Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




  • Bilowga
  • RefugeeHelp waxa u joogaan dhamaan qaxootiga Nederland jooga.
Taleefoon ku leh shaashada RefugeeHelp

RefugeeHelp waxa u joogaan dhamaan qaxootiga Nederland jooga.

La shaaciyey: 12/21/2022, 3:01 GD
Qodobkaan sii wadaaji

RefugeeHelp wuxuu noqonayaa websaaytka dhamaan qaxootiga jooga Nederland. Waxaa Arbacadii 21 disambar ahayd qeybtii ugu horeeyey ee RefugeeHelp-ka cusub ayaa online la soo geliyey. Ilaa iyo hadda websaaytka keliya qaxootiga Yukraynka ayaa isticmaali jirey. Shaashada gadaasheeda, waa la ballaariyey websaaytkasi uu sidoo kale warbixin uga helaan magangelyodoonka iyo qaxootiga sharciga heysta.

Luuqadaha

Ka dib markii Ruushaka ku soo duulay Yukrayn, qaxooti badan oo Yukrayn ayaa yimid Nederlaan. Si loogu caawiyo in sida ugu wanaagsan warbixin loo siiyaa, Ururka qaxootiga caawiya (VWN) si wadajir ah iyaga iyo lamaanayaashooda waxaa la sameeyey websaaytka RefugeeHelp. halkaasoo ay qaxootiga Yukrayn ka heli karaan warbixinta muhiimka ah oo luqadooda ku qoran.

Waxaa websaaytka loo balaariyey si ay si wanaagsan u caawiso dhamaan qaxootiga jooga Nederlaan. Ballaarinta RefugeeHelp waxaa la helayaa:

  • Af Nederlaanka

  • Af Inglishka

  • Af Carabiga

  • Af-Tigrinya

  • Af Turkiga

  • Af Faransiiska

  • Af Farsiga

  • Af Soomaaliga

Tirada luuqadaha (iyo lahjadaha) waa ay sii socon doontaa in lasii ballaariyo sanadka soo socda. Bogga loogu talagalay qaxootiga kayimid Yukreyn waxaa lagu sii wadi doonaa in lagu helo luuqadaha Afka Nederlaan, Af-Ingiriis, Afka Yukreyn iyo Afka Ruushka.

Kordhinta

Caddadka macluumaadka ayaa sidoo kale sii kordhaya. Tusaale ahaan, dhammaan qaxootiga ku nool Nederlaan waxa ay dhawaan awood u yeelan doonaan inay wax ka akhriyaan:

  • Iyagoo daryeelaaya dhaqaalahooda

  • Isdhexgalka bulshada ee qasabka ah

  • helitaanka shaqada

Waxaan ku horimarineynaa RefugeeHelp fikraddaRefugee First. Taasi waxey micnaheeda tahay inaan mar walb la hadleyno qaxootiga iyo dadka sharciga leh. Qaabkaasi ayaan ku ogaanaa warbixinta aan u baahannahay inaa ku darno websaaytka. Marka aan sidaan sameyno, waxaan rajeyneynaa inaan sida ugu wanaagsan warbixinta kuugu helno.

Marka laga soo tago RefugeeHelp, webseedka ForRefugees ayaa sidoo kale jira. Waxaa ugu dambeyntii la qorsheeyey in RefugeeHelp uu bedeli doono webseedkan.

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?