Waxa aad u baahan tahay haddii dhulgariirka dartiisa aad rabto inaad aado Turkiga ama Suuriya
La wadaag baraha bulshada:
Haddii ay reerkaaga joogaan aaga dhulgariirka ee Turkiya iyo Suuriya oo ma rabtaa inaad aado meesha? Taasi waxey caaqibo xumo u yeelan kartaa codsigaaga magangelyada ama deganaanshahaaga ee Nederlaan. Hoos ka aqri waxa aad u baahan tahay inaad tixgeliso.
Makaa maqan yihiin dadkaaga jooga Tukiga iyo Suuriya
Haddii aad raadineyso familkaaga ee jooga Turkiga, waxaad la xariir kartaa
taleefoonkaMasiibada iyo Maamulka Arrimaha degdega ee Dowlada Turkiga (AFAD)Waxaa Laanqeyrta Cas kaa caawini karaan raadinta dadka la raadinaayo ee Turkiya iyo Suuriya. Fadlan la soco: in meelaha qaarkood aan si fiican loo geli karin iyo caawinaada gargaar deg dega weli waa bilow. Sidaa awgeed, waxaa suura gal ah in Laanqeyrta Cas aysan isla markii ku caawin karin.
Faahfaahinta la xariirka AFAD ee meelaha dhibaatada gaartay ee Turkiga
Haddii aad rabto inaad la xariirto AFAD oo warbixin dheeraad ku saabsan Turkiga, hoos waxaa ku qoran liis taleefano nambarada ah:
AFAD Adana: 0090 (0) 322 227 2854
AFAD Adiyaman: 0090 (0) 416 216 1231
AFAD Antep: 0090 (0) 342 428 1118
AFAD Diyarbakir: 0090 (0) 412 326 1156
AFAD Hatay: 0090 (0) 326 112 0000
AFAD Malatya: 0090 (0) 422 212 8432
AFAD Maras: 0090 (0) 344 221 4991
AFAD Mardin: 0090 (0) 582 212 3740
AFAD Urfa: 0090 (0) 414 313 7290
Laanqeyrta Cas
Waxaan ahay qaxooti Turki ah oo waxaan rabaa inaan aado Turkiga
Ku noqoshada Turkiya waxey raad xun ku yeelan kartaa dacwadaada magangelyodoonka ee joogistaada Nederlaan. Waxey sabab u noqon kartaaa
Hoos waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad oo xaaladaada shaqsiga ah:
Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu laabto Turkiga
Waxaad codsatay magangelyo iyo waxaad rabtaa inaad ku noqoto Turkiga si ku meel gaar ah
Codsigaaga magangelyada waa la joojin karaa haddii aadan ka soo qeyb galin wareysiga IND. Ama haddii aad ka tagto Nederlaan adigoo aan la socodsiinin IND.
IND ma bixiso
ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Turkiga, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.fiisada ku noqoshada
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Turkiga
IND waa kaala noqon kartaa sharciga deganaanshaha haddii aad u safarto Turkiga. Tani waxaa sabab u ah inaad ku noqotay wadan aad qatar ku sugan tahay.
IND ma bixiso
ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Turkiga, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.fiisada ku noqoshada
Waxaan ahay qaxooti Suuriyaan ah oo waxaan rabaa inaan aado Suuriya
Ku noqoshada Suuriya waxey cawaaqib xumo ku yeelan kartaa dacwadaada magangelyodoonka ama joogistaada Nederlaan. Waxey sabab u noqon kartaa in
Hoos waxaad ka heleysaa warbixin dheeraad oo xaaladaada shaqsiga ah:
Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Suuriya
Codsigaaga magangelyada waa la joojin karaa haddii aadan ka soo qeyb galin wareysiga IND. Ama haddii aad ka tagto Nederlaan adigoo aan la socodsiinin IND.
