Mawduucyada

show menu options

SO

Af Soomaali

Somali




Laba nin ayaa taleefoonkooda ka fiirinaaya websaaytka RefugeeHelp.
Laga soo xigtay: VluchtelingenWerk Nederland

RefugeeHelp: waa barta aad ka bilowabeyso interneetka

La shaaciyey: 3/16/2023, 10:55 GH
Qodobkaan sii wadaaji

Ku soo dhawoow RefugeeHelp! Halkan waxaad ka heleysaa dhamaan warbixinta qaxootiga Nederlaan. RefugeeHelp waxay bedeshay ForRefugees iyo waa goobta interneetka oo warbixin xaaladaada ku saabsan.

RefugeeHelp adigana wey kuu joogaan

RefugeeHelp waxey sannadkii hore bilaabeen goob interneetka oo qaxootiga ka yimid Yukraynka.

Riix halkan wixii faahfaahin siyaado ah
VluchtelingenWerk Nederland (VWN)
waxey bilaabeen iyaga iyo 28 ururo kale websaaytka RefugeeHelp si qaxootiga Yukraynka sida ugu wanaagsan warbixin loogu caawin lahaa.

Hadda websaaytka waa la sii ballaariyey si dhamaan qaxootiga jooga Nederlaan loo siiyo warbixinta saxda.

Bogga adiga kuu gaarka ah

Xaalad walba waxaa jira bog asaasi oo gaar ah warbixin gaar oo xaaladaasi gaarka ah. Taasi waxaa ay yihiin:

  • Dadka magangelyada ka weydiistay Nederlaan

  • Dadka heysta sharciga deganaanshaha

  • Dadka dacwada u dhamaatay oo rasmi ahaan ay tahay iney wadankooda u noqdaan

Hore ma uga fiirisay websaaytka ForRefugee warbixin? Markaa waxaad hadda kala xariir kartaa RefugeeHelp. Dhamaan warbixinta oo aad hore ForRefugees ka heleysey, waxey hadda ku qoran tahay RefugeeHelp.

Warbixinta luqadaada hooyo

Ballaarinta RefugeeHelp waxaa laga helayaa 11 luqadood. Hore waxaa RefugeeHelp wuxuu ku qornaa Yukraynka, Ruushka, Inglishka iyo Nederlaanka. Hadda waxaa RefugeeHelp ay ku kordhiyeen 7 luqadood kale. Sidan ayaa warbixinta luqadaada ugu aqrisan kartaa.

Warbixin iyo wixii cusub

RefugeeHelp waxaad ka heleysaa warbixin ay ka mid yihiin: dacwada magangelyodoonka, dib u noqoshada wadankaaga asliga, mideynta qoyska, la qabsashada bulshada, helitaanka shaqada, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.

Waxaad kaloo Waxaad kaloo heleysaa RefugeeHelp dhacdooyinka hadda socda oo muhiim ah inaad ogaato.

Fikradaada wey u xisaabtameysaa RefugeeHelp

Waxaan RefugeeHelp u horumarinaa si wadajir ah dad soo qaxay. Bilihii la soo dhaafay waxaad la hadalnay 600 qaxooti ah. Asaaska wadahadaladan waxaa RefugeeHelp ay websaaytka ku naqshadeeyeen iyo warbixinta ku hagaajiyeen.

Warbixinta RefugeeHelp mar walba waa la sii ballaarinaayaa. warbixin miyaa tabeysaa ama ma heysaa wax aad nooga war celineyso? Weli waxaan ku jirnaa ka shaqeynta war celintii aan hore u helnay.

Mar dhow waxaad bog walba oo RefugeeHelp ka heleysaa sanduuq-fikradaha. Halkaasi ayaa nagu ogeysiin kartaa warbixinta aad tabeyso.

Fiidiyowgan wuxuu Bassel ku sharaxayaa websaaytka Af Carabiga.

Waxaa qoraalkan isku duba riday urur seddexaad(www.youtube.com).maadaama aad diiday inaad ogolaato (cookies) waxa keliya aan awoodnaa inaan kuu jiheyno YouTube halkii aan ka fidin lahayn websaaytkeena: YouTube.com

Maqaalkani faa'iido ma kuu leeyahay?