarjumay 11 luqadood.markaasina, waxaad aqrin kartaa nooca shaqada ee jira ka dibna waxaad shaqaalaha u sheegeysaa in aad jeceshahay inaad shaqeyso.

Luuqadaada

Marka shaqaaleysiiyuhu raadiyo shaqaale, wuxuu badanka soo xayeysiiyaa shaqo banaan. Shaqo banaan waa xayeysii sheegaya shaqada la heli karo. Xayeysiis kan oo kale wuxuu sheegaa nooca khibrada iyo aqoonta aad u baahan tahay si aad u qaban kartid shaqada.

Shaqooyin badan oo ka banaan Netherlands waxa kaliya lagu akhrin karaa Luuqada dalka ee Dutch. Tani waxay ku adkaan kartaa dadka aan wali baran Dutch ka. Ama dadka imika uun baranaya Dutch. Iyadoo la turjumayo shaqooyinka banaan, RefugeeWork waxay u fududaynaysaa dadku inay kasoo jawaabaan xayeysiisyada.

U shaqo tagista si dhakhso ah

Haddii aad rabto inaad shaqeyso, waa shaqeyn kartaaka dalbo RefugeeWerk websaaytkooda. Waa inaad ku buuxisaa qofka aad tahay. Waxaad kaloo upload-ku sameyn kartaa Cv gaaga xagga RefugeeWork. Cv ga waa bogga uu ku jiro warbixintaada shaqsiga, waxbarashada iyo qibrada shaqada. Waxaa lagugu xirayaa shaqada adiga kugu habboon.

Sakhsi Reer Ukrayn ah Emre Ozturk ayaa mar horeba shaqo ka helay RefugeeWork: "Wabsaaydku si fudud ayuu u shaqeeyaa," ayuu yidhi. "Waxaan buuxiyey foomka waxaana la igu beegay dhowr shaqo shabakada dhexdeeda. Waxaan jecelahay cunto-karinta oo waxaan ka jawaabay shaqo hudheel ku yaal Rotterdam. Kadib 1 maalin waxaan bilaabay shaqada."

Ka socoto VluchtelingenWerk Nederland

RefugeeWork waxey bilaabeysaa in si madaxbanaan iney ururka xaquuqda bani'aadanka VluchtelingenWerk Nederland. Waxaa mawduucan waxaa taageeraaya wasaarada arrimaha Bulshada iyo Arrimaha Shaqooyinka. Boqorada Maxima ayaa soo shaac bixisay websaaytkan sannadkan horraantiisa.

Waxaad Fiidiyowgan, ka arkeysaa qaabka RefugeeWork loo furay

Waxaa qoraalkan isku duba riday urur seddexaad(www.youtube.com).maadaama aad diiday inaad ogolaato (cookies) waxa keliya aan awoodnaa inaan kuu jiheyno YouTube halkii aan ka fidin lahayn websaaytkeena: YouTube.com

Boqorada Máxima ayaa furtay aaladda RefugeeWork

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?