IND ma bixiso
ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Suuriya, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.fiisada ku noqoshada
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Suuriya
IND waa kaala noqon kartaa sharciga deganaanshaha haddii aad u safarto Suuriya. Tani waxaa sabab u ah inaad ku noqotay wadan aad qatar ku sugan tahay.
IND ma bixiso
ee Nederlaan. Sidaa awgeed, haddii aad iskaaga ugu safarto Suuriya, markaa ma jiro damaanad qaad inaad ku soo noqon karto Nederlaan.fiisada ku noqoshada
Waxaan ahay qaxooti Suuriyaan ah oo waxaan rabaa inaan aado Turkiga
Markaad tahay qaxooti Suuriyaan ah, haddii aad buuxiso sharuudaha waxaad aadi kartaa Turkiga. Sababta aad u aadi karin Suuriya, laakiin aad u aadi karto Turkiga, waa waxaad magangelyo ka weydiisatay Nederlaan maadaama aad qatar ku jirto Suuriya.
Ka aqri hoos sharuudaha aad u baahan tahay inaad buuxiso xaaladaada:
Waxaan codsaday magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu laabto Turkiga
Haddii aadan weli heysanin sharci deganaansho oo magangelyo oo Nederlaan ah, kama heleysid fiiso aad ku aado Turkiga safaarada Turkiga. Sharci sax ah oo Nederlaan ah waa mid ka mid ah sharuudaha si loo helo fiiso Turkiga ah.
Haddii aad weli dalbaneyso fiiso Turkiga ah adigoo aan heysanin sharci magangelyo, dalabkaaga waxey u badan tahay iney soo diidayaan. Fiisada dalabkeeda waa ugu yaraan 200 yuro ah. Haddii dalabkaaga fiisada la soo diido lacagta laguuma soo celinaayo.
Waxaan leeyahay deganaansho magangelyo iyo waxaan rabaa inaan si ku meel gaar ah ugu noqdo Turkiga
Tani waxaad sameyn kartaa ahdii aad heysato fiiso Turki sax ah iyo baasaboor Suuriyaan ah. Waxaad ka codsan kartaa baasaboor qaxooti degmadaada haddii aadan heysanin baasaboor sax ah.
Qunsulka turkiga wuu dedejinaayaa dalabkaaga haddii aad cadeyn karto iney familkaaga iyo asxaabtaada Turkiga joogaan.
Haddii aadan heysanin baasaboor Suuriyaan ah, ilaa sidaan annaga ognahay, dowlada Nederlaanka kuma siin karaan dokumenti safarka oo Suuriyaanka magangelyodoonka ah ee aan heysanin baasaboor Suuriyaan ah. Hadey xaalada sidaa tahay, waxey u badan tahay inaadan ka heleynin fiiso turkiga ah qunsulka Turkiga. Baasaboor sax ah waa mid ka mid ah sharuudaha fiisada Turkiga lagu helo.
Haddii aadan weli heysanin sharci deganaansho oo magangelyo oo Nederlaan ah, kama heleysid fiiso aad ku aado Turkiga safaarada Turkiga. Sharci sax ah oo Nederlaan ah waa mid ka mid ah sharuudaha si loo helo fiiso Turkiga ah.
Haddii aad Turkiga si sharci daro uga soo baxday oo aad heysato mamnuucida gelitaanka, waxey u badan tahay inaadan ka heleynin fiisada qunsulka Turkiga.
Haddii aad weli dalbaneyso fiiso Turkiga ah adigoo aan ka soo baxeynin sharuudaha dalabkaaga waxey u badan tahay iney soo diidayaan. Fiisada dalabkeeda waa ugu yaraan 200 yuro ah. Haddii dalabkaaga fiisada la soo diido lacagta laguuma soo celinaayo.
Sharuudaha fiisada ee Turkiga
Websaaytyo muhiim ah
Hoos waxaa ku qoran websaaytyo muhiim ah si aad ula socota xaalada aagga dhulgariirka iyo aad u codsaneyso fiisaha soo laabashada